08/07/2024
Hijrada Nebigaﷺ. Sanadka 1446 Hijriga wuu biloowday
Toban sano oo uu nebiguﷺ la dhawaaqayay dacwada diinta Islaamka iyo saddex sano oo ka sii horraysay oo uu si hoose u faafinayay ka dib, waxay reer Maka ka tashteen in saddex maaddo middii ay ka yeeli lahaayeen ninkaan: 1) in ay dilaan, 2) in ay xiraan iyo 3) in ay magaalada ka cayriyaan, gorfayn ka dibna tan u horraysa ayaa la isla gartay.
{وَإِذ يَمكُرُ بِكَ الَّذينَ كَفَروا لِيُثبِتوكَ أَو يَقتُلوكَ أَو يُخرِجوكَ...}
الأنفال: ٣٠
Nebiguﷺ markii la soo diray niyadwanaag badan ayuu tolkiis u qabay oo waayo sida ay u jecelyihiinna wuu ogaa, nin run lagu yaqaannana wuu ahaa, sidaas darteed markii la soo diray ee ay hooyo Khadiijo RC u geysay Waraqah ibnu Nawfal Rc —oo ahaa oday waaya-joog ah— wuxuu yiri Waraqah: “Alla maalinka tolkaa magaalada kaa saarayaan maan joogo, oo aan xoog lahaado”! Eraygaas nebiguﷺ wuu la yaabay, wuxuuna si baraa’o leh u yiri: “Oo may i saarayaanna= أومخرجيَّهم؟”. Waraqah Rc wuxuu u sheegay qaaciddo guud, oo ogaal-dheeridiisa ka tarjumaysa, wuxuu ku yiri: “Sideedaba ma jiro qof la yimid waxa aad la timid oo aan lala colloobin”!
Nebigaﷺ malihiisii qurxoonaa way hungeeyeen, saaritaan kaliya uguma aysan ekayn ee saddex iyo tobankaas sano nebigaﷺ waxaa loo geystay wax kasta oo qof bini’aadan ah lagu dhibaatayn karay, kaliya nafta ayaan laga jarin. Waa la takooray heer takoorku gaaray in gabdhihiisii laga qabay loo soo furo. Waa la cunaqabateeyay oo saddex sano ayuu go’doon ahaa, oo asaga iyo qof kasta oo cad ugu yaallayba loo diiday in wax laga iibiyo ama si uun loola macaamilo, oo ay ku noolaayeen caleenta geedaha iyo wax marmar kotorobbaan ahaan loogu soo dusiyo mooyee. Waa la caayay oo la magacdilay heer dad meelo fogfog ka yimid ay warkiisa hayeen. Dhaawac jireed ayaa la gaarsiiyay heer dhiiggii madaxiisa ka hooray uu cirbihiisa ka da’ay.
Wax sahlan oo qof caadi ahi u adkaysan karo ma ahan in aad 13 sano dhexjoogto magaalo dhan oo kugu oorrinayso, carruurtu ku tuuryaynayso, cirrooluhuna kugu jeesjeesayo, raggu ku maagayo, dumarkuna ku maadsanayaan, adiga iyo dadkaaguna aad takoor ka tahay, intaasna ay kuu dheertahay in miraha 13-kaas sano ka soo baxay (dadka ku rumeeyay) ay aad u yaryihiin heer ay weli gacan-ku-ganbad yihiin, qaarna ayba qax ugu maqanyihiin badda ka shishe (Xabasha). Laakin, hal-adaygga markiisii h**e iIlaahey u dhaliyay marka laga yimaado, wuxuu shinsanayay ballanqaadyada Alle iyo sabarsiintiisa.
Haddiiba aan dhib kale laguu geysan waxaaba dhabar-adayg xadka ka baxsan u baahan in aad saddex iyo toban sano magaalo ku dhex wareegto, oo aad hadba qof istaajiso, oo aad wax u sheegto! Dadka qaar ayaanba kuu istaagayn, qaar ayaa qallafsani iskaga baxay oo hadal xun kuugu jawaabaya, qaar ciyaalsuuq ah ayaa iska kaa caayaya. Bal ka warran haddii farriintaada la wada maqlay oo inta aadan hadlinba candhuuf lagaa horkeenayo?
