Banadir Daily News

Banadir Daily News Fadlan Nasoo Follow garee si aysan Wararkeena danbe kuu Seegin Mahad sanid.

https://vt.tiktok.com/ZS9Bnnk1Lw5Ny-XkhEC/
02/09/2026

https://vt.tiktok.com/ZS9Bnnk1Lw5Ny-XkhEC/

Discount abayad turaaxad 10$. | Check out Zama fashion 🇸🇴🛍️🎀's LIVE streams on TikTok! Watch, follow, and discover the latest content from Zama fashion 🇸🇴🛍️🎀.

  ka mid ah Warbaahinta Calamka oo Sidaan Qortay:Nin Soomaali ah ayaa dhexdhexaadiyay isbahaysi u dhexeeya laba kooxood ...
02/09/2026

ka mid ah Warbaahinta Calamka oo Sidaan Qortay:
Nin Soomaali ah ayaa dhexdhexaadiyay isbahaysi u dhexeeya laba kooxood oo argagixiso ah oo ku hanjabay inay sii carqaladeyn doonaan suuqa saliidda Adduunka.
Ninkaan ayaa ku jiray bishii malabka markii uu Mareykanku ku daray magaciisa Liiska Argagixisada.

RW h**e Cumar Cabdirashiid "Waxaan ku faraxsanahay inaan wada-hadallo wax-ku-ool ah la yeeshay, Ku-xigeenka cusub ee Mad...
01/09/2026

RW h**e Cumar Cabdirashiid "Waxaan ku faraxsanahay inaan wada-hadallo wax-ku-ool ah la yeeshay, Ku-xigeenka cusub ee Madaxa ergada Mareykanka, Ruth Anne Stevens-Kltz."

01/09/2026

Somaaliya oo Saciid Deni ku eedeysay in uu Burcad Badeeda Taageero.

01/09/2026

Gobolka Banaadir oo 1000 kun Boos ubalanqaadey Dadka Laga Barakiciyey dhulka Dowlada.

01/09/2026

Dhulboobkii ugu darnaa oo saakay ka socda Suuq Boocle. Ganacsatada masaakiinta oo iyagoo aan fileynin halmar cagaf la dhexgaliyay.

  Booliska magaalada Dhobley  ayaa maanta soo bandhigay eedeysane Sheeqeey Abdulahi Abdi Ali oo ku eedeysan kaganacsiga ...
01/09/2026

Booliska magaalada Dhobley ayaa maanta soo bandhigay eedeysane Sheeqeey Abdulahi Abdi Ali oo ku eedeysan kaganacsiga Daroogada,

Habeenimadii xalay aheed hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Amniga Degmada Dhobley ayaa lagu soo qabtay,Sheeqeey Abdulaahi Abdi oo doonaye in magaalada Dhobley uu Soogaliyo Maandooriyaha Loo yaqaano Xashiishka,Oo Dhan 9kiilo:

Ciidamada oo kawar Hayay xogta ah in magaalda la soogalinayo muqaadaraadka loo yaqaano xashiiishka ayaa waxaa ay fuliyeen hawlgal lagu soo qabanayo muqaadaraadkaasi,

Eedaysanahan oo horay kiis noocan oo kale ah boolisku ku soo qabteen islamarkaasina la saaray maxkamada Degmada Dhobley ayaa ku xukuntay xabsi iyo ganaax balse markuu dhameystay la siidaaye: maantana mar labaad kiiskii oo kale ay ku sooqabteen ciidamada Amniga Degmada Dhobley....

  Istanbul oo Martigelinaysa shirka Isbahaysiga Difaaca Makka ee Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan.Magaalada Istanbul waxa...
31/08/2026

Istanbul oo Martigelinaysa shirka Isbahaysiga Difaaca Makka ee Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan.

Magaalada Istanbul waxaa maanta oo Isniin ah ay martigelinaysaa kulan heer sare ah oo ay isugu imanayaan madaxda ugu sarreysa ee dhinacyada diblomaasiyadda iyo difaaca ee Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Pakistan, waana kulankii ugu horreeyay ee saddexdan dal yeeshaan tan iyo markii ay horraantii bishan saxiixeen Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makka.

Kulanka waxaa ka qeyb galaya Wasiirrada; Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Guud ee Ciidamada, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Turkiga.

Kulankan ayaa gogol-xaar u noqonaya dhismaha rasmi ah ee Guddiga Istaraatiijiga ah ee Siyaasadda iyo Difaaca, kaas oo noqon doona madal ay saddexda dal iskaga kaashanayaan dejinta siyaasadaha amniga, qorsheynta difaaca iyo xoojinta iskaashiga Military.

Ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa sheegtay in ajandaha kulanka uu diiradda saarayo xaaladaha amniga caalamiga ah, iyadoo sidoo kale laga wada hadli doono sidii loo horumarin lahaa awoodda ciidamada, iskaashiga difaaca iyo wada-shaqeynta istaraatiijiga ah ee xubnaha heshiiska.

Heshiiskii difaaca ee Maka (Makka Joint defense Agreement), ayaa lagu tilmaamay hannaan cusub oo ku dhisan difaac wadajir ah, kaas oo mabda’ ahaan u eg xulafada NATO, iyadoo weerar lagu qaado hal xubin loo arki karo weerar ku dhan ah dhammaan xubnaha isbahaysiga.

Aasaaska isbahaysigan ayaa yimid kaddib isbeddelladii waaweynaa ee amniga gobolka bariga dhexe iyo xiisadihii ka dhashay dagaalkii dhaxmaray; Maraykanka, Israa’iil iyo Iran.

Turkigu, wuxuu leeyahay ciidanka 2aad ee ugu weyn NATO, Pakistan waa awoodda Nuclear ee keliya ee dunida Muslimka ah, halka Sacuudi Carabiya ay tahay quwad dhaqaale iyo tamareed oo miisaan culus ku leh gobolka iyo caalamkaba.!

Dhanka ballaarinta isbahaysiga, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa wareysi uu bishii Agoosto siiyay Al Jazeera ku sheegay in Masar ay mustaqbalka qayb ka noqon karto heshiiskan. Bangladesh-na waxay dhankeeda sheegtay inay aad uga fiirsanayso ku biirista isbahaysigaan seddaxda dal.

Suuragalnimada ballaarinta xulafadaan ayaa walaac iyo cadaadis mustaqbalka ah gaar ah ku abuurtay dalka Hindiya. New Delhi ayaa si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqaan maadaama Pakistan oo ay deris yihiin door wayn ku leedahay samaysanka Isbahaysigaan, taas oo wallaaca kor u qaadi karta haddii Bangaladesh ku biirto Isbahaysigaan.

 : Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Ja...
27/08/2026

: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka socday Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, oo laf-dhabar u ah ilaalinta diinta, sharafta, dhaqanka iyo qiyamka Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa culimada ka dhagaystay talooyin iyo tusaalooyin muhiim ah oo ku saabsan Hindise-sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed ee horyaala Golaha, isagoo si gaar ah u dhegaystay aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan sharciyada kale ee horyaala Golaha ,oo ay muhiimka u tahay aragtida Culimada in lagu daro.

Adress

Malmö
43214

Webbplats

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när Banadir Daily News postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Genvägar

Dela