21/07/2024
Talooyin caafimaadkaaga diineed wanaajinaya:
Kow: Tawxiidka iska sax oo Ilaahay (S.W.T.) si wanaagsan u baro, dabadeed si wanaagsan u rumee, dabadeed si wanaagsan u caabud.
Laba: Dahaarada iska sax oo salaadda si wanaagsan u baro, dabadeed shanta salaadood ee waajibka ah masjidka iyo jamaca ku ilaali, salaad kastana sunnaheeda raaci adiga oo badanka gurigaaga ku tukanaya.
Saddex: Wax kamid ah maalkaaga, aqoontaada, iyo xooggaaga Eebbe (S.W.T.) dartii u sadaqayso adiga oo iska ilaalinaya dadka aad wax siisay in aad u mannasheegato ama dhibto.
Afar: Haddii Allaah (S.W.T.) xoolo ku siiyay, xoolahaaga sakada ka bixi, cumrada iyo xajka ka aad, masaakiinta iyo agoontana ka war hay.
Shan: Ku dadaal in aad Alle (S.W.T.) dartii u soonto bisha Ramadaan iyo soon kasta oo sunne ah (sida: Isniinta iyo Khamiista, ayyaamu biidka, Caashuuraa, lixda cisho ee Shawwaal, iyo sagaalka cisho ee Dilxijja).
Lix: Dadka akhlaaq wanaagsan kula dhaqan oo dhibaatadaada ka dayso, wixii aad tari kartana tar af iyo addinba, wajigaagana u fur oo u dhoollacaddee, hadal wanaagsanna kula hadal.
Toddoba: Haddii aad taagan tahay iyo haddii aad fadhido, iyo haddii aad soconayso iyo haddii aad jiiftaba, carrabkaagu ha ka qoyanaado xuska Ilaahay (S.W.T.) mar kasta iyo xaalad kasta adiga oo badinaya.
Siddeed: Ku xidhnow oo arday u noqo culimada Rabbaaniyiinta ah ee ku xididaystay cilmiga sharciga ah, oo wayddii wixii aad garan waydo, jidka ay maraanna mar.
Sagaal: Qalbigaaga toos ugu xidh Ilaahay (S.W.T.) oo xaggiisa u carar marka ay arrimuhu kugu adkaadaan ama musiibo kugu habsato, oo isaga gacmaha hoos dhigo oo bari adiga oo aan cidna u marin, xaaraantana iska ilaali si ducadaada markiiba loo aqbalo.
Toban: Si kasta oo aad dambiyo waaweyn iyo khaladaad aad u badan u samaysay, waxa aad leedahay Rabbi og in aad dambaabayso oo ku farxaya tawbaddaada, ee ha quusanin marnaba oo u soo laabo Rabbigaa, oo dambidhaaf wayddiiso, wixii aad hallaysayna hagaaji.