Mahamouth apdirahman

Mahamouth apdirahman Allahayoow aday taada tahay talo dhamanteed
✍️:-Mahamoud abdirahman

Qoyskiina kaga dhimayWaa qadoodi ubadkiiQorshihiisa ugu weynQaad iyo sigaar noqoyQof kaluu xidhiidhshiyoQaraaboba ha joo...
06/08/2026

Qoyskiina kaga dhimay
Waa qadoodi ubadkii
Qorshihiisa ugu weyn
Qaad iyo sigaar noqoy
Qof kaluu xidhiidhshiyo
Qaraaboba ha joogtee
Nimuu qaad u muuqdaan
Horta sii qadee garan
Isagoo qiyaastii
Saaka soo qadhaab tegay
Baa qarashkii soo galay
Qasnadiisu eber tahay
Nin waliba qiyaasaha
Qaarad buu ka shirayaa
Oo qorshayaal cajiibuu
Marba qaybo degayaa
Oo marba ruux qareenuu
Qodob gaara farayaa

✍️~ Mahamouth apdirahman

"Iga maqal gobaadeeyGacalada naftaydaay.Gayigeenan hodanka ahIntaan bari kasoo gudayGaabo kaaga soo tagayImisaan ku goob...
30/07/2026

"Iga maqal gobaadeey
Gacalada naftaydaay.

Gayigeenan hodanka ah
Intaan bari kasoo guday
Gaabo kaaga soo tagay
Imisaan ku gooboo
Gawlalaale kaa dayay

Inta gaari joogtiyo
Imisaan gashaantida
Reer gebilay kaa dayay

Firkii geesiyaashiyo
Hablihii garaadada
Imisaan guclayntii
Geyigooda kaa dayay

Garashada haweenkiyo
Dumar guurtidoodaay
Imisaan garoowiyo
Dhul gobeedba kaa deyay

Oo geedigaan galay
Gacalada naftaydaay
Gobolkii togdheer baan
Gaar kaaga sii dayay

Imisaan ku geyaaneey
Gaashaamo iyo hawd
Garanuugle iyo cayn
Guurkaaga ugu dhaxay

✍️- Mahamouth apdirahman

17/10/2025

Naftaydana qiyaasteeda iyo qaydka nolosheeda
Qorshayaasha aan sii dhigaad qayb kasii tahaye

✍️- Mahamouth apdirahman

24/09/2025

𝗛𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗻 𝘅𝘂𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗳𝗮𝗹𝗼
𝗠𝗮 𝘅𝗲𝗲𝗿 𝗯𝗮𝗮 𝗶𝗾𝗮𝗯𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗮
𝗠𝗮 𝗰𝗶𝗱 𝗯𝗮𝗮 𝗹𝗮 𝘅𝗲𝗲𝗿𝘀𝗵𝗮𝗮
𝗫𝗼𝗼𝗴 𝗯𝗮𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗾𝗲𝗲𝘆𝗲𝗲
𝗫𝗶𝗻𝗶𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗸𝘂 𝗷𝗼𝗼𝗴𝗮𝗮𝘆𝗲
𝗔𝗻𝗶𝗴𝗮 𝘆𝗮𝗮 𝗶 𝘅𝗶𝗱𝗵𝗶 𝗸𝗮𝗿𝗮
𝗜𝗻𝘁𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗱𝗮 𝘅𝗮𝗻𝗮𝗮𝗾𝗮𝗮𝗻
𝗦𝗼𝘄 𝘅𝗶𝗴𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮𝘆 𝗼𝗱𝗵𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗮𝘆𝗼
𝗫𝗮𝗱𝗵𝗶𝗴𝗶𝗶𝘀𝘂 𝘄𝗮𝗮 𝗾𝗮𝗹𝗮𝗱
𝗘𝗲 𝗵𝗮𝗱𝗮 𝘀𝗶𝗶 𝘅𝗼𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗶𝗶
𝗛𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗸𝗮𝗹𝗲 𝘅𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗼𝗼𝘄
𝗞𝘂 𝘅𝗶𝘀𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗺 𝗶𝗺𝗶𝗻𝗸𝗮𝗯𝗮
𝗪𝗶𝘅𝗶𝗶 𝘅𝗮𝗯𝗮𝗱𝗼 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮
𝗔𝗱𝗶𝗴𝗮𝗮 𝘂 𝘅𝗮𝗮𝘀𝗶𝗹𝗮
𝗪𝗮𝗮 𝘅𝗮𝗾𝗶𝗶𝗾𝗱𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗶𝘆𝗼
𝗫𝗮𝗮𝗷𝗼𝗯𝗮 𝘀𝗶𝗱𝗮𝘆 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆

