19/06/2026
Beeni raad malehee runta maysu sheegnaa
19/6/2026
Mahi mucaarad, mana ahi mu'ayid ee waxan muwaadin ay dhibayso xalada aynu kusuganahay iyo tacab khasaarka inagu dhacay.
Ku dhawaad 40 sano ayuu dalkeenu burbur iyo dawladnimo xumo kujiraa.
Dagaalkii sokeeye markii uu dhacay, dawlada iyo kii jamhaduhuba wuxuu gacanta ugalay beelaha, waa lays cunay, lays dhacay oo lakala aamin baxay, qabiil kuna wuxuu noqday cida amniga muwaadinka dabaanad qaadaysa geeri iyo nolol ba, iyo halka ugu dambaysa ee cadaalad loo raadsado.
State Of Somalia
1998 waxaa la asaasay Puntland, ujeedka loo dhisay wuxuu ahaa
1. In dadka deeganku kala bad badaan, Somalida kalena kaga bad badaan.
2. In dawladnimo Somaliyeed oo Federaal ah la raadiyo Puntland-na hormuud ka tahay.
3. In dadka reer Puntland ee Shacabka ah talada loo celiyo ayna noqdan Codka go'aaminaya cida hogaanka u noqonaysa.
Federaalka Soomaaliya
Shirkii Carta ee Djabouti 2000
Waxaa laysugu keenay siyaasiyiinta Somalida, waxana lagusoo dhisay dawlad federaal ah oo ku meel-gaadh ah.
Hadafka loo dhisayna ahaa
1. In dadkii Somaliyeed dib uu heshiisiin loo sameeyo, laysu raadiyo.
2. In la dhiso nidaam federaal ah, sal adag, talada la baahiyo.
3. In xukunka iyo talada loo celiyo Shacabka Somaliyeed ayna noqdan cida ugu dambaysa ee leh go'aanka cida matalaysa iyo hogaaminaysa.
2012 waxaa la ansixiyay Dastuurka KMG Federaalka Soomaaliya kaas oo qabyo qoraal ah, (1) Dawlada Federaalka wuxuu siinaya awoodo iyo xuquuqad. (2) maamuladana wuxuu siinaya awoodo iyo xuquuqad, halka arimaha qaar'na tashi la galiyey.
maxaa sal u ah ?
Saraynta sharcigu waa tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaaro dawladnimo casri ah oo uu adeegta muwaadiniinteeda.
1. Garsoor madaxbanaan, sharciga iyo cadaalada oo muwaadiniintu usiman yihiin.
2.Sinaanta fursadaha ee muwaadiniinta sida shaqada, doorashada iyo waxbarashada.
✍️Halkaas markan joogno
Waxaynu is waydiinaynaa su'aalo
1. Hadaba mala gaaray hadafkaas dawladnimo?
2. Xagee joognaa maanta?
3. Xagee usoconaa?
2. Maanta xagee joognaa ?
Waxaynu joognaa
#✍️Xili Dawlada Federaalka ahayd ay gacanta u gashay hogaamiye kooxeed banaystay nafta iyo maalka Shacabka Somaliyeed, sharcigiina gacanta ku qaatay.
✍️Xili kooxo argaguxiso ah ay dalka qaybo badan oo kamid ah joogan
✍️Xili kala aamin bixi sii xogaystay
✍️Qabyaaladu noqotay caqiido iyo Iimaan qiimaha qofka lagu cabiro.
-ta maanta 28 sano kadib
👉Waxaa si wayn hoos ugu dhacay dhaqaalihii Puntland, dhalinyaraduna waxay wajahaysaa shaqo la'aan baahsan, dadkuna waxay la noolyihiin duruufo nololeed.
👉Waxaa taladii, xukunkii iyo xoolihii gacanta ugu jiran qoys iyo koox.
👉Waxaa dambiile noqday qofkii dhaha sidani inama dhaqdo, lexejeclana kahayso dalka iyo dadka.
👉Waxaa xogaystay tamashada beelaha ee xukunka.
👉Waxa xogaystay qabyaladii, is-hubaynta beelaha.
Taasina waxay sababtay in Xassan Shiikh Maxamuud ka faa'iidaysto oo soo dhexgalo kana dhex qorto maleeshiyo beeleedyo gudaha Puntland iyo hubkii beelaha ee Puntland lagu difaaci jiray.
Hadaba muxuu yahay xalku?
Talo soojeedintayda ku socota madaxwaynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni
✍️Inuu ku dhawaaqo Shirwayne dib u heshiisiin ah.
✍️Inuu talada dhulka dhigo, tabashada xukunkiisa laga qabana xalkeeda u istaago.
✍️In qaab-dhismeedka Puntland wax laga badalo taladana Shacabka si buuxda loogu celiyo.
✍️In dhaqala xumada wax laga qabto.
Taasi waxay dhaxalsiinaysaa madaxwaynaha inuu noqdo hogaamaha Puntland-ta casriga ah, reer Puntlandna waxay u noqonaysaa badbaado.
Badalkeeda tabashada dadka reer Puntland iyo ciidamo beeleedyada hadii awood laysku dayo in lagu xaliyo waxaa ka dhalan doona cawaaqib xumo iyo inaan damacii guracnaa ee Hassan Sheikh Mohamud ka shaqayno taas oo Horseed u noqota inaan 2026 qax iyo dagaal sokeeye galno waana inta Xassan doonayo.