Yaasir Cabdiladiif

Yaasir Cabdiladiif Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Yaasir Cabdiladiif, Garowe.

🎙️ Journalist | 🌊 Marine Science Student | 🎥 Content Creator

Waxaan xiise weyn u qabaa sheekooyinka, warbaahinta, iyo ilaalinta badaha, Waxaan abuuraa nuxur saameyn leh anigoo adeegsanaya saxaafadda, warbaahinta dijitaalka ah, iyo hal-abuur.

26/07/2026

: Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku geeryooday halka tiro kale ay ku dhaawacmeen Kadib Markii uu iska horimaad u dhexeeyay xoolo dhaqato uu ku dhexmaray Deegaanka Xaafoodle ee Gobolka Mudug.

Xoolo dhaqatadaan ayaa ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.

 : Puntland ayaa u digtay Dowlad-goboleedka Galmudug iyadoo ugu baaqday in ay ka waantowdo in Saanad Ciidan iyo Ciidamo ...
25/07/2026

: Puntland ayaa u digtay Dowlad-goboleedka Galmudug iyadoo ugu baaqday in ay ka waantowdo in Saanad Ciidan iyo Ciidamo la soo mariyo Garoomadeeda iyo Dhulka ay maamusho.

Hadalkan ayaa imaanaya Xili maalmihii u dambeeyay Puntland ay ku eedaynaysa Galmudug in Magaalada Gaalkacayo hub iyo Ciidamada Dowlada Federaalka ah la soo geliyay.

 : Ganacsatada magaalada Bosaso ayaa weli ka cabanaya Khidmadaha ay ku soo Rogtay Dekeda Shirkada DP World."In si degdeg...
24/07/2026

: Ganacsatada magaalada Bosaso ayaa weli ka cabanaya Khidmadaha ay ku soo Rogtay Dekeda Shirkada DP World.

"In si degdeg ah dib-u-eegis loogu sameeyo nidaamka khidmadaha MT/CBM ee DP World ka
hirgelisay Dekedda Boosaaso, In DP World lagu amro inay caddeyso sababta iyo habka loo dejiyay khidmadaha cusub."

Xildhibaanada Barlamaanka 11-aad ee Xorta ah oo ku eedeeyay dagaalkii ka dhacay Laag Madaxweyna Xasan Shiikh."Xildhibaan...
21/07/2026

Xildhibaanada Barlamaanka 11-aad ee Xorta ah oo ku eedeeyay dagaalkii ka dhacay Laag Madaxweyna Xasan Shiikh.

"Xildhibaanadu waxay bogaadinayaan Ciidamada
Puntland ee sida geesinimada leh uga hor tegay maleeshiyaadka Hassan Sheekh ka soo abaabulay Muqdisho si loo burburiyo nabada iyo xasiloonida Puntland."

21/07/2026

"Afar nin oo Isaaq ah ayaa sameeyay Al-shabaab, Nimanka reer woqooyiga ee Muqdisho jooga Isr**l aa na aqoonsatay waxba k**a qabno ayey dhaheen cid taabatana ma jirto." Taliyihii h**e ee NISA ahna Xildhibaan Sanbaloolshe.

Warbaahinta Sabal Cable oo war-saxaafadeed ka soo saartay Xariga Wariye Shucayb:"Xariga Wariye Shucayb looma marin hab s...
21/07/2026

Warbaahinta Sabal Cable oo war-saxaafadeed ka soo saartay Xariga Wariye Shucayb:"Xariga Wariye Shucayb looma marin hab sharci ah."

Wariye Shucayb Habeenkii labaad ayuu u hoyan Xabsiga Hay'adda PISA ee magaalada Bosaso.

Shiikh Cali Wajiis oo difaacaya Ciidamada PSF ee hostaga DFS ayaa qoraalkan barihiisa ku baahiyay.
21/07/2026

Shiikh Cali Wajiis oo difaacaya Ciidamada PSF ee hostaga DFS ayaa qoraalkan barihiisa ku baahiyay.

21/07/2026

“Labo qoys ayaan ka korin jiray ganacsigan balse maanta waxba k**a hayo”

21/07/2026

Xaafuun: Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa geeriyooday, saddex kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib iska hor-imaad hubaysan oo ciidamada PSF iyo kuwa PMPF ee maamulka Puntland ku dhexmaray degmada Xaafuun ee gobolka Bari.

Ilo wareedyo dhanka amniga ah ayaa xaqiijiyay in Puntland ay ciidamo dheeraad ah ku daabushay degmada Xaafuun, si ay u xakameeyaan xiisadda halkaas ka taagan.

Sawiro ka imaanaya halkii lagu dagaalamay iyo gawaarida ay goobta uga tageen Ciidanka PSF.
21/07/2026

Sawiro ka imaanaya halkii lagu dagaalamay iyo gawaarida ay goobta uga tageen Ciidanka PSF.

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yaasir Cabdiladiif posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share