Southern Consulting and Training

Southern Consulting and Training Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Southern Consulting and Training, Baydhabo.

 Qofwalba oo waxbaranaya waxa uu jecelyahay in uu waxbarashada ku guulaysto waana arinta subax walba uu u kallahayo sidi...
22/10/2019



Qofwalba oo waxbaranaya waxa uu jecelyahay in uu waxbarashada ku guulaysto waana arinta subax walba uu u kallahayo sidii uu u soo kororsan lahaa aqoon wanaagsan .

 Washington (Geeska)- Inta badan guusha iyo horumarka uu qofku gaadhaa waxa ay daaha saartaa ceebihii h**e ee noloshiisa...
21/10/2019



Washington (Geeska)- Inta badan guusha iyo horumarka uu qofku gaadhaa waxa ay daaha saartaa ceebihii h**e ee noloshiisa. Caadi ahaanna dadku marka ay qofka maalqabeenka ah ama magaca leh arkaan waqti badan kuma lumiyaan in ay wax ka ogaadaan taariikh nololeedkii h**e ee qofka iyo sida uu u dhaqmi jiray intii aanu caanka noqon, ama waxaaba dhici karta in qofka isku mashquuliya in uu ogaado taariikhdaas ay ku adag tahay in uu helo wax taban oo isaga khuseeya. Waxaa jira maalqabeenno, jilayaal aflaamta caan ku ah iyo xiddigo caan ku ah qaybaha kala duwan ee nolosha oo guushan ay gaadheen ay dadka illowsiisay bilowgoodii, halkii ay ganacsiga ka bilaabeen iyo dhaqannada ganacsi ee foosha xun ee ay ku kaceen, kaalinta liidata ee ay filimada qaar ka qaateen ama qaarkood oo jili jirayba filimada dhaqan xumada ah. Geeska Afrika waxa uu qormadan si kooban ugu soo bandhigayaa qaar ka mid ah maalqabeenka dunida maanta caanka ka ah iyo qaabkii foosha xumaa ee ay noloshoodu ku soo bilaabatay:

Bill Gates Shaqadaa laga eryey:

1. William Henry oo caan ku ah Bill Gates waa ganacsade maalqabeen ah, maal-gashade dunida caan ka ah iyo soo saare barnaamijyada Kombiyuutarka ah. Gates Maraykan dhashay sannadkii 1955, waa aas-aasaha iyo agaasimihii fulinta iyo guddoomiyihii h**e ee shirkadda caanka ah ee Microsoft, oo ah shirkadda dunida ugu weyn ee soo saarta barnaamijyada ay ku shaqeeyaan kombiyuutarradu.

Bill Gates oo ay shirkaddan wada aas-aaseen Paul Allen oo aan isagu sidiisa caan u ahayn, laga soo bilaabo sannadkii 1995kii illaa 2009kii waxa u si is-daba-joog ah kaalinta koowaad ugu jiray liiska ay majaladda caalamiga ah ee Forbes sannad kasta ku soo bandhigto magacyada dadka ugu maaqlabeensan dunida, marka laga reebo sannadkii 2008da oo uu kaalinta saddexaad galay. Sannadkii 2011ka waxa uu ahaa qofka labaad, sannadkii 2013ka ayaanu mar kale noqday ruuxa ugu maalqabeensan dunida, in kasta oo sannadkan 2014ka uu kaalintaas ka qaaday maalqabeenka reer Mexico ee isirkiisa h**e Carabta ka soo jeedo Carlos Saliim.

Bill Gates waxa uu ka mid yahay dadka dunida ugu caansan dhinaca caawimada waxa aanu lacago aad u badan ku bixiyaa hawlaha samofalka ee la xidhiidha caafimaadka dunida saddexaad, kadib markii uu sannadkii 2000 aas-aasay urur samofal oo uu u bixiyey magaciisa iyo ka xaaskiisa oo isku ladhan (Bill & Melinda Gates Foundation). Haddaba haddii aynu mar keliya ku war helnay Bill Gates oo ah shakhsiyaadka dunida ugu caansan, uguna sumcadda fiican, bal aynu in yar dul istaagno taariikh nololeedkiisa h**e si aynu u ogaano in uu sidan ka beddelnaa iyo in kale:

Bill Gates waa 58 jir hantidiisu gaadhay 76 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah, laakiin noloshiisii dhinaca xirfaddu waxa ay ku bilaabatay in uu ahaa budhcad jabsada internet ka.