Ka warran haddii adeerkaa aabbahaa la dhashay oo dad kuu aqoon og (Abuu Lahab) uu shaqo kaa dhigto oo uu gadaashaada socdo, oo markaad hadal maagto qofkii ku dhahaya: “Anigaa adeerkiis ah waa beenlow, waxba ha ka dhegeysan” Ka warran haddii ay ku sii sugayso dhibaatooyinka kale ee kor ku xusan?!
Sabarka nebigu SCW waa sabar aan halbeeggiisa adduunka la keenin.
La xiriiritaankii reer Madiina.
Saddex iyo tobankaas sano nebiguﷺ ma uusan daalin mana uusan caajisin ee sidiisii asaga oo u firfircoon ayuu meel kasta oo dhawr qofi taagantahayba inta u tago ku dhahayay: “Yaa isoo dhoweynaya? Yaa i garabsiinaya? Si aan farriinta Alle u gudbiyo oo janno ku qaata intaas?”! Ilaa uu maalin kala kulmay 6 nin oo reer Madiina ah, wuxuu ku yiri: “Qolomaad tihiin?” waxay dheheen: “Reer Khazraj”. Wuxuu ku yiri: “Ma ii fadhiisanaysaan aan idinla hadlee?”. Way fadhiisteen farriintii Islaamka ayuu u bandhigay, wayna aqbaleen
Wadahadallada nebigaﷺ iyo reer Madiina waxay ka bilowdeen 6-daas nin, sanadkaas kii ku xigay bay u yimaadeen ayaga oo 12 nin ah, sanadkii ku sii xigayna waxay u yimaadeen ayaga oo 73 nin iyo 2 gabdhood oo kala ah: Nusaybah bintu Kacab iyo Asmaa bintu Camri, halkaas ayayna kula galeen heshiiska loo yaqaanno “Baycadii Caqaba ee labaad”.
Waxa baycadaas (heshiiskaas) ugu yaabka badani waa in ay toddobaatankoodu nebigaﷺ kula heshiiyeen in uu yimaado Madiina ayna u difaacayaan sida ay marrastooda u difaaci lahaayeen. Inta aysan baycadii bilaaban ayaa Cabbaas ibnu Nadlah oo dareensiinaya masuuliyadda weyninkeeda ku yiri: “War ma taqaannaan waxa aad ninkaan kula heshiinaysaani waxa ay yihiin?! Waa la dagaallanka madow iyo caddaan…” Baraa’ ibnu Macruur ayaa ka daba istaagay oo yiri: “Rasuulkii baycada nala gal, wallaahi waan kaa difaacaynnaa waxa aan xaaskeenna ka difaacno, annaguna sideedaba dagaal waan isnaqaan, ab iyo isir baan ka soo gaarnay…”
Bal arag geesinnimada intaa la eg, nin adduunyadu raadinayso bay ayaga oo toddobaataneeyo ruux ahi bogga u garaacdeen, adduunyada oo dhan ayay u babacdhigeen!! Waxay bartanka uga jiraan yahuud dhawr qabiil ah, Quraysh oo markaan dhiigga nebigaﷺ u malabsanaysa, Qadafaan oo carrakawaa ah iyo Aws iyo Khazrajkii kale ee aan weli islaamin. Saas oo ay Maraykan iyo Ruushkii waagaas (Ruum iyo Faaris) kuu sii dhimmanyihiin, wax labo-labayn ahina kashooda kuma jirto ee ayaga oo haliilaya ayay raggii hadlayay iska wareejiyeen oo dhaheen: “Rasuul Alloow intaa waan u babacdhigi karnaaye, maxaan leennahay? Wuxuu ku yiri: “janno” waxay dheheen: gacanta fidi…”! Maxaa ku baarqabnimo ah💯✔️
Siirada nebigaﷺ sida aad murugo iyo nebigaﷺ oo la dhibaataynayo ugu soo dhex jirto ayaa marka uu nebiguﷺ Madiina soo gaaro waxaad la kulmaysaa farxaddooda inuu uyimid oo ayadoo hubka loo boobayo si nebigaﷺ loo difaaco, weliba ayada oo aysan wax dhibaato ahi soo foodsaarin!
