Abdirzak Jamac

Abdirzak Jamac Welcome my bage please follow like and share ���

Yaad Kagaratay Dadkan🙂
25/03/2022

Yaad Kagaratay Dadkan🙂

16 Qodob Amma Sababood Oo Loo Diley Qadafi Madaxwaynihii Libya, Loona Baaba'shay Libya. 1- Majirin Wax Biil Koronto Ah O...
18/02/2022

16 Qodob Amma Sababood Oo Loo Diley Qadafi Madaxwaynihii Libya, Loona Baaba'shay Libya.

1- Majirin Wax Biil Koronto Ah Oo Laga Qaadi Jiray Muwaadin Kasta Oo Libyan ah. Dhammaan Wadanka Korontadiisu Waxay Ahayd Bilaash.

2-Majirin Wax Saaritaan Lacageed Ah Dhanka Bankiyada, 0%.

3- Qadafi Wuxuu Hirgeliyey Amma Saxiixay Sharci Dhigaya In Uusan Qof Familygiisa Ahi Helin Guri Ilaa Uu Muwaadin Kastaaba Helo Guri. Qadafi Aabihii Wuxuu Dhintey Isagoo Aan Lahayn Wax Guri Ah.

4- Laba Kasta Oo Is Guursadaa Waxaa Lasiin Jiray Lacag Gaadhaysa 60,000 Diinaar Oo U Dhiganta (50,000$).

5- Waxbarashada Iyo Adeega Caafimaadka Ee Muwaadin kasta Oo Libyan Ah Waxay Ahayd Bilaash. 25% Ayaa Waxbarasho Tegi Jiray Qadaafi Kahor Dabadiina 83%.

6- Muwaadinkii Doona Inuu Shaqaysto Isagoon Lahayn Aqoon Waxaa Laga Caawin Jiray Waxbeerashada Iyo Xoolo Dhaqashada, Waxaana Lasiin Jiray Guri Beeri Kudhex Taal.

7- Haddii Qof Libyan Ahi Kabaxo Jaamacad Balse Uusan Helin Shaqo Waxaa Dawladu Siin Jirtay Lacag Udhiganta Aqoontiisa.Inta Uu Shaqo Kahelayona Lacagtaas Ayu Qaadan jiray.

8- Qof Libyan Ahi Haddii Uu Gato Gaari Kala bar lacagta Waxaa Kabixin Jirtay Dawlada.

9- Shidaalka Litre Kasta Waxa Uu Ahaa Qiime Garaya 0.14$. Wax Aan gaarin 0.5cent.

10- Majirin Libya Wax Dibada Uga Imaan Jiray,Sidas Oo Ay Tahayna Waxaa Gudaha Wadanka Kaso Xeroon Jiray Lacag Gadhaysa 150 billion.

11- Qofka Aan Gelin Jaamacad Ee Waxbarashada Iyo Shaqada Aan Haysan Waxaa Dawladu Ku Kaabi Jirtay Lacag Dhan 2,300$ Bil Kasta.

12- Dakhliga Saliida Wadanka Waxaa Toos Logu So Shubi Jiray Bankiga Dawlada Waxaana Dib Loogu Celin Jiray Shacabka Libya.

13- Hooyo Kasta Oo Dhasha Cunug Waxay Qaadan Jirtay 5,000$.

14- 40 Xabo Ee Rootiga Ahi Waxaa Lasiin Jiray Qiimo Dhan 0.15 . Wax kayar 0.5cent.

15- 25% Bulshada Libya Waxay Dhamaysteen Jaamacadaha.

16- Qadafi Wuxuu Sameeyey Qorshe Horumarineed Uu Ubaxshay "The great man" Oo ah " Ninkii Sareeyey Ama Qiimaha Badnaa" Oo Uu Ula Jeeday Waari Mayside War Hakaa Hadho.

Ugu Danbayntii Haddii Hogaamiyaha Sidaas Uwanaagsan Ee Ummadiisa Sidaas Ugu Shaqaynaya Lagu Tilmaamayo Amma U Yahay Keligii Taliye, Dimuquraadiyada Waxa Reer Galbeedku Ula Bexeen Ee Ay Kusheegaan Jahanama Ha Isla Galaan".

