04/01/2026
Waxyar kula jaanqaad xaalada dagaal ee Ka Aloosan dalka Yemen!
Yemen waa dal ku yaalla Galbeedka Qaaradda Aasiya, sidoo kale dalka waxuu dhacaa koonfur Galbeed Jasiiradda Carabta.
Dalka Yemen Wuxuu ka kooban yahay 22 gobol.
Maanta, Yemen waxaa gacanta ku haya saddex dhinac oo waaweyn:
1. Houthi (Ansar Allah)
Waxaa taageera Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan
Waxay maamulaan 11 gobol, taasoo u dhiganta 35% dhulka Yemen
2.STC (Southern Transitional Council)
Waxaa taageero siiya Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE)
Waxay maamuleen 52% dhulka Yemen ka hor 2026.
Waxaa ku jiray gobollo waaweyn sida Al-Mahrah iyo Hadramaut
Qiyaastii 7 gobol ayey maamuleen kahor curashada dagaalka culus ee socda.
3.PLC (Presidential Leadership Council)
Waa dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay
Caalamku aqoonsan yahay, haddii aad maqasho America niyada gasho
Waxaa taageero siiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Maraykanka (USA)
Waxay maamulayeen 10% dhulka Yemen, taasoo u dhiganta 4 gobol ka hor 2026.
Maxaa ka socda Yemen?
Waxaa socda dagaal xooggan oo la curtay sanadka 2026 wuxuuna u dhexeeyaa STC iyo PLC.
STC – oo ah gooni-goosad, taageerana ka hela Imaaraadka iyo Esreal.
PLC – dowladda caalamka aqoonsan yahay ee Yemen
Dagaalkani asal ahaan wuxuu Soo billowday 2017,markii la aas-aasay kooxda gooni-goosadka ee STC.
STC waxay si weyn isku ballaarisay intii u dhexeysay 2018 ilaa 2022.
Horumarka Dagaalka.
4 maalmood wax ka yar ayaa looga qabsaday 2-dii gobol ee ugu waaweynaa Yemen
Taasoo ka dhigan 70% in laga qabsaday loogana adkaaday dhulkii ay STC gacanta ku haysay.
Gobalka Hadaral mawt waa Gobalka ugu balaaran Yemen waxaa ku yaal ceelasha saliida Gaaska iyoDekadii mukala
Gobalka Al-Mahrah.
Al-Mahrah waa gobol dhaca xadka Cumaan
Waa gobol strategic ah, dagaalkana aad ugu fiicnaa hadba cidii gacanta ku haysa.
Xuduudaha Sacuudiga
Gobollada xadka Sacuudiga dhaca waxaa haysta dhammaantood Houthis
Marka laga reebo gobolka Ma’rib, oo ay PLC gacanta ku hayso.
Caasimadii dalka Yemen ee udhigantay muqdiaho waxaa gacanta ku haya xuutiga.