20/02/2025
siyaabaha loo horumariyo dalagyada kala duwan ee beeraha iyo kor u qaadida wax soo saarka guud ee beeraha. Beeruhu waa xudunta wax soo saarka nocyada dalagyada, waa goobta suura-gelisa in tayada iyo tirada wax soo-saarka uu fiicnaado ama uu hagaago.
Beeraha ha laga shaqeeyo wax soo saar kor ha loo qaado, dhulka ha la tabcado balse su’aalaha is waydiinta mudan waxaa ka mid ah
Maxaa la beerayaa?
Sidee loo beerayaa?
Yaa beeraaya?
Sidee wax soo-saarka kor loogu qaadayaa?
yaa kor u qaadaya?
Ma dawlada mise shacabka?
Qaab noocee ah ayaa kor loogu qaadayaa?
Sidee baa dhulka wax loogu beerayaa ama loogu tabcanayaa?
Dhamaan su’aalahaasi waxa baadi goobayaan isla markaasna raad raadiyaan cidii ka jawaabi laheyd, mahan wax ujeedadoodu ku kooban tahay cid gaar ah ama shakhsi keliya balse waa arin khuseysa cid kasta oo danayneysa kana damqaneysa horumarinta iyo hagaajinta hanaanka wax soo saarka deegaanadeena koonfur galbeed oo ay aafayeen abaaro joogta ah ee soo noq noqda.
Qadobadan ayaa ah qaar wax badan ka badalaya qaabka wax soo saarka beeraha:-
1- Waa in la abuuro khuburo ka qeyb qaadata tacabka wax soo saarka gaar ahaan dhamaan dalaqyada muhiimka ah ee la cunaayo ee daruuriga ah
2- Waa in la sameeyo oo la dajiyo qorsheyaal istaraatijiyadeed oo wax weyn ka tari kara dardar gelinta wax soo saarka dalka.
3- Waa in kor loo qaado heerka wax soo saarka dalagyada beeraha si fakhriga iyo baahida cunto yaraanta looga baxo.
4- Waa in la isu diyaariyaa, oo waliba beeraleyda xooga saartaa sidii loo sameyn lahaa biyo xireeno iyo keyd waa weyn oo ka qeyb qaata koobcinta wax soo saarka.
5-waa in tababar fiican la siyaa beeraleyda reer koonfur galbeed.
6- waa in wacyi gelin joogto ah loo sameeyaa dadka beeraleyda ah si ay u hormariyaan beerahooda markasta iyo meelwalba oo ay ka joogaan.
Dawlada koonfur galbeed iyo shacabka beeraleyda ah waa in la iska kaashadaa harumarinta beeraha iyo gacan qabashada.