Walaal, Haddiibaa aAad Intaan So gaartay Share U Sii Dheh Asxaabtaada Si Ay Uga Faidestaan Qoraalkaaan # #

Tuugo ayaa bangi weerartay, mid ka mid ah tuugadii ayaa qayliyay asagoo dadka la hadlaayo wuxuuna yiriHantida dowlada ay...
27/01/2022

Tuugo ayaa bangi weerartay, mid ka mid ah tuugadii ayaa qayliyay asagoo dadka la hadlaayo wuxuuna yiri

Hantida dowlada ayaa iska leh, naftiina idinkaa iska leh isku daya naftiina inaad bad baadsataan

Dadkii oo dhan dhulka ayay wadaa seexdeen

Taas waxaa la yiraahda inaad badali kartid habka ay dadka u fikiraan.

Qof haweeney ah ayaa si qaldan u jiifatay oo lugaha kala taagysay, tuug ayaa meesha soo maray wuxuuna yiri( fadlan ree magaal iska dhig meeshan kufsi maaha ee bangi ayaa la dhacaya si wanaagsan u jiifso)

Taasna waxaa la yiraahdaa shaqadada bes inaad muhimada kowaad siisid waxyaabo kalena aadan firin.

Tuugadii markii lacagta ay qaateen ayaa tuug yar oo shaqada ku cusbaa wuxuu u yimid tuugii waynaa asagoo dhahayo lacagta aan tirino

Tuugii waynaa oo 15 sano shaqadan ka shaqaynayay wuxuu yiri ha is daalinin warbixinta oo dhan waxaan ka ogaan donaa warka TVga laga sheegi doono

Taasna waxaa la yiraahda qibrad, ayadana ka muhiimsan shahaadooyinka

Maamulihii bangiga joogay wuxu wacay kii ka sareeyay wuxuna yiri bangiga wala dhacay ee booliska ma usheegnaa, maamulihi waynaa wuxuu yiri maya 10malyan noo qaad ku dar 70 malyan oo horay noogu maqneed ku dar inta la xaday intaas booliska usheeg in bangiga laga dhacay

Taasna waxaa la yiraahdaa inaad la daaban kartid mowjad/hirka dhanka uu usocdo

Maamuluhii hoose wuxuu yiri waxaa fiicnaan lahayd bishii mar bangiga hadii la dhici lahaa

Taasna waxaa la yiraahda caajiska oo la iska baabiy,o dantaada gaarka ahna ay kaala wanaagsanaato shaqadaada

Habeenkii markii la gaaray TVga waxaa laga sheegay 100 malyan in bangiga laga dhacay

Tuugadii waxay bilaabeen inay tiriyaan lacagtooda mise waa 20 malyan kaliya waxay soo dhaceen markaasay xanaaqeen waxayna yiraahdeen intaan tuugo noqon lahayn oo nafteena halis galin lahayn waxa noo fiicneed inaan wax barano sababto ah 80 malayan ayay qaateen maamulayashi aygoo shaar cad

Taasna waxa la yiraahdaa aqoonta waxay la qiimo tahay dahabka

Maamulaha bangiga aad ayuu u farxsana sababto ah qasairihiisa dhan wala kabay, oo dowlada kabtay

Taasna waxa la yiraahda fursada inaad ka faidaystid oo khatar aad is galin kartid mararka qaar

Tuugada runta ah waa wasiirada iyo maamulayaasha iyo kuwa kale oo badan Laakiin waa tuugo shahaado wato qof aqli leh ayaa fahmi kara.

Wax ka Baro- Dhamaan Generaaladii soomaaliya soo martay xilliyadii 1960 kii __ilaa. 1990 kii Inta u dhaxeysay 1_ Generaa...
23/10/2021

Wax ka Baro- Dhamaan Generaaladii soomaaliya soo martay xilliyadii 1960 kii __ilaa. 1990 kii Inta u dhaxeysay

1_ Generaal Maxamed Abshir Muuse Haamaan oo u dhashay beesha Majeerteen Ciise Maxamuud ..