Dabayaqaadii Lixdamaadkii waxa uu ka shaqaynayey shirkadda C-Cubed oo samaysa barnaamijyada uu kombiyuutarku ku shaqeeyo, laakiin waxa ay sumcaddiisu dhulka gashay markii uu xaday furihii sirta ahaa (Password) ee masuulkii qaybta kombiyuutarka ee xaruntiisu ahayd magaalada Seattle, kadibna uu baadhay ama u dhacay xogtii dadka isticmaalayey kombiyuutarkan. Markii la ogaaday ceebta uu sameeyey Bill Gates ayaa si dhaqso ah shirkadda looga eryey. Laakiin taasi k**a ay reebin go’aankiisii ahaa in uu ka gun gaadho samaynta barnaamijyada kombiyuutarka waxa aanay aakhirkii ku hoggaamisay in isaga iyo Paul Allen ay sannadkii 1975kii dhiseen shirkadda weli la loodin la’ yahay ee Microsoft oo ah tan maanta ugu weyn dunida oo dhan dhinaca samaynta barnaamijyada kombiyuutarka.

2. Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in Bill Gates markii uu xadayey furayaasha sirta ah qofka caawinayey uu ahaa saaxiibkii Paul Allen oo isaguna maanta ah maalqabeen raasamaalkiisu dhan yahay 15.9 Bilyan. Bill Gates waa lagu qabtay ficilkaas budhcadda kombiyuutarka ah, waana lagu ciqaabay sida aynu soo sheegnay oo shaqadii ayaa uu ku waayey, laakiin Paul Allen cidi ma’ay ogaan oo waa uu sii waday budhcadnimadii uu kula baxayey xogta ku jirta kombiyuutarrada dadka kaleiiyada oo ujeedadiisu ahayd in uu garto waxa ay shirkaddan uu ka shaqeeyaa la gaar tahay iyo sirteeda shaqo iyo dhisem, taas oo uu si buuxda u daraaseeyey, lana aaminsan yahay in waayo-aragnimadii uu ku helay tuugadaasi ay wax badan ka caawisay markii ay shirkadda samaysteen isaga iyo saaxiibkii. La soco, maalqabeenno kale…


https://geeska-net.cdn.ampproject.org/v/s/geeska.net/maalqabeen-dunida-maanta-caan-ka-ah-oo-bilowgii-noloshooda-ahaa-budhcadda-internet-ka/amp/?amp_js_v=a2&_gsa=1&usqp=mq331AQCKAE%3D =15716829223714&referrer=https%3A%2F%2Fwww.google.com&_tf=From%20%251%24s&share=https%3A%2F%2Fgeeska.net%2Fmaalqabeen-dunida-maanta-caan-ka-ah-oo-bilowgii-noloshooda-ahaa-budhcadda-internet-ka%2Famp%2F%23aoh%3D15716829223714%26referrer%3Dhttps%253A%252F%252Fwww.google.com%26amp_tf%3DFrom%2520%25251%2524s

 (Exam) Ninkan lagu magacaabo Jack Ma waxa uu aasaasay sanadkii 1998,kii Website la yiraahdo Alibaba.com.Kaaso ah websit...
21/10/2019

(Exam)

Ninkan lagu magacaabo Jack Ma waxa uu aasaasay sanadkii 1998,kii Website la yiraahdo Alibaba.com.Kaaso ah website ganacsi waxuuna u aassaasay si uu ugu xiro wax soo saarka shirkadaha shiineyska ama si shirkadaha dalkiisa si fudud waxa ay soo saaraan loo ogaado loogana gato ama looga iibsado isla websiteka, taasoo uu ku guuleystay.Laakin hadii aad taariikhdiisa akhriso wax badan ayaad ka baran karta.

