09/03/2015
Safarkii u danbeeyay ee aan ku tagno beerta shirkada Som Cattle Farmers Pty Ltd ayaa ahayd mid soo afjartay iibinta lo'dii sanadka beerta la geliyay ka dib markii intii u danbeysay maanta loo qaaday xerada xoolaha lagu kala gato halkaas oo hadda ay beerta ku hareen 2500 oo ido ah iyo dersin lo' ah oo iyagu ku dhalay beerta oo ilmo haysta.
Beertu qaabka ay u shaqayso ayaa ah mid lagu geliyo lo'da sanadka bilowgiisa (March aakhirkeeda ilaa April horraanteeda) dabeed lagu naaxiyo ilaa aakhirka sanadka (October ilamaa November) halka idaha la geeyo June ilaaa March.
Waxyaalaha xoola-dhaqashada Australia ay kaga duwan tahay sideenii Somalia waxa ka mid ah halkan xoolaha waxa lagu kala gataa miisaan halkii innagu aynu madax lagu kala gadan jiray walow qiyaasta miisaanka ama sida neefku u naaxsan yahayna ayan innaga marnayn maskaxiyan. Arrinka labaad ee halka ay innooga duwan tahay waa xoolihii oo aan cidi raacay ee silig loogu wareejinayo in dhul ah oo sharciyaysan dabeedna kolba mar uun la soo fiirinayo keliya waxa xaaladooda daaqsimeed iska bedelay. Taas macnaheedu waxaa weeyey bahal iyo tuug toona loogama yaabo xoolaha inay dhibaateeyaan. Waxaana halkaas laga dhadhansan karaa in kharajka xoolaha ku baxaya ka sokow beerta kiradeeda ay tahay wax aad u yar khatartuna ay yar tahay.
Waxa kale oo aan halkan idin kula qaybsanayaa in ganacsigani yahay mid furan oo lagu soo dhoweynayo ciddii ka qayb qaadanaysa maalgelin iyo maangelin intaba. Haddaad talo iyo tusaale noo hayso fadlan nagala soo xiriir:
[email protected];
[email protected];
+61452 621 761
+61466 870 301
ama bogayagan facebook