24/09/2025
Ma xasuusataa mudaaharaadkii weynaa ee dunida gilgilay loona yaqaanay “The Arab Spring?”
ciidamada booliska dalka Tunisia ayaa jir-dil ugeestay qof shacab ah sanadii 2011 muuqaalka jir-dilka ayaa lagu baahiyay Facebook dalka Tunisia waxaa ka bilawday mudaaharaad balaaran, dadkii oo aad oga carooday jirdilka iyo awood sheegashada dowladda Tunisia ayaa qabsaday wadooyinkii waa weynaa ee galayay madaxtooyada Tunisia.
Dhowr maalmood kadib shacabkii wey guuleesteen waxaa dalkii isaga cararay madaxweynihii Tunisia ee Zine Ben Cali.
Maalmo kadib waxaa bilawday mudaaharaadyo balaaran oo ka qarxay Masar, Sudan, Sri Lanka, Yemen iyo dalal kaloo fara badan,dhawaanna kenya, bangaladhes, srilanka, nepal. Shacabkii wey fahmeen in awooda dhabta ah ay tahay ayaga oo aysan ahayn midka tuutaha iyo qoriga
Soomaalida waxay arkaan hooyo ama aabe dhaawac ah, ilmeyneysa, gacan ka jaban tahay balse tabartoodii waxay kusoo ekaatay iney baraha bulshada kusoo bandhigaan dareenkooda oo aysan laxisaabtami karin dowladda iyo ciidanka dhibaatada geystay.
Odhaah ayaa laga hayaa mufakar-kii weynaa ee Albert Einstein. Wuxuu yiri, “Dadka xun kaliya ma ahan kuwa wax burburinaya ee sidoo kale waa dadka aamusan ee falkaas xun indhaha kadaawada.”