Maalqabeenkan Jack Ma lagu magacaabo Mar saxafiga la yiraahdo Charlie Rose oo mareykanka u dhashey uu wareysi siinayey ayaa waxa uu sheegay in uu ku guul daraystay waxyaabo badan intaanu aasaasin shirkada uu haatan ka tanaadey ee Alibaba.com.Waxaana waxyaabaha uu ku guuldaraystay uu ka xusey in mudo Sedex jeer ah uu imtixaan u galey Macad ama (College) uuna ku dhacay imtixaankaas markuu ka tagay macadkii ayuu waxa uu shaqo ka doontay Booliska iyaguna waxa ay u sheegeen in uu san ahayn qof ku fiican shaqada ciidanka boliiska.

Mr Jack Ma isagoo sii wata hadalkiisa waxuu yiri markii aan ku guuldareystey inaan ku biiro ciidanka boliiska ka dib waxaan shaqo ka doontey shirkad mareykan ah oo dhinaca cuntada ah laguna magacaabo KFC taasoo markii ugu horaysay timi magaaladii aan ku noolaa.

Waxuu yiri aniga iyo dad dhan afar iyo Labatan qof (24) ayaan shaqada shirkada KFC wada raadsaney waxaana dhacdey in Sadax iyo Labatankii qof ee kale la aqbalay ama la qaatay nasiib darase isaga kaliya ayuu noqday qofkii laga reebay ee aan shaqadaa helin.

Wareysiga lala yeeshey Mr Jack Ma Waxa kale uu ku sheegey in ay jirtey intii uu shaqo raadiska ahaa shaqooyinka uu waayay ee nasiibka uusan saamixin in ay gaarayan ilaa 30 shaqo. Markaas ka dib ayuu waxa uu sheegey in uu bilaabay in uu sameeyo shaqo isaga u gaar ah.

Intaanu bilaabin Shirkada uu haatan leeyahay ayaa waxaa jirtey in Maalin maalmaha ka mid ah isagoo fadhiya meel coffee laga cabo, ayuu waxa uu waydiiyay gabar shaqaale ka ahayd ma taqaan oo ma maqashey sheekada la magac baxdey Alibaba haa bay tiri oo waa sheeko caan ah magacaasna aduunka inta badan waa laga yaqaan, kadibna waa uu soo baxay wadada intuu marayey ayuu waxuu la kulmey dad sodon qof gaarayey oo u kala dhashey wadamada Hindiya, Jarmalka, Jabaan iyo Shiinaha waxuuna weeydiiyey bal in ay yaqaanaan magaca Alibaba waxaana ay ugu jawaabeen haa waan maqalney sheekadaas dabeedna waxaa halkaas uga soo baxey in magaca Alibaba uu yahay magac fudud oo caan ah maadaamo uu ganacsiga electroniga ama (E-commerce) uu yahay mid caalami ah.

Hadaba markii uu sameeyay webka caanka ah ee Alibaba.com sanadkii 1998,kii ayaa waxa uu la kulmay caqabado badan iyadoo sadaxdii sano ee ugu h**eysana uusan wax faa’iido ah aanu helin waxaana caqabadihii ugu waaweynaa ee ka horyimid ka mid ahaa in uusan hayn qaab u kharash-bixin ku sameeyo mana jirin wax bangi ah oo isaga la shaqaynayay ama la macaamilayay, laakiin Jack Ma wax uu go’aansaday in uu sameeyo ama bilaabo barnaamij Kharash-bixin isaga u gaar ah, kaasoo uu ugu magac daray Alipay, barnamijkaas oo loogu kala gudbinayo kharashaadka Lacagaha kala duwan dadyowga iibsadayaasha iyo iibiyeyaasha caalamka, Waxa uu sheegay dad badan oo markaasi uu barnaamijka kala hadlay in ay ku yiraahdeen taasi waa fikrad nacasnimo ah (Stupid idea) laakiin waxuu sheegay inaanu dheg-jalaq u siin oo hawshiisa uu sii watay aaqirkiina wuu ku guuleystay.

