16/08/2026
🎥 Qeybta Labaad-Waxaan ku faraxsanahay inaan soo bandhigo natiijooyinka cilmi-baaristayda oo cinwaankeedu yahay:
“Assessing the Impact of Technical and Vocational Education and Training (TVET) on Employment, Income, and Societal Prosperity: Evidence from Puntland, Somalia.”
Cilmi-baaristan waxaan diiradda ku saaray doorka Waxbarashada Farsamada iyo Xirfadaha (TVET) ee kor u qaadista shaqo-abuurka, koboca dakhliga, iyo horumarka bulshada ee Puntland, Soomaaliya.
Waxay ii ahayd sharaf inaan la wadaago natiijooyinka cilmi-baaristan, isla markaana aan fikrado ku kala qaadanno aqoonyahanno, xirfadlayaal, iyo bahda ka shaqeysa horumarinta waxbarashada, xirfadaha, iyo shaqo-abuurka.
Waxaan rajeynayaa in cilmi-baaristani ay wax ku biirin doonto doodaha cilmiyeed, horumarinta siyaasadaha TVET, iyo qorsheynta barnaamijyo sii xoojinaya xirfadaha iyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada Soomaaliyeed.
Waxaan mahadnaq gaar ah u jeedinayaa xarumihii ka qayb qaatay hirgelinta cilmi-baaristan iyo fududeynta xog-ururinta, gaar ahaan Garowe Polytechnical Institute, oo doorka ugu weyn ka qaatay. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dhammaan maamulka iyo macallimiinta Galkacyo Vocational Training Center – Galkacyo iyo Mideeye Technical Secondary School – Burtinle, kuwaas oo taageeradooda iyo wada-shaqeyntoodu door muhiim ah ka qaateen guusha cilmi-baaristan.
Mahadsanidiin dhammaantiin taageeradiinna iyo dhiirrigelintiinna.
Alla Mahadleh.
Yahye Mohamed
Hogaan consultancy services