Hal-Abuur Ashraf

Hal-Abuur Ashraf Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hal-Abuur Ashraf, Business service, Burco.

09/05/2020

Waxaan bilaabi doona soo tebinta dhacdooyinka la yaabka badan si taxane ah maalin walba oo Axada
La socosho wacan

Taariikhdii Sh. Mustafe x. IsmaaciilSh. Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo dhawaan ka sheekeeyey Taariikh nololeedkiisa ...
04/05/2020

Taariikhdii Sh. Mustafe x. Ismaaciil

Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun oo dhawaan ka sheekeeyey Taariikh nololeedkiisa Waxana uu ka bilaabay dhalashadiisii waxana uu yidhi "Burco ayaan ku dhashay, wakhtigii isticmaarka ayaana dhashay, oo ah intii aysan dhalanin dowladda Soomaaliya". Marka kale isaga oo ka warramaya qoyska uu ka soo jeedo waxa uu yidhi Sh. Mustafe "Reer wadaaddo ah baan ka dhashay, aabahay xaaji buu ku magac dheeraa, nin sheekh ah ayuu ahaa". Wuxuu intaa ku daray in awowyadiina ay ahaayeen culimo. Intaas kaddib wuxuu ka war bixiyay taariikhdiisa dhinaca waxbarashada, ilaa heer jaamacadeed, - wuxuuna yidhi: "Gobolka Togdheer ayaan ka dhigtay malcaamadda, dugsiga hoose, ka dibna waxaan ka baxay machadkii Jarmalka ee burco ku yaallay. Takhasuskeygu wuxuu ahaa farsamada korontada, Jaamacaddii Soomaaliyeed ayaan ka baxay sannadkii 1980-kii". Waxbarashada dhinaca diinta wuxuu sheegay inuu ka helay culimada gudaha Soomaaliya joogtay. Sheekha ayaa sheegay in marar badan la xidhay intii ay jirtay dowladdii h**e ee Soomaaliya. Isaga oo ka warramaya meelihii lagu xidhay iyo rafaadkii la soo mariyay ayaa waxa uu yidhi Sh. Mustafe "Saldhig boolis waa la igu xidhay, NSS waa la igu xidhay, xero guulwade waa la igu xidhay, - xero milatari waa la igu xidhay, dhabarjabin waa la igu xidhay, jeel waa la igu xidhay, mararka qaarkood waxaan xabsiga ku jiray sannado, waligeyna maxk**ad la ima taagin". Sheekh Mustafa ayaa sheegay inuu Dalka dibaddiisa dagganaa illaa sannadkii 1999-kii, ka dibna uu usoo guuray magaalada Hargeysa. Dhammaad

01/05/2020

Abeydin anbadey😂😂

War ila arko igala faaloodab bal

27/04/2020

Rag hadaad colaad leedihiin ciidanse u weydo
Hadba waxaad ku ciil bixi kartaa kuu cawa aduuna

17/04/2020

way ka cararaan nimaan caysh u fidineyne
kii cashada siiyabey wada caweeyaane
iyo garaadkoodu waa calal nadiifeede
uu cifriid yahey midkii cuud leh baw taline
ilaah iyo nabsiga k**a cabsoodaane
ogeyn jeer in ay caaska geliyeene
calanka loo saaraybaa caydhisoo dhimaye
caashaq naageed dilaan cidina moogneyne

War hada anigu maan odhane nin lagu tufaa intaa laga qorey😂😂

War bal ha layla raadiyo😁
15/04/2020

War bal ha layla raadiyo😁

14/04/2020

Beriba waxa la yidhi nin iyo ooridiisa waxey degeen deegaan in muddo ahba colaad looga caagey labadoodana waxa weheliya wiil ay ku curteen awr iyo xooga adhi ah oo ubadan riyo foola. "Naa bal aan oodo reerke orodo ceesamahaa dhalaya magacyo wacan u bixi" intu yidhi bu gudintiisi qaatey, iyana waxey is tidhi waa goor colaadeede riyaha magacyo laga naxo u bixi. col yaaca ..... shaw odeygiina isagoon waxba hubsanbuu is yidhi laysi soo galye fadhaqa tiiri iyana mxa ku dhigeybay is tidhi odeygii waxbuu arkee ilmiina xanjeerkey u jiidey markii laysla xiiqeybuu yidha "naa mxad aragtey" kute "dee waxaad la orodey uunbaan arkey" oo colba maad arag cadhadiibu waran uu sitey caloosha kaga soo ridey ilmiina bartii kaga dhaqaaqey xoolii marku ku noqdeyna wuxu u tagey adhigii oo weere jarey oo aan wax nafle ka nooleyn iyo awrkii oo libaax ku alla baryey hadana tawbu soo yidhoo ilmiina la qaadey dee ninkii maalintiiba miyir iyo maanba ugu danbeysey.
Ma la odhan karaa sida ninkaas oo kle ayey dadkeygu yihiin markii calan la siiyey ayey calankoodii xamar u qaadeen markii la wanjaleyna dawladiibey rideen, waxaaney dul taaganyiin dalkii oo aan wax nafle ka nooleyn.
inteynaan miyir beelin aynu baaqigaa barakeysano waayo ilmihii hadeynu ku noqono ilmii la qaadaye😁

13/04/2020

Marka la mamnuuco in lays tabto crona awgii😁

13/03/2020

Dhadhan malaha aadmigey waxey kugu dhaliilaan

24/02/2020

Cidi hadaad in dheer tahey qofbey cadho ku beertaa

21/02/2020

Wuxu yidhi mataan Ciideey
"Inta geed ah geelwaaqistaa ugu guduud roone
Hadey gaajo xooluhu qabaan goosan mahayaane
Garanuugta waan ugu necbahey gebi ugaadheede
Gaaraabidhaan laguma daro galawga haadeede
Golcastaa sagaaro ugu daran guuyo dhaantida'e
Waxba kuuma galo roob la dhucu waana shey goba'e........................"
Amakaag badamanaa oo ma sidaasa loo caayeyba sheygan degdega uga helay.
Waxan kusoo noqdey caalamkii muuqdey warqad uu odeygii waayo araga ahaa jeebka iigu ridey ayaan lasoo baxey wuxu ifahamsiiyey in tusaalahaasi la mid yahey dadka dookhooga ku qiimeeya in ay qurux uun ku raacaan qofkey calfan lahaayeen
WQ/Mustafe Ismaaciil Xuseen

Address

Burco

Telephone

+252633096399

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hal-Abuur Ashraf posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share