Maanta 800 million oo qof ayaa isticmaala Alipay. Jack Ma oo ah ninka sameeyey Webka Alibaba.com waa qofka laba iyo labaatanaad ee aduunka ugu hodsan ama ugu lacagta badan, Hantidiisana waxa ay gaaraysaa 23.6 Billion oo Dolar iyadoo webka Alibaba.com uu yahay mid kamid ah webseytyada la yiraahdo ” E- commerce” kuwa ugu caansan uguna h**eeya isla markaana ugu hantida badan maanta.

Ugu dambeyntii Mr Jack Ma wuxuu yiri “waligaa ha is dhiibin oo ha quusan hadey maanta kugu adagtahay beri ayaa ka adag oo ka xun laakiin beri maalinka ka dambeeya ayaa kuu dhalaalaya ama qorax kuu noqonaysa”.Taasi waxay ku tuseysaa walaal in qofku aanu quusan fursadana ay soo marayso mar uun, laakiin isagu aanu is dhiibin Ilaahayna uu talo saarto.

www.arrimaha.com

https://arrimaha-wordpress-com.cdn.ampproject.org/v/s/arrimaha.wordpress.com/2016/05/09/nin-sedex-jeer-ku-guuldaraystay-imtixaan-exam-sodon-jeerna-shaqo-loo-diiday-kadibna-noqday-maal-qabeen-balaayiin-dolar-heysta/amp/?amp_js_v=a2&_gsa=1&usqp=mq331AQCKAE%3D =15716818186420&referrer=https%3A%2F%2Fwww.google.com&_tf=From%20%251%24s&share=https%3A%2F%2Farrimaha.wordpress.com%2F2016%2F05%2F09%2Fnin-sedex-jeer-ku-guuldaraystay-imtixaan-exam-sodon-jeerna-shaqo-loo-diiday-kadibna-noqday-maal-qabeen-balaayiin-dolar-heysta%2F

 ! Waxaan si gaara u dul istaagi doonaa saamaynaha taban ee ay ku yeelan karto Caruurteena dhanka Akhlaaqda, Caafimaadka...
21/10/2019

!

Waxaan si gaara u dul istaagi doonaa saamaynaha taban ee ay ku yeelan karto Caruurteena dhanka Akhlaaqda, Caafimaadka, Waxbarashada iyo horumarka.

Saamaynta Caafimaadka.

Diraasad ay sameeyeen Khubaro reer Britain ah ayaa waxay xaqiijisay dhibaatada Caafimaad ee baraha bulshadu ku keenaan caruurta da’doodu u dhaxayso 10-15 ee adeegsata in ka badan maalintii 1 saac.

Waxa kale oo ay tilmaantay in isticmaalka Facebook iyo Twitter ku caruurta u keenaan mushkilad hoos u dhigaysa kalsoonida ay ku qabaan naftooda, waxayna caruurta ku sababtaa cabsi iyo argagax.

Saamaynta Waxbarashada.

Saamaynta ay tiknoolajiyadu ku yeelato waxbarashada caruurteenu waa mid taban, halka ay wadanada horumaray ay caruurtooda u saamayso si togan waayo waxay uga faa’iidaystaan ka shaqaynta waydiimahooda iyo kobcinta aqoontooda, maxaa yeelay macalimiinta iyo waalidkuba waxay ku dadaaleen in ay ubadkooda ilaaliyaan isla markaana u sheegaan in ay tiknoolajiyadu leedahay saamayn togan iyo mid tabanba, balse iyagu u isticmaalaan xaga togan.

Halka ubadkeena aanay jirin cid ka xak**aysa isticmaalka taban ee saamaynta ba’an ku yeeshay akhlaaqda caruurteena.