2_ Generaal Daa'uud cabdulle Xirsi oo u dhashay beesha Abgaal Waceysle ..

3_ Generaal Maxamed Ibrahim liiq-liiqato oo u dhashay beesha Sheekhaal ,Looboge .

4_ Generaal ismaaciil axmed ismaaciil oo u dhashay beesha isaaq ,Habar-yoonis ..

5_ Generaal Maxamed siyaad barre oo u dhashay beesha Mareexaan Reer diini .

6_ Generaal salaad gabayre kadiye oo u dhashay beesha Abgaal Waceysle ...

7_ Sareeye Guud Martial Maxamed cali samatar oo u dhashay beesha Tumaalo ...

8_ Generaal xuseen kulmiye Afrax oo u dhashay beesha abgaal Waceysle ..

9_ Generaal cismaan Fatiig oo u dhashay beesha Dashiishe Harti ..

10_ Generaal Yuusuf Shuuriye oo u dhashay beesha Ogaadeen,Maqaabul .

11_ Generaal Cabdinaasir xaaji Xaashi oo u dhashay beesha mareexaan, reer Diini . .

12_ Generaal Cabdulaahi Faarax Hoolif oo u dhashay beesha Majeerteen ,cumar Maxamuud ..

13_ Generaal Axmed Faarax Laxwas oo u dhashay beesha isaaq Habar awal ..

14_ Generaal Ahmed warsame Oo u dhashay beesha Mareexaan Celi .

15_ Generaal maxamed Xaashi Gaani oo u dhashay beesha Mareexaan Reer Diini ...

16_ Generaal Maxamed xuseen Daa'uud xiirane oo u dhashay beesha Awrtable ,Reer fiqi idiris .

19_ Generaal Jaamac Badawi oo u dhashay beesha Majeerteen cumar Maxamuud ..

20_ Generaal maxamed ceynaanshe guuleed oo u dhashay beesha isaaq Habar-yoonis ..

21_ Generaal cismaan Gaab oo u dhashay beesha Ogaadeen Reer cabdulle .

22_ Generaal Maxamed ibraahim Xiireey oo u Dhashay Beesha Xawaadle Agoon ..

23_ Generaal Axmed xaashi gacal oo u dhashay beesha Habargidir sacad ..

24_ Generaal Aadan kuukaay oo u dhashay beesha ogaadeen Reer cabdulle ..

25_ Generaal Aadan Gabyoow oo u dhashay beesha ogaadeen Cowlyahan .

26_ Generaal Jaamac Jaahil oo u dhashay beesha
Majeerteen Siwaaqroon .

27_ Generaal Maxamed siciid xirsi Moorgan oo u dhashay beesha Majeerteen...

28_ Generaal Duuliye Sare Khaliif Ciise Mudan oo u dhashay beesha Majeerteen Cismaan maxamuud.

29_ Generaal Engineer Maxamed Faarax Islaweyn oo u dhashay beesha majeerteen Cismaan maxamuud.

30_ Generaal Cismaan Saalax Cabdikariin oo u Dhashay Beesha Majeerteen cali Saleebaan .

31_ Generaal Cabdiraxmaan guulwade oo u dhashay beesha Shanaad reer Aw xasan .

32_ Generaal Aadan Xirsi warsame oo u dhashay beesha Majeerteen Reer Maxamuud ..

33_ Generaal Maxamed Faarax Ceydiid oo u dhashay beesha Habargiir sacad

34_ Generaal Cabdirizaaq xaaji Maxamuud Gorrod oo u Dhashay Beesha Majeerteen Cismaan maxamuud .

35_ Generaal cabdiraxmaan warsame Caarre oo u dhashay beesha Habargidir Sacad .

36_ Generaal cumar xaaji masalle oo u dhashay beesha mareexaan , reer Guuleed Faarax..

37_ Generaal Maxamed nuur baarqab oo u dhashay beesha Abgaal Reer Mataan ..

38_ Generaal Axmed saleeban Dafle oo u dhashay beesha Dhulbahante , Maxamuud Ugaaryahan .