✍️~Mahamouth apdirahman

𝗦𝗮𝘄𝗶𝗿𝗸𝗮𝗮𝗱 𝗶𝘀𝗶𝗶𝘀𝗲𝗲 𝘀𝗼𝗼 𝘀𝘂𝗱𝗵 𝗴𝘂𝗿𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱 𝘁𝗶𝗱𝗵𝗶𝗫𝗮𝗴𝗮𝗮𝗻 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗹 𝗹𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗻𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗯𝗮𝗮 𝘀𝘂𝗱𝗵𝗮𝗻𝗢𝗼 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 𝗺𝗮𝗮𝗵𝗮 𝘀𝗮𝘄𝗶𝗿𝗸𝘂𝘆𝗲 𝘀𝗮𝗮𝗴𝗮𝗹...
16/09/2025

𝗦𝗮𝘄𝗶𝗿𝗸𝗮𝗮𝗱 𝗶𝘀𝗶𝗶𝘀𝗲𝗲 𝘀𝗼𝗼 𝘀𝘂𝗱𝗵 𝗴𝘂𝗿𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗮𝗱 𝘁𝗶𝗱𝗵𝗶
𝗫𝗮𝗴𝗮𝗮𝗻 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗹 𝗹𝗮𝗮𝗯𝘁𝗮𝗻𝗮 𝗺𝗶𝗱 𝗯𝗮𝗮 𝘀𝘂𝗱𝗵𝗮𝗻
𝗢𝗼 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 𝗺𝗮𝗮𝗵𝗮 𝘀𝗮𝘄𝗶𝗿𝗸𝘂𝘆𝗲 𝘀𝗮𝗮𝗴𝗮𝗹 𝗻𝗼𝗼𝗰𝗻𝗮 𝗶𝗴𝘂 𝗻𝗼𝗾𝗼𝘆
𝗢𝗼 𝘀𝗮𝗾𝗱𝗮 𝗱𝗵𝗲𝘅𝗲 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗻 𝗸𝘂𝗴𝘂 𝘀𝗮𝗵𝘄𝗶𝘆𝗼 𝘀𝘂𝗯𝗮𝘅𝗮 𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝘆𝗲
𝗠𝗮 𝘀𝗶𝗱𝗮𝗮𝗱𝗶 𝗯𝗮𝗮𝗱 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗮𝗻𝗶𝗴𝘂 𝘀𝗶𝗶𝗯𝗮 𝗱𝗵𝘂𝘂𝗯𝘁𝗮𝘆𝗲

✍️:-Mahamouth apdirahman

𝗖𝗮𝗺𝗯𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝗻 𝗸𝘂𝘀𝗼𝗼 𝗸𝗼𝗼𝗯𝗲 𝗖𝘂𝗱𝘂𝗱 𝘄𝗶𝘅𝗶𝗶 𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵 𝘀𝗶𝗶𝘆𝗮𝘆𝗜𝘆𝗮𝗴𝘂𝗻𝗮 𝗶𝘀 𝗰𝗲𝗲𝗯𝗲𝗲𝘆𝗲𝗼𝗼 𝗰𝗮𝗿𝗮𝗯𝗶 𝗱𝘂𝘂𝗹 𝗺𝗮𝗮𝗵𝗮 ✍️:-Mahamouth apdirahman
15/09/2025

