17/09/2022
Nin ayaa u yimi imaam abuu xaniifa markaasuu ku yiri: imaam abuu xaniifoow kiish lacag ah ayaan meel ku duugay kadibna meeshii ayaan aqoonsan waayey..... sideen ku xusuusan karaa meeshaas aan lacagta ku duugtay?!.
Imaam abuu xaniifa wuxuu ku jawaabay:Howshaas ma ahan wax culimada la weydiiyo... laakiin talo yar ayaan ku siinayaa...Habeenkii salaad u istaag oo tuko ilaa ay qorraxdu ka soo baxdo...intaas haddaad sameyso meeshii aad maalka dhigatay waad xusuusan doontaa!
Ninkii sidii buu yeelay oo salaad ayuu u istaagay..wax-yar markuu tukanaayey ayuu soo xusuustay meeshii uu Lacagta ku duugay..salaaddii intuu ka baxay ayuu toos u abbaaray meeshii, oo lacagtii kala soo baxay...dabadeed imaam abuu xaniifa ayuu u yimi wuxuuna u sheegay inuu taladiisa qaatay Meeshii uu lacagta dhigtayba uu soo xusuustay...markuu u mahadceliyey kadib ayuu weydiiyey:Abuu xaniifoow sidee ku ogaatay inaan salaadda ku dhex xusuusan doono Lacagta meesha aan ku qariyey?
Imaam abuu xaniifa ayaa ku warceliyey: Sababtoo ah waxaan ogaa inuusan sheydaanku kuu ogolaan doonin inaad habeen dhan salaad u taagnaato taa baddelkeedna uu ku mashquulin doono kuna soo xusuusin doono wax walba oo aad ilowday si aad salaadda uga baxdo...