14/07/2026
*Ku soo dhowaada Daljir Mining Community **
Waxaan si farxad leh idiinku soo dhaweynaynaa bogga rasmiga ah ee Daljir Mining Company
Waxaan idinla wadaagaynaa in shirkaddeennu ay hawlgelin rasmi ah bilaabi doonto waqti aan fogayn Insha Alaah, iyadoo diyaargarowgii muhiimka ahaa uu socdo si loo bilaabo shaqooyin la xiriira soo saarista dahabka iyo horumarinta macdanta.
Daljir Mining Company waxay leedahay himilo ah inay ka qayb qaadato kobcinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo horumarinta qaybta macdanta iyadoo adeegsanaysa habab shaqo oo tayo leh iyo qalab casri ah.
Boggan waxaad kala socon doontaan:
Wararka ku saabsan bilowga hawlaha shirkadda
Horumarka soo saarista dahabka
Mashruucyada iyo shaqooyinka socda
Fursadaha iskaashiga iyo horumarinta bulshada
Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan dadka nagu soo biiraya iyo kuwa taageeraya safarkan cusub.
Daljir Mining Company, Soo Saarista Khayraadka, Dhisidda Mustaqbalka.