39_ Generaal ismaaciil cali abokor oo u dhashay beesha isaaq habar-jeclo...

40_ Admiral maxamuud geele Yuusuf oo u dhashay beesha majeerteen Cismaan Maxamuud ..

41_ Generaal Jaamac Giriin oo u dhashay beesha Warsangali ..

42_ Generaal Geel-qaad oo u dhashay beesha sheekhaal , reer Aw qudub .

43_ Generaal Cadde Muuse Xirsi oo u Dhashay Beesha Majeerteen Cismaan maxamuud .

44_ Generaal Cabdulaahi Maxamuud xasan Generaal Matukade oo u dhashay beesha Majeerteen Reer maxamuud..

45_ Generaal Cabdulaahi Aadan Axmed Cirro oo u dhashay beesha Majeerteen Cumar Maxamuud...

46_ Generaal Yuusuf salxaan oo u dhashay beesha madhibaan .

47_ Generaal Axmed Sahal Ciriiri oo u dhashay beesha Habargidir Saleebaan .

48_ Generaal Maxamed Xuseen saneey oo u dhashay beesha Habargidir sacad ..

49_ Generaal Cabdilaahi Xaashi Rooble oo u dhashay beesha Habargir sacad ..

51_ Generaal Jaamac qorsheel oo u dhashay beesha warsangali ..

52_ General yuusuf talan oo u dhashay beesha Samaroon gudabiirse ...

53_Admiral Maxamed cumar cismaaan oo u dhashay beesha Ogaadeen Reer Isaaq ..

54_ Generaal Maxamed jibriil muuse oo u dhashay beesha majeerteen Reer Biciidyahan .

55_ Generaal Xasan Gaamuur oo u Dhashay Beesha Xawaadle .

56_ Generaal Cabadicasiis cali Barre oo u Dhashay Beesha Mareexaan Reer Diini ..

57_ Generaal Maxamuud mire muuse oo u dhashay beesha ogaadeen Reer cabdulle .

58_ Generaal Jaamac Aw-Muuse Samatar oo u dhashay beesha Majeerteen Cismaan Maxamuud .

59_ Generaal Saciid Faarax Gooje oo u dhashay beesha Mareexaan Wagardhac .

60_ Generaal Siyaad Daa'uud gudaal oo u dhashay beesha ogaadeen reer isaaq .

61_ Generaal Maxamed Jaamac Muuse oo u dhashay Beesha Isaaq Habar Jeclo ..

62_ Generaal Axmed Maxamuud cadde Qoorweyne oo u dhashay Beesha Abgaal .

63_ Generaal Bile Rafle Guuleed oo u dhashay beesha Ogaadeen maqaabul ..

64_ Generaal Maslax Maxamed siyaad barre oo u dhashay beesha Mareexaan reer Diini .

65_ Generaal Axmed Xasan Muuse oo u dhashay beesha isaaq Habar jeclo.

66_ Generaal Bashiir cilmi Yuusuf oo u dhashay beesha habargidir Sacad ..

67_ Generaal Cabdi Caluuq oo u dhashay beesha Dir gaadsan .

68_ Admiral saciid Mariino oo U Dhashay reer Baraawe , faqi ..

69_ Generaal Cabdulahaahi Bagadi oo u Dhashay Beesha Banaadiri bandhawoow ..

70_ Generaal Cali Ismaaciil Oo u Dhashay Beesha Dashiishle Harti .

71_ Generaal Aftooje oo u Dhashay Beesha Habargidir Cayr .

72_ Generaal Dhuudhi oo u Dhashay Beesha Mareexaan.

73_ Generaal Muumin oo u dhashay beesha Raxanweyn Luuwaay ..

74_ Generaal Abuukar gacal oo u dhashay beesha Abgaal Wacabuudhan .

75_ Generaal Calasoow dheere oo u Dhashay Beesha Abgaal Harti .

76_Jeneraal Maxamed Xuseen Booni oo u dhashay Beesha Gudabiirse Maxaa case .

