06/04/2020
BY: Voss Tv
MOHAMED "MUDO 3 SANO AH AYAAN JEEXANAHAY, MAAMULKA GOBOLKA OO CODSI CAAWIMAADA AAN UDIRTEY IMA SOO JAWAABIN"
Mohamed Ducaale Ibrahim Ilkacase, Waa Wiil Dhalinyaro Ah, Kana Jeeda Degmada Ayshaca Ee Gobolka Sitti, Wuxuuna Mohamed Mudo 7 Sanadood Ah Yahay Shaqaale Dowladeed.
Mohamed Ducaale Wuxuu Mudadaasi Inta badan la Il Darnaa Xanuun Dhanka Caloosha Ah, Wuxuuna Mudo 3 Sanadood Gudahooda Ah Dhawr Jeer Galay Qaliin Dhinaca Caloosha, Balse Ilaa Hada kuma Caafimaadin. Mohamed Wuxuu Xanuunkaasi la Dhibaatoodaba Oo Uu Safar Habeen & Dharaara Ugalo Meel Kasta Oo Dhakhtar loogu Sheegi Karay Ugu Dambeyn Mohamed Waxay Dhakhaatiirka Ushegeen In Gudaha Dalka Aan Waxba loogaga Qaban Karin, Meesha Kaliya Ee Xaaladisa lagula Tacaali Karana Ay Tahay Wadanka Hindiya.
Mohamed Ducaale Waxaa loo Sheegay In Kharashka Laga Rabo Uu Yahay $10500 Oo Dollor, Oo Udhiganta 441,000 Kun Oo Birr, Balse Mohamed Wuxuu noo Sheegay Inuusan Awoodin Kharashka Intaasi Le'egi Maadama Uu Aad Ubadan Yahay, Wuxuu Uu Kharash Heli Karayna Ay kaga Dhamaatey Qaliinadii Uu Horey Ugalay. Mohamed, Wuxuu Sheegay Inuu Codsiyo Caawimaad Ah ka Dalbaday Degmada Ayshaca, Iyo Gobolka Sitti, laakin Uusan Gobolka Ilaa Hada Ka Helin Wax Jawaab Ah.
Intaas kadib Mohamed Ducaale, Wuxuu Tagay Magalada Jigjiga Ee Caasimaada DDS, Si Uu Codsiyo Caawimaad Ugu Gudbisto Xafiisyada Caawin Kara Laakin Nasiib Xumo Wuxuu Sheegay Inuu Xafiisyo Badan oo Uu Tagay Codsiyana ka Dalbaday Laga Soo Saaray. Balse Maalmo Badan Kadib Mohamed Wuxuu Lakulmey Wasiirka Gaadiidka Iyo Jidadka, Rooble Cawaale Bucul Kana Codsaday Inuu Uu Awood Uu Caawiyo Intii Karaankiisa Ah Una Ufududeeyo Inuu la Kulmo Aadan Faarah Madaxweyne Ku Xigeenka DDS, Balse Ay Usuurogalin.
Wuxuu Mohamed Codsi Caawimaad Ah U Dirsanayaa Madaxweynaha DDS, Mustafe Muhumed Omar Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka DDS, Aadan Faarah Ibraahim Iyo Guud Ahaan Shacabka Somaliyeed Iney Soo Caawiyaan.
lanbarka Helo-Cashta 0915006697, Nimcan Osman Muse.