Saamaynta Horumarka.

Haddiiba ay jirto in ay tiknoolajiyadu saamayn taban(negetive) ku leedahay caruurteena waxaa hubaal ah in saamayn ku yeelato hab-fikirka iyo horumarka caruurteena.

Waxaan indhaha laga qarsan karin telefishanadeenu ay soo daayaan aflaan xun-xun oo ay turjumeen, kuwaas oo lid ku ah diinteena Islaamka ah iyo dhaqankeena, iyagoo aflaantaasi sabab u noqday qoysas badan oo burburay iyo dhimashaba.

Talo soo jeedin.

Waxaan soo jeedinayaa in ugu horayn ay waalidku masuuliyada ubadkooda qaadaan oo ay ka joojiyaan kana xakameeyaan Tv-yada 24-ka saacadood shidan, internet-ka iyo smartphoneska ay isticmaalayaan.

Dawladana waxaan leeyahay idinkuna doorkiina qaata oo ilaaliya Diinteena iyo dhaqankeena kana joojiya mujtamaca Aflaanta xun-xun ee baabiiyay akhlaaqdii, amarna ku siiya TV-yada inay joojiyaan AFLAATAA khariban.



http://sagalnews.com/saamaynta-tiknoolajiyada-iyo-caruurteena-w-q-haldoor-shabcan-ali-mohamoud/

  Waxaa xilligaan ka jira dhulalka Soomaalidu ay degto isbeddelo aad u xooggan oo dhanka horumarka iyo ganacsiga ah, wax...
19/10/2019



Waxaa xilligaan ka jira dhulalka Soomaalidu ay degto isbeddelo aad u xooggan oo dhanka horumarka iyo ganacsiga ah, waxaana la dareemay in dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha Soomaaliya uu soo kabanayo, isla markaana uu aad u kobcayo.

Ganacsatada Soomaalida ah ayaa u istaagay ballaarinta iyo sii jirista ganacsiga dalka iyo xiriirrada ay la yeelan karaan dowladaha deriska, kuwa Carabta iyo guud ahaan dalalka ku horumaray dhinaca ganacsiga.
Ganacsiga Soomaalida heerka uu gaaray iyo kobaciisa waxaa kuu muujin kara Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka ka joogaan miyi iyo magaalaba ka haqabtirtay dhammaan adeegyada isgaarsiinta.

Shirkaddu waxay kaalin ka qaadatay inay dadku isku wada xirnaadaan, gaar ahaan reer guuraaga ku nool miyiga fog oo wada qaatay telefoonnada gacanta ayaa ka faa’ideysta adeegyada shirkadda.

Waxyaabaha la-yaabka leh ee aan dalalka Afrika qaarkood ka jirin ee ay Hormuud suuragelisay waxaa ka mid ah; in qof isagoo miyi jooga uu isticmaalayo nidaamka lacagta la isugu diro teleefoonka ee EVC. Dadka ajnabiga ah qaarkood waxay rumeysan la’yihiin in horumar intaas la eg uu ka jiro dal burbursanaa 20 sano ka badan, balse taas waxaa suurtageliyay ganacsatada Soomaaliyeed.


http://www.xaqiiqatimes.com/horumarka-ganacsiga-soomaaliya/

            1-Select a topic that inspires you.2-Find reliable sources.3-Organize your notes.4-Brainstorm a substantial ...
18/10/2019



1-Select a topic that inspires you.

2-Find reliable sources.

3-Organize your notes.

4-Brainstorm a substantial outline.

5-Write a first draft.

6-Read through first draft and re-write.

7-Edit.

For more information visit:

A research paper is basically a type of academic writing that should have theoretical and significant data that has gone through proper in-depth research. Take the five-paragraph expository essays of your high school days and imagine them on a more detailed--more epic--scale! Search Thousands Of Col...

09/10/2019

"All growth depends upon activity. There is no development physically or intellectually without effort, and effort means work."

Calvin Coolidge

Address

Baydhabo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Southern Consulting and Training posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share