𝗖𝗮𝗺𝗯𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝗻 𝗸𝘂𝘀𝗼𝗼 𝗸𝗼𝗼𝗯𝗲
𝗖𝘂𝗱𝘂𝗱 𝘄𝗶𝘅𝗶𝗶 𝗶𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵 𝘀𝗶𝗶𝘆𝗮𝘆
𝗜𝘆𝗮𝗴𝘂𝗻𝗮 𝗶𝘀 𝗰𝗲𝗲𝗯𝗲𝗲𝘆𝗲
𝗼𝗼 𝗰𝗮𝗿𝗮𝗯𝗶 𝗱𝘂𝘂𝗹 𝗺𝗮𝗮𝗵𝗮

✍️:-Mahamouth apdirahman

01/09/2025

Buuraha sanaag aad
Oo dhagaxa soo qodo
Ayay saaka leedahay
Naftani subaxba waa cayn,e

✍️:-Mahamouth apdirahman

31/08/2025

"Aqoon ka aradan akhlaaq
Aduun iyo xoolo jecel
Aqoon Rabbi aan aqoon
Allow magan baan ka ahay
Addaan magan kaaga ahay"

✍️:-Mahamouth apdirahman

24/08/2025

Dhaqan eebe ruuxuu ku deday oo dhawrsan baad tahaye
Gob dhasheedii baad tahay iyo midaan dhaayuhuba qabane
Dhaban godan dhalaal muuq leh iyo dhayda ilkahaaga
Dhabtii ruux jaleecaa ogoow dhaygag kuma yara,e
Oo dheeman iyo luul miduu dheehday garan waaye
Ruux dhaqaale nololeed leh oo dhiibsan baad tahaye
Dhedig ta usaraysiyo dhabeel suuban baad tahaye
Dhawr eray ma koobaan iyo dhinacaan istaagoba
Ruuxaan dhamaanayn oo dhambaal ah baad tahay

✍️_:Mahamouth apdirahman

Mar abtiyo mar kale ina eddoow ina abtoow heedheEhel lama jaree kaanu nahay ul iyo diirkoow baInkastoon markay nagu adka...
05/08/2025

Mar abtiyo mar kale ina eddoow ina abtoow heedhe

Ehel lama jaree kaanu nahay ul iyo diirkoow ba

Inkastoon markay nagu adkayd aad iskugu niillay

Oo loo arxami jiray midkay liicdo adhaxdiisu

Ayaantaad ladnaatiyo illaa eegga laga joogo

Boqol jeer nimaan aaminoon eeday baad tahaye

Ha yeeshee anoo taa ogsoon aahda igu reebtay

Oo urugo ciil badan falkaa igu asqaysiiyay

Kuma odhan inkaari ha dishiyo qabo Ilaahoowe

Waxan idhi nin aaqilo galaa aayatiin ma lehe

Kuma odhan Abaal laawe iyo waa inkire jaane

Waxan idhi ayaantuu dherguu shalay illaawaaye

Kuma odhan abbaan reer ahiyo waa aw qabiiliyahe

Waxan idhi intooduu ogyahay wuuna ururshaaye

Kuma odhan bakhayl oodan iyo waa ableel madhane

Waxaan idhi ujeedo istusuu ku addin fiiqaaye

Kuma odhan islaankiyo xaqay kala irdhoobeene

Waxaan idhi miyuu aayadaha qaato amarkooda

Kuma odhan indheergarataduu ka ag fogaadaaye

Waxaan idhi aqoon liituhuu oday ka yeeshaaye

Kuma odhan warkuu noo akhriyo waa ufiyo beene

Waxan idhi afkii inan run marin baan ogsoonahaye

Kuma odhanin waa inan gumeed iriqyo fiicnayne

Waxaan idhi astaamihii gobtiyo aynigii ma lehe

Kuma odhanin uus aaste iyo waa ugaadhsade'e

Waxaan idhi ninkaan ka indho rogan iilka laga dhawrye

Kuma odhanin iimaha ku yaal waa intaa tiro'e

Waxaan idhi sidaan kuu aqaan uunku kuu baraye

Abwaan Axmed Siciid Diiriye (Afgudhiye"AHUN")

Address

Wadamagoo
Burco

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mahamouth apdirahman posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share