30/03/2026
Gaashaan Legal and Consultancy Services oo tababar sharci u qabatay Shaqaalaha Shirkadda GAROWE ---------------------------------------------------------------------
Garoowe, 30 Maarso 2026 shirkadda adeegyada sharciyada iyo Latalinta ee Gaashaan Legal and Consultancy Servicesoo ka duulaysa doorkeeda ku aaddan horumarinta wacyiga sharci, kobcinta hufnaanta hay’adaha, iyo taageeridda maamulka wanaagsan ee goobaha shaqada, ayaa tababar sharci u qabatay shaqaalaha Shirkadda SOMGAS faraceeda Garoowe tababrkaas oo Socday mudo labo casho ah ayaa maanta lagu soo xiray magaalada Garowe
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray xeerarka shaqada, anshaxa shaqaalaha, iyo siyaasadda cusub ee hab-dhaqanka shaqo ee shirkadda , si shaqaala shirkadu u helaan faham qoto dheer oo ku saabsan xuquuqdooda, waajibaadkooda, iyo halbeegyada anshaxeed ee looga baahan yahay marka ay gudanayaan hawlahooda maalinlaha ah.
Ujeeddada tababarka ayaa ahayd in la xoojiyo aqoonta shaqaalaha ee ku saabsan nidaamka shaqada iyo qiyamka anshaxa ee shirkaddu ku dhisan tahay, gaar ahaan kaddib markii dib-u-eegis iyo casriyeyn lagu sameeyey siyaasaddii h**e ee anshaxa shaqaalaha shirkada. Tababarku waxa kale oo uu si gaar ah u taabtay muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta hab-raacyada shaqo, ilaalinta sumcadda shirkadda , xuquuqda shaqaalaha iyo la dhaqanka wanaagsan ee macaamiisha, bahwadaagta, iyo gudaha shaqaalaha.
Tababarka waxaa ka faa’iidaystay 30 shaqaale ah oo ka kala socday waaxyaha kala duwan ee Shirkadda SOMGAS, Garowe kuwaas oo isugu jiray shaqaale cusub iyo kuwo h**e uga tirsanaa shirkadda.
Xiritaanka tababarkaan oo socday 29-30 -March-2026 waxaa si wadajir ah u sameeyey Maamulaha SOMGAS ee Gobolka Nugaal, Mudane Cabdullaahi Axmed Yuusuf, iyo Maareeyaha Guud ee shirkadda Gaashaan Legal and Consultancy Services , Avv. Hon Ahmed Guulwade, iyagoo kula dardaarmay shaqaalaha ka faa’idaystay tababarka muhiimadda ay leedahay in shirkaduhu yeeshaan shaqaale fahamsan xeerarka shaqada, anshaxa xirfadeed, iyo masuuliyadda ka saaran ilaalinta tayada adeegga iyo sumcadda ganacsiyada ay ka shaqaynayaan
Muddadii tababarku socday, shaqaaluhu waxay heleen aqoon kororsi wax ku ool ah oo la xiriira sharciyada shaqada xuquuqda shaqaalaha, waajibaadka shaqo, ee anshaxa goobta shaqada, iyo fahamka siyaasadaha gudaha ee shirkadda ay ka shaqaeeyaan. Ka qaybgalayaashu sidoo kale waxay si weyn u soo dhaweeyeen tababarka, iyagoo muujiyey baahida loo qabo in si joogto ah loo sii ambaqaado barnaamijyada noocan oo kale ah.
Tababarkani waxa uu markhaati u yahay doorka firfircoon ee Gaashaan Legal and Consultancy Services ee ku aaddan bixinta adeegyo sharci, latalin, iyo tababaro xirfadeed oo tayo leh kuwaas oo kor u qaadaya hufnaanta, anshaxa, iyo tayada shaqo ee hay’adaha iyo shirkadaha ganacsiyada ka hawlgala gudaha Dalka
Gaashaan Legal and Consultancy Services waxay mar walba ka go’an tahay taageeridda hay’adaha iyo shirkadaha doonaya in ay dhistaan nidaam shaqo oo ku saleysan sharciyad, xirfad, iyo anshax wanaagsan.
Training Ethics Development Governance