77_ Generaal Cabdirizaaq Xirsi Suleymaan oo u dhashay beesha Majeerteen Cumar Maxamuud ..

78_ Generaal Maxamed Cali Shire oo u dhashay beesha dhulbahante, nuur Axmed..

79_ Generaal Maxamed Nuur Galaal oo u dhashay beesha Habargidir Ceyr ..

80_ Generaal Cismaan Maxamed Jeele oo u dhashay beesha Xawaadle Cabdalle .

81_ Generaal Maxamed Cali Abokor oo u dhashay beesha dhulbahante ,Hayaag ..

82_ Generaal Xuseen xasan yare oo u dhashay beesha Dhulbahante ,Bah harasame ...

83_ Generaal Muuse Dudde oo u dhashay Beesha Majeerteen Cismaan Maxamuud ..

84_ Generaal Maxamed maxamuud Doodishe oo u dhashay beesha majeerteen .

85_ Generaal Buud oo u dhashay beesha Dhulbahante Nuur Axmed .

86_ Generaal Axmed Jilacoow oo u dhashay beesha Abgaal .

87_ Generaal Neero oo u Dhashay Beesha Abgaal ..

88_ Generaal Jaamac Maxamed Qaalib jaamac Yare oo u dhashay beesha Isaaq Ciidagale ..

89__ Generaal Cabdulaahi Jaamac ilkajiir oo u dhashay Beesha Warsangali Harti Daarood ..

90_ Generaal Cabdalla Maxamed Faadhil ( Carab Mawalad ah yamani Ah ..

91_ Generaal Cilmi nuur Taraay oo u dhashay beesha Murursade.

92_ Generaal Muuse xasan Cabdulle xasan oo u dhashay beesha ogaadeen Bah geri .

93_ Generaal Cabdulaahi cali cumar Daad ina libaax-sankataabe meheri ismaaciil ,Carab saalax)...

94_ Admiral cali xaashi cilmi oo u Dhashay Beesha Habar-gidir Ceyr ..

95__ Generaal Fadhi ku salaan oo u dhashay beesha Isaaq Habar Awal .

Waxaan ka Tagay oo aan xusin Commentiga iigu Reeb oo Ku Dar
Nagu soo biir si aad uheshid xogo iyo macluumaadyo la isku hallayn karo mahadsanidiin
.

Qaar ka mid ah oraahyadii ugu qosolka badnaa Robert Mugabe Madaxweynahii h**e ee dalka Zimbabwe:-1-Haddii aad aragto lam...
15/10/2021

Qaar ka mid ah oraahyadii ugu qosolka badnaa Robert Mugabe Madaxweynahii h**e ee dalka Zimbabwe:-

1-Haddii aad aragto lamaane afrikaan ah oo xaafada horteeda ku layrsanaya ha u malaynin jacayl ee korontadii ayaa ka tagtay.

2-Haddiiba aad aragto nin xaaskiisa markay dagayso daaqada ka furaya k**a aha jacayl ee gaadhigaa cusub ama gabadha.

3-Haddii la xiro meheradaha lagu iibiyo make upka dumarka ay isku qurxiyaan caruur badan ayaan hooyooyinkood aqoonsadeen.

4-Waalidka afrikaanku waa kuwa intay ku dhangadeeyaan ama uleeyaan hadana ku weydiinaya sababta aad la ooyayso.

5-Aynu runta isu sheegnee marka la leeyahay nin kasta oo guul gaara gabar ayaa ka dambaysa maaha ta lala sheekaysto ee waa hooyadii.

6-Wiilasha afrikaanku jacaylka waxba k**a yaqaanaan mid bay xaaskiisu barkin kusoo tuuraysaa markaasuu isna mindi ku eryanayaa.

7-Afrika waa meesha qura ee wiil san weyni gabar ku oranayo la'aantaa ma neefsan karo.

8-Dadka kubada daawadaa waa dad qossol ah, waxaad arkaysaa mid leh ciyaartoy baanu kusoo iibsanay intaasoo milyan isagoo xataa wuxuu ku casheeyo aan haysan.

