28/07/2026
Shirkadda Macdanta Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa Gobolka Daawa ku qabatay Shirka Wacyigelinta iyo Kor u Qaadista Silsiladda Qiimaha Macdanta, oo loogu talagalay iskaashatooyinka macdanta ee ka hawlgala Gobolka Daawa
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Maareeyaha Guud ee Shirkada Macdanta DDS, Inj. Muxiyadiin Macalin, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista qodista, soo saarista, qiime-kordhinta iyo suuq-geynta macdanta si khayraadka dabiiciga ah loogu beddelo koboc dhaqaale iyo shaqo-abuur.
Shirka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Maamulka Gobolka Daawa iyo Maamulka Degmada Mooyaale, kuwaas oo xoojiyay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo iskaashatooyinka si loo horumariyo qaybta macdanta.
Kulankan ayaa lagu lafa-guray sidii kor loogu qaadi lahaa silsiladda qiimaha macdanta, tayada wax-soo-saarka iyo helitaanka suuqyo waara, si uu u kordho dhaqalaha iskaashatooyinka iyo Dakhliga Dowlada.