Hakiim Afta

Hakiim Afta Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hakiim Afta, Business service, Illeys primary school, Dagahaley Camp, Dadaab.

01/02/2023

Tafsiirka suuratu Ad-daariq Darsigii 35 aad Suuradani waa makki waana suurada 86 aad ee tirsiga suuradaha Suuradani waxay ku bilaabataa dhaar

بسم الله الرحمن الرحيم

وَالسَّمَاءِ وَالطَّارِقِ
Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura.

Alle wuxuu ku dhaartaa makhluuqiisa

وَمَا أَدْرَاكَ مَا الطَّارِقُ
Ma taqaan Xiddigga guura.

النَّجْمُ الثَّاقِبُ
Waa Xiddig ifa.

إِن كُلُّ نَفْسٍ لَّمَّا عَلَيْهَا حَافِظٌ
Ee Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag).

فَلْيَنظُرِ الْإِنسَانُ مِمَّ خُلِقَ
Ee Dadku ha fiiriyo (dayo) waxa laga abuuray.

خُلِقَ مِن مَّاءٍ دَافِقٍ
Waxaa laga abuuray Biyo bood boodi (mani)

يَخْرُجُ مِن بَيْنِ الصُّلْبِ وَالتَّرَائِبِ
(Biyahaasoo) ka soobaxa Dhabarka (ragga) iyo laab ta (dumarka) dhexdooda.

إِنَّهُ عَلَىٰ رَجْعِهِ لَقَادِرٌ
Eebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada).

يَوْمَ تُبْلَى السَّرَائِرُ
Maalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon.

فَمَا لَهُ مِن قُوَّةٍ وَلَا نَاصِرٍ
Dadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna.

وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الرَّجْعِ
Eebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh.

وَالْأَرْضِ ذَاتِ الصَّدْعِ
Iyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo).

إِنَّهُ لَقَوْلٌ فَصْلٌ
Ee Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta).

وَمَا هُوَ بِالْهَزْلِ
Ciyaarna ma aha (ee waa dhab).

إِنَّهُمْ يَكِيدُونَ كَيْدًا
Gaaladu waxbay dhakri.

وَأَكِيدُ كَيْدًا
Annaguna waanu kaydi (Abaalmarin).

فَمَهِّلِ الْكَافِرِينَ أَمْهِلْهُمْ رُوَيْدًا
Ee u sug Gaalada wax yar.

Wallaahu aclam alle ha inoo fududeeyo ku camal falka qur,aanka share garee wll

W/q:- bishaar maqadin
Voss Tv

Address

Illeys Primary School, Dagahaley Camp
Dadaab

Telephone

+254794292353

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hakiim Afta posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share