9-Haddii daanyeeradu maal qabeen ahaan lahaayeen waxa la arki lahaa gabdho badan oo duur joog ah.

10-Gabar kastaa waxay leedahay laba nin oo ay la sheekaysato midi waa ka ay jeceshay midna waa cashier-keeda ama ATM-keeda ay lacagta ka shubato.

11-Gabadha aad u dirto saddex dollar ee hadana isla markiiba miss call-ka kugu soo gasha guurso waa gabar taqaana dhaqaalaynta lacagtee.

12-Dhibaatooyinka afrikaanka waxaa ka mida; haddii la yiraahdo qofna dibeda uma soo bixi karo oo waa bandoo, qof walbaa wuu soo baxayaa bal si uu u eego in ay cidi soo baxday.

13-Waan iska dhaafay daawashada aflaamta afrikaanku matalaan, markaan arkay gabar afrikaana oo ninkeeda cuntada ugu daraysa sun hadana dhadhaminaysa bal inuu sun leeyay

14-Haddii aad guursato gabar saaxiib nagala ah facebook dhammaanteen waxaad noo tahay seedi.

15-Dalalka faqiirka ahi waa kuwa ay ugu dhaadheer yihiin heesahooda qaranku waayo waxay

Taxanaha Caafimaadka 1. Ha raacin gaari, ama bajaaj adiga oo ay kaadi ku hayso, jugta bajaajta ama gaariga uma wanaagsan...
10/10/2021

Taxanaha Caafimaadka

1. Ha raacin gaari, ama bajaaj adiga oo ay kaadi ku hayso, jugta bajaajta ama gaariga uma wanaagsana kilyahaagu sababtoo kilyuhu marka qofka kaadi hayso si fudud ayay u dhaawacmi karaan

2. Haku qaban gacanta midig galaaska biyaha aad ku cabayso marka aad cuntada cunayso, galaaska dushiisa wasaq aadan dareemayn ayaa saarnaan karta, ku cab gacanta midig marka aad cuntada cunto ka dib.

3. Ka rushee guriga hortiisa ama dayrka biyo diiran, biyaha qabow ama biyo caadi ah marka ku rusheeyso jeermiska ma dhimanayo balse markaa biyaha kulul ku rushayso jeermiska ilma-aragtada ah ayaa dhimanaya

4. Caruurta ha bootbootin, bootbootinta caruurta waxay ka dhaxlaan cudurada neerfaha iyo wadnaha ku dhaca, jacaylka iyo hilowga caruurta inta naga bato yuusan dhib u keenin isla caruurta aan jeclayn

5. U mari caruurta saliid zaytuun inta aadan xafaayada u xirin, xafaayadaha qaar waxay caruurta ku keenaan wax la dhaho diaper rash oo ah finan yaryar oo ay xafyaadu sababtay, saliid zaytuunka finankaas ayay ka hortagta

Qodobkee Dareenkaaga Soo Jiitay
Uga Faaiidee Walaalaha Kale
bagekana follow gare mahadsanid

Dumarka waxaa laga abuuray feerta ninka, lagama abuurin madaxiisa si ay uga sarayso, lagamana abuurin cagtiisa si uu ugu...
09/10/2021

Dumarka waxaa laga abuuray feerta ninka, lagama abuurin madaxiisa si ay uga sarayso, lagamana abuurin cagtiisa si uu ugu istaago, Waxaa laga sameeyay dhinaciisa si ay ugu dhowaato, gacantiisa hoosteeda si uu u xafido, wadnihiisa agtiisa si uu u jeclaado!!

Haddaba, Ina Ragow
Jecloow… Goortii ay kabatto Shaahaaga, Waxay rabtaa keliya inay hubiso inuu si fiican kuugu dhadhamaayo.

Jecloow… Goortii ay kugu dhiirigeliso inaad tukato, Waxay rabtaa inaad Jannada ku kulantaan.

Jecloow… Goortii ay ku weydiiso inaad caruurta la ciyaarto, Waxay rabtaa inaad Aabenimo dareento.

Jecloow… Goortii ay maseyrsan tahay, Waxa Rag dunida jooga adigey kaala soo baxday ☝️.

