GACAL GASS

GACAL GASS shirkada gacal gass waa shirkada kaa haqabtiraysa dhamaan bahiyaha la xirira gasska guryaha iyo dhaman qalbkisa
gacal gass

Gacal gass company igu imow gass nadiif ah iyo adeeg hufan oo hagar la aan ah

17/10/2024

Shirkii uga socday Muqdisho hoggaanka dalka iyo qaar ka mid ah madaxda Dowlad-goboleedyada, Labadii Todabaad ee la soo dhaafay, in uu ku soo dhammaaday fashil iyo natiijo la'aan waa mid niyad jab Iyo kala qaybin u horseedaysa shacabka Soomaaliyeed, jahwareer iyo hubinti la’aan siyaasadeedna ka abuuraysa dalka.

Dowlad-gobeeldayada laga hortaagan yahay in ay qabsadaan doorashada iyadoo la dhaafay wakhtigoodii dastuuriga ahaa, laalidda dastuurka heshiiska lagu yahay, iyo damaca Madaxweynaha ee sii joogista xukunka sifo aan waafaqsanayn sharciga waxa ay caqabad ku noqonayaan dowladnimada, wadajirka iyo midnimada Soomaaliya.

Markale waxaan adkeynaynaa baaqyadii aan horey ugu soo jeedinay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa ee ku saabsanaa in uu ku soo laabto xeyndaabka sharciga iyo dowladnimada, gutona waajibaadka qaran ee kaga aaddan hirgelinta hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, lagagana gudbo marxaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay maanta la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed.

Natiijo la’aanta Madasha Qaranka oo Madaxdii Dowlad-goboleedyada sii kala qaybisay waxa ay ifafaalo aan wanaagsanayn ka bixinaysaa mustaqbalka siyaasadeed iyo dowladnimo ee dalkeenna, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Xildhibaannada heer Federaal in ay u istaagaan samata-bixinta dalka iyo badbaadinta dowladnimadeenna.

Ugu danbeyntii, hirgelinta doorashooyinka qaranka, yagleelidda Guddiyada ka shaqeynaya iyo dhammeystirka dib u eegista dastuurka waa masuuliyad wadareed u wada taalla shacabka, dowladda iyo hormuudka siyaasadda Soomaaliyeed, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, sidaas awgeed cid gaar ah laga aqbali maayo in ay ku jaan-gooyso danaheeda gaarka ah.

gacal gass bossaso igu imow gas nadiif ah iyo dhamaan qalabka gasska
16/10/2024

gacal gass bossaso igu imow gas nadiif ah iyo dhamaan qalabka gasska

Address

Bosaso
Bosaso
0000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when GACAL GASS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category