14/04/2026
Ewip initiative oo ah urur dhallinyaro ah oo u taagan dhisidda nabadda iyo horumarka bulshada, xafiiskiisuna yahay gobolka Sanaag, waxa uu ugu bushaaraynayaa dhallinyarada gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Ceerigabo bilaabidda barnaamijka "Youth Personal Growth & Career Development"— kaas oo ah tababar tayadiisu aad u sarrayso isla markaana loogu talo galay inu dhallinyarada u diyaariyo suuqa shaqada.
🎯 Maxay dhallinyaradu ka faa’idi doontaa barnaamijkan?
Tababarkan waxaa loo naqshadeeyey inuu noqdo khibrad barasho wax ku ool ah, oo si toos ah ugu xidhan baahida suuqa shaqada. Barnaamijkani wuxuu dhallinyarada qalin-jabisay ka caawinayaa:
•Inay xirfadahooda waafajiyaan baahida dhabta ah ee suuqa shaqada.
•Inay si dhab ah u tijaabiyaan hannaanka codsashada iyo wareysiyada shaqada.
• Inay helaan madal ay kusoo bandhigaan fikradahooda iyo hal-abuurkooda.
•Inay u diyaar garoobaan fursadaha shaqo ee internet-ka iyo Freelancing-ka.
•Inay dhistaan xidhiidho shaqo iyo in la arko kartidooda (Career Visibility).
•Inay horumariyaan xirfaddooda hoggaamineed iyo mas'uuliyadda muwaadinnimo.
• Inay helaan madal ay mar walba kala socodaan shaqooyinka, deeqaha, iyo tababarrada cusub.
Shuruudaha Barnaamijka:
Fursadani waxa ay si siman ugu furan tahay dhallinyarada, wiilal iyo gabdho, islamarkaana buuxiya shuruudaha soo socda:
1. Waa inuu u dhexeeyaa da’da 18 ilaa 30 sano.
2. Waa inuu ka qalin-jabiyey jaamacadda 2 dii ama 3 dii sanno ee u dambeeyey
3. Waa inuu deggen yahay magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.
4. Waa inuu diyaar u yahay ka qaybgalka dhammaan kulamada barnaamijka oo socon doona muddo 6 toddobaad ah (2 ilaa 3 maalmood toddobaadkiiba).
5. Waa inuu yahay qof aan hadda shaqaynayn (waxaa mudnaanta la siinayaa dadka sida firfircoon shaqada u raadinaya).
6. Waa inuu xiise u hayaa ayna ka go’an tahay horumarinta naftiisa iyo dhisidda mustaqbalkiisa shaqo.
7. Waa inuu diyaar u yahay ka-qaybgalka latalinta (mentorship), xidhiidh-samaysashada, iyo fursadaha horumarineed.
8. Waa inuu leeyahay aqoonta aasaasiga ah ee tignoolajiyada (sida isticmaalka Email-ka, Internet-ka, ama adeegsiga - AI).
9. Waa inuu leeyahay hammi uu xirfadaha uu barto ugu adeegsanayo horumarinta bulshadiisa ama goobta shaqada.
Habka isdwiigelinta:
Dhallinyarada xiisaynaysa barnaamijkan isla markaana buuxisay shuruudaha barnaamijkan waxaa ay codsigooda iyo CV-gooda kusoo dirayaan [email protected] iyagoo cinwaan uga dhigaya "Youth Personal Growth & Career Development"—Qabashada codsiyada barmaamijka ee u dambeeyaa waa 25 ka April 2026.
Fadlan ogow:
Maadaama ay fursaddu xaddidantahay, waxaa lala soo xidhiidhi doonaa oo keliya dhallinyarada ku guulaysata tartanka xulashada. Tabarbarkani waa bilaash, waxa keliya oo ay guulaystayaashu iska bixin doonaan khidmadda is-diiwaangelinta oo dhan $20 USD.
Mahadsanidin.
Ewip secretariat
Announcement: Youth Personal Growth & Career Development Program
The EWIP Initiative, a youth-led Initiative dedicated to peacebuilding and community development based in the Sanaag Region, is proud to announce the launch of the "Youth Personal Growth & Career Development" program for the youth of Sanaag, specifically in Erigavo city. This high-quality training is designed to serve as a vital bridge connecting young graduates to their future professional careers.
🎯 Why Join This Program?
This initiative is designed to be a practical, market-linked learning experience. It helps young graduates navigate the transition from university to the workplace by enabling them to:
• Align their skills with the actual needs and demands of the labor market.
• Gain practical experience in job application processes and professional interview sessions.
• Access a platform to showcase their creative ideas, initiatives, and innovations.
• Prepare for digital work opportunities and the world of online freelancing.
• Build professional networks and enhance their career visibility.
• Develop a sense of leadership and civic responsibility.
• Access a dedicated hub for information sharing on jobs, scholarships, and training opportunities.
📋 Eligibility Requirements
This opportunity is equally open to both young men and women who meet the following requirements:
1. Age between 18 and 30 years.
2. A recent university graduate (within the last 1–3 years).
3. Must be a resident of Erigavo, Sanaag Region.
4. Available to attend all sessions for 6 weeks (2–3 days per week).
5. Currently unemployed or underemployed (priority will be given to active job seekers).
6. Demonstrated interest in self-development and career advancement.
7. Willingness to participate in mentorship, networking, and development activities.
8. Basic technology skills (email, internet, and AI tools).
9. A strong drive to apply learned skills to benefit their community or future workplace.
📝 How to Apply
Interested candidates who meet the above criteria should submit their Application and CV via email to [email protected].
• Email Subject: "Youth Personal Growth & Career Development."
• Application Deadline: April 25th, 2026
Please note: Due to limited seating, we will only contact shortlisted candidates. While the training sessions are free of charge, selected participants will be required to pay a $20 USD registration fee upon final admission.
Thank you.
EWIP Secretariat