Jecloow… Goortii ay ku weydiiso inay buuran tahay, Fikradaada ayaa muhiim u ah, u sheeg inay dumarka ugu qurxoon tahay.

Jecloow… Goortii cunto karinteeda ay liidato, aad bay dadaal & isku day u sameynaysaa.

Jecloow… Goortii ay saacado ku qaadato inay is diyaariso, Waxay rabtaa inay kuula muuqato teeda ugu wanaagsan.

Jecloow… Goortii ay iska ilmayso sabab la’aan, Ha weydiin, u sheeg in wax kasta hagaagayaan.

Jecloow… Goortii wax kasta aad sameyso aysan farxad gelin, Way dhacdaa, waana laga gudbaayaa.

Jecloow… Goortii ay kuu sheegto sida gaariga loo kaxeeyo yareysidna xawaaraha gaariga kusocdo, Waxay kula rabtaa keliya badbaado.

Jecloow… Goortii ay kula doodo, Waxay rabtaa in xaaladu idiin hagaagsanaato labadiinaba.

Jecloow… Goortii dabeecadeeda is yara bedesho, in ka badan baa leedahay, Xikmad & deganaan ayaad ku bedeli kartaa.

Jecloow… Goortii ay kuu soo iibiso macawis aadan jeclaysan, U dhoolacadee una sheeg in ay tahay wixii aad weligaa rabtay.

Jecloow... Goorta ay kuumariso barafuun aadan kahelin, u sheeg inuu yahay kan aad u jeceshahay.

Jecloow... Goorta ay caadada kudhacdo ee dabcigeeda isbedelo, u muuji farxad iyo jaceyl waa marka ay kagaga baahantahay raganimo dhab ah.

Jecloow... Goorta ay kudhahdo naag ayaa iga qarsaneysaa oo aad qabtaa, ogoow waxay u baqeysaa naftaada wayyo waxay ogtahay naftaad

06/10/2021

Wiil yar oo sigaar cabaayo baa oday jidka maraayo canaantay waxuu ku yiri “waryaa tuur sigaarka hadii kale aabahaa ayaan ku sheegaayaa”

Wiilki baa ku yiri “aabe hadii aad aragto u sheeg ha noo yimaad labo sano ma arag in uu dhintaa la sheegaayay”

Odaygi oo aad u naxay baa si qiireysan ula hadlay wiilki asigoo maslaxaayo buu weydiiyay “aabe halkee ku dhintay baad maqasheen?”

Wiil ki baa intuu rubac jaad ah la soo baxay oo kala furtay buu yiri “aabe ma dhiman waa nool yahay ee waxaan hubsanaayay in aad taqaan iyo in kale” laan jaad ah na afkuu gashaday, lolz

Follow dheh Bageka😁

05/10/2021

Qiso (xoolihii la waayey)

Waxa laga soo wariyaa Imaamkii waynaa ee Abuxaniifa ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee inuu nin u yimid oo uu waydiiyey su’aal cajiiba, wuxuu yidhi; Imaamoow, waxaan lacagtaydii ku aasay dhulka kadibna waan waayey meeshaan ku aasay, waanan baadhay illaa iyo mudo manaan helin ee ii sheeg shiikhoow xagay lacagtaasi taalo? Abuxaniifa wuxuu dhahay; su’aashani maaha mid la waydiiyo culumada fiqiga!! Kadibna imaamkii Abuxaniifa mudo ayuu fakaray, wuxuuna ninkii ku yidhi; saw doonimaysid inaad hesho lacagtaadii, waa inaad tukataa salaad caawa illaa inta qorraxdu kasoo baxayso.
Ninkii waa baxay oo bilaabay inuu tukado salaadii hase ahaatee markuu dhawr rakcadood tukaday ayuu ninkii xasuustay meeshu ku aasay lacagtii kadibna intuu salaadii ka baxay ayuu soo saartay lacagtii. Subaxii ayuu wadaadkii uyimid oo yidhi; Imaamoow, ilaahay khayr haku siiyo sidaad ku garatay inaan lacagta helayo? Wuxuu yidhi; waxaan ogaa inaanu Shaydaanku salaad intaas la eeg kuu ogolaanayn markaasu ku xasuusinayaa si uu kaaga mashquuliyo salaada Ilaahay. 