Reer Madiina markii ay maqleen in nebiguﷺ soo socdo maalin kasta magaalada bannaankeeda ayay isugu tagi jireen si ay nebiga ﷺ usoo dhoweeyaan, meeshaas ayay taagnaan jireen ilaa qorraxda kulaylkeedu soo celiso, maalinkii dambe ayay maqleen in nebiguﷺ soo muuqday
{فثار المسلمون إلى السِّلاحِ}= markaas bay Muslimiintu hubka boobeen!! Hadde wax dhib ahi ma dhicine ogow, waa digtooni kaliya! Markii uu nebiguﷺ Madiina soo gaaray, inta uusan magaalada soo galin waxay{فَجَاءُوا مُتَقَلِّدِينَ بِسُيُوفِهِمْ}= markaas bay yimaadeen ayagoo seefahooda jeeniqaarsan!! Baarqabnimadii ay baycada ku galeen hal mar isma aysan qarin, horay bay ka soo muuqatay.
Markaad siirada akhriso ayaad fahmaysaa waxa ay Ansaari ku muteen hadallada uu nebiguﷺ ka yiri ee culayska badan, oo ay ka midka yihiin:
“Haddii dadka oo dhani ay tog qaadaan, Ansaarina tog qaaddo, waxaan qaadi lahaa togga Ansaareed”. “Dadka oo dhani waa maryahayga kore, Ansaarise waa marada jirkayga xigta”.
“Ansaar ma jeclaado qof aan muumin ahayni, mana naco qof aan munaafiq ahayni. Qofkii jeclaada Allaha jeclaado, qofkii nacana Allaha naco”.
Wax Ilaahey wato in aysan cidina hor-istaagi karin, maalinkii ay Qureysh ka tashanayeen “Ma dilnaa? Ma xirnaa? Mise waan cayrinnaa?” Sanado labo ah kaliya gadaashood nebigaﷺ iyo saaxiibbadiis intay laayeen raggii labo sano ka hor dilka u doorayay ayaa Saxaabaddii waxay ka tashanayeen qaarka aan qabannay ma dilnaa? Mise madaxfurasho ayaan ka qaadannaa?! Oo weliba ilaahey ku canaantay in ay qaateen talo ah in madaxfurasho laga qaato:
{ما كان لنبي أن يكون له أسرى حتى يثخن في الأرض تريدون عرض الدنيا والله يريد الآخرة والله عزيز حكيم} الأنفال.
Dhagar kasta oo isku dayda in ay ka hor-imaato wax iIlaahey wato fashil ayay ku dhammaanaysaa.
Bal u fiirso aayadda aan qoraalka ku bilaabay dhammaadkeeda:
{ .... وَيَمكُرونَ وَيَمكُرُ اللَّهُ وَاللَّهُ خَيرُ الماكِرينَ }[ الأنفال: ٣٠ ]
1445 sano ayaa laga joogaa maalinkii ay Ansaari hubka u boobteen si ay nebiga SCW magaalada Madiina ugu soo dhoweeyaan, si ay halkaasi ugu noqoto saldhig uu caalamka uga baahiyo nuurka uu Alle noogu soo dhiibay.
Waxaana bilaawani sanadkii 1446ªªᵈ. Ilaahey ha nooga dhigo sanad barakaysan, iimaan iyo amnina ha noogu dhammeeyo.
اللهم صل على محمد وأزواجه وذريته كما صليت على آل إبراهيم، وبارك على محمد وأزواجه وذريته كما باركت على آل إبراهيم، إنك حميد مجيد.
اللهم ارض عن أبي بكر وعمر وعثمان وعلي، وعن سائر الصحابة من المهاجرين والأنصار، وارض عنا معهم بفضلك وكرمك.
اللهم ارحم الأنصار، وأبناء الأنصار، وأبناء أبناء الأنصار.