10/10/2025
Qormada Jimcaha ee Lool TV
Ganacsiga Wanaagsan Waa Horumarka Bulshada
Ganacsigu ma aha oo kaliya iib iyo faa’iido lacageed, waa laf-dhabarta horumarka bulshada. Bulsho kasta oo guuleysata, waxaa hogaaminaya ganacsato leh himilo, hal-abuurnimo, iyo kalsooni.
Maanta dunida waxaa lagu tartamayaa aqoon, tiknoolaji, iyo hal-abuurnimo ganacsi. Ganacsadaha guuleystaa waa kan la jaanqaada waqtiga, adeegsada teknoolajiyada, kana jawaaba baahida bulshada.
Lool TV waxa uu toddobaad kasta idiin soo gudbin doonaa qormooyin iyo barnaamijyo dhiirrigelinaya ganacsiga, hal-abuurka, iyo fursadaha cusub ee suuqa. Ujeeddadu waa in dhalinyarada iyo ganacsatada yaryar lagu dhiirrigeliyo inay fikradahooda u beddelaan fursado dhab ah.
Ganacsiga wanaagsan wuxuu abuuraa shaqo, kobciyaa dhaqaalaha, wuxuuna dhisaa mustaqbal ifaya.
Telefishinka Ganacsiga Lool TV – Codka Ganacsiga Soomaaliyeed.