//~TAARIIKHDU MA DUUGOWDO~\\Waqti haatan laga joogo 46 sanadood gaar ahaan 1975-kii waxaa abaar ba'an oo loo bixiyay aba...
03/10/2021

//~TAARIIKHDU MA DUUGOWDO~\\
Waqti haatan laga joogo 46 sanadood gaar ahaan 1975-kii waxaa abaar ba'an oo loo bixiyay abaartii Dabadheer ay ku dhufatay Soomaaliya gaar ahaan gobolladii Waqooyi iyo Bartamaha Soomaaliya.
Waa loo gurmaday Waqooyi, dadkii dhibaateysnaa ayaa lala gaaray gurmad deg deg ah, Raashin, dawo iyo dhar, intaa looguma simine dhammaantoo dadkii dhibaateysnaa iyo xoolihii yaraa ee noolaa ee u haray ayaa baabuur waaweyn lagu soo daad intii ka hartay ayaa la soo daad gureeyay oo la soo raray 18-kii June 1975, waxaana la dejiyay deegaannada Koonfureed, gaar ahaan Bu'aalle, Sablaale, Kuntuwaareey, Baraawe, Cadale, Danwadaagta Dajuuma iwm.

Martidaasi dhibaateysnayd waa loo soo dhoweeyey si heer sare ah, waa loo mashxaradayay, dhulal baa la siiyay, webiyada hareerihiisa ayaana la dejiyay, kuwii beeraleyda ahaa beerashada ayaa la baray, beerro webiyada ku dhowna waa la siiyay, kuwii kalluumeysatada ahaana waxaa la geeyay dhanka xeebaha, kalluumeysigana waa la fahamsiiyay, waxaana la siiyay doomo iyo qalab Kalluumeysi.

Abaartii Dabadheer waxaa waqooyi laga soo raray 120 kun oo qofood, waxaa ka qayb qaatay gurmadkaasi 615 gawaarida xamuulka ah, 24 diyaaradod oo dadka iyo loojistikada lagu daad gureynayay, waxaa dowladdii kacaankuna ay dhistay 16 garoommo diyaaradeed oo yaryar si ay diyaaraduhu ku degi karaan haddii xaalad deg deg ay timaaddo.

Tallaabadaasi walaalaha gobollada Waqooyi lagu soo rarayay waagaa ee ay qaadday dowladdii kacaanku waxay ahayd mid aad loola yaabay oo xitaa waqtigaa ku adkeyd dowladaha horumaray qaarkood, waayo arrintaa waxay u baahnayd kharash, qorshe, dhaqaale iyo awood.

46 sano kaddib waa nasiib darro aad u weyn in walaalaha Waqooyi ay si naxariis darro ah gawaari xamuul ugu soo guraan dad Soomaaliyeed oo ku nool deegaannadooda, kuna tilmaamaan ajaanib ka timid Soomaaliya, dadkan lagu xad gudbay ayaa anacsi iyo xoolo kulahaa deegaannada laga soo musaafiriyay, gaar ahaan Laas Caanood.

Dadkan la soo raafay waxaa ku jiray, dumar iyo carruur, iyagoo aan loo digin, lagu wargelin inay guuraan, hantidoodana ay la baxaan ayaa si xoog ah loo maquuniyay dukaammadoodii, hantidoodii iyo wixii ay lahaayeenna waa laga soo reebtay, taasoo ah dambi taariikhda ku qormaya.

Dhammaan culumada Soomaaliyeed iyo dadka waxgaradka ah ee ku nool Somaliland waa inaysan arrintaan ka aamusin oo ay ka hadlaan, haddii kale waa qorshe la isla ogyahay oo lagu wada faraxsan yahay.

28/10/2020

Welcome my bage please follow like and share ���

Address

Boosaaso

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirzak Jamac posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdirzak Jamac:

Share