Nidaam Consulting

Call Website Contact the business

Nidaam Consulting Reliable & Efficient Consulting and Accounting Support

30/07/2026

𝟏. 𝐌𝐀𝐗𝐄𝐘 𝐍𝐔 𝐔 𝐆𝐀𝐀𝐃𝐇𝐈 𝐖𝐀𝐘𝐍𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐀𝐌𝐔𝐋-𝐖𝐀𝐍𝐀𝐀𝐆?
𝟐. 𝐃𝐇𝐈𝐁𝐀𝐀𝐓𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎 𝐍𝐎𝐐𝐍𝐎𝐐𝐎𝐍𝐀𝐘𝐀 𝐌𝐀𝐗𝐄𝐘𝐍𝐔 𝐔𝐆𝐔 𝐋𝐀𝐀𝐍𝐀𝐇𝐀𝐘 𝐗𝐀𝐋 𝐖𝐀𝐀𝐑𝐀?

Ilaahey (SWT) wuxuu Quraanka Kariimka ah inoogu sheegay tiirarka ugu adag ee 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥-𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐠𝐚, 𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐡𝐚𝐛𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 arrin kasta.

Rabbi (SWT) wuxuu yidhi:
۞ إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَن تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَىٰ أَهْلِهَا...
"Ilaahey wuxuu idin farayaa inaad amaanooyinka u celisaan dadkeeda ehelka u ah..." (Suratu An-Nisa: 58)

𝐀𝐦𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐔𝐠𝐮 𝐖𝐞𝐲𝐧 𝐖𝐚𝐚 𝐗𝐢𝐥𝐤𝐚 & 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚

Amaanadu kuma koobna oo keliya lacag laguu dhiibo. Amaanada ugu culus ee maanta waa 𝐗𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 dawlad, hay'ad, ama ganacsi.
In xilka loo dhiibo qof aan ehel u ahayn—oo aan lahayn aqoontii, daacadnimadii, iyo amaanadii maamul—waa bilowga dhibaatooyinka, dulmiga, caddaaladd darada, fowdada, iyo burburka bulsho kasta.

𝐔 𝐅𝐢𝐢𝐫𝐬𝐨 𝐂𝐚𝐬𝐡𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐚𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐒𝐚𝐛𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐀𝐲 𝐔 𝐒𝐨𝐨 𝐃𝐞𝐠𝐭𝐚𝐲 𝐀𝐲𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐊𝐨𝐫 𝐊𝐮 𝐗𝐮𝐬𝐚𝐧 (𝐒𝐚𝐛𝐚𝐛𝐮 𝐍𝐮𝐬𝐮𝐮𝐥𝐤𝐚):

𝐅𝐚𝐭𝐱𝐮 𝐌𝐚𝐤𝐤𝐚: Maalintii Makka la furtay, Nabigu (ﷺ) wuxuu furaha Kacbada ka qaadey Cusmaan binu Dhalxa. Waxaa furaha ka codsaday ehelkii Nabiga (ﷺ) sida Cabbaas iyo Cali (R.C). Isla markiiba waxaa soo degtay aayaddan:
۞ إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَن تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَىٰ أَهْلِهَا...
"Ilaahey wuxuu idin farayaa inaad amaanooyinka u celisaan dadkeeda ehelka u ah..." (Suratu An-Nisa: 58)

Jawaabtii 7-toddobada samo dushooda ka timid waxay noqotay in furaha loo celiyo Cusmaan sababta oo ah 𝐢𝐬𝐚𝐠𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐞𝐡𝐞𝐥 𝐮 𝐚𝐡𝐚𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐞𝐲 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐭𝐨 𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐨, 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧, 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐡𝐢𝐛𝐫𝐚𝐝𝐛𝐚. Tani waxay inna baraysaa in xilalka iyo maamulka lagu bixiyo cida ehel u ah, ee aynaan ku bixin xigtaysi, qabiil, u abaal gudid shakhsi, ama eexasho!

𝐗𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐦𝐚 𝐌𝐮𝐬𝐡𝐤𝐢𝐥𝐚𝐝𝐚

Farqiga u dhaxeeya maamulka wanaagsan iyo maamulka fashilmey marka ay dhibaato dhacdo:

• Maamulka wanaagsani wuxuu raadiyaa 𝐒𝐚𝐛𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐀𝐚𝐬𝐚𝐚𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 (𝐑𝐨𝐨𝐭 𝐂𝐚𝐮𝐬𝐞) ee dhibta dhalaysay si loo tirtiro ama loo yareeyo, oo ayna mar dambe u soo noqon.

• Maamulka fashilani wuxuu ku mashquulaa 𝐝𝐡𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐱𝐨-𝐤𝐚-𝐡𝐨𝐫𝐠𝐚𝐲𝐧 𝐚𝐦𝐚 𝐱𝐚𝐥 𝐦𝐮𝐝𝐝𝐨 𝐤𝐨𝐨𝐛𝐚𝐧 𝐚𝐡 (𝐐𝐮𝐢𝐜𝐤 𝐅𝐢𝐱). Maamul kasta oo guuldarreysta ama dhibaatadu ku soo noqnoqoto wuxuu leeyahay hal calaamad: 𝑾𝒂𝒙𝒂𝒚 𝒍𝒂 𝒅𝒂𝒈𝒂𝒂𝒍𝒍𝒂𝒎𝒂𝒂𝒏 𝑵𝒂𝒕𝒊𝒊𝒋𝒂𝒅𝒂 (𝑺𝒚𝒎𝒑𝒕𝒐𝒎-𝒌𝒂) 𝒉𝒂𝒍𝒌𝒊𝒊 𝒂𝒚 𝒌𝒂 𝒃𝒂𝒂𝒃𝒊'𝒊𝒏 𝒍𝒂𝒉𝒂𝒂𝒚𝒆𝒆𝒏 𝑺𝒂𝒃𝒂𝒃𝒕𝒂 𝑨𝒂𝒔𝒂𝒂𝒔𝒊𝒈𝒂 𝒂𝒉 (𝑹𝒐𝒐𝒕 𝑪𝒂𝒖𝒔𝒆).

𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝

Haddii sababta aasaasiga ah ee maanta dhibta keentay ay tahay "𝐂𝐢𝐝 𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐡𝐞𝐥 𝐮 𝐚𝐡𝐞𝐲𝐧 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚" (Ninkii ku habboonaa oo aan joogin xilka), xalinta dhibaatooyinka kolba soo ifbaxayaa waxay noqonaysaa kaliya "dhoobo iigaga buuxi". Dhibtii way soo noqonaysaa, kuwo ka sii weyn oo cusubna way ka dhalanayaan!

𝐒𝐢𝐝𝐞𝐲𝐧𝐮 𝐤𝐮 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐡𝐧𝐚 𝐱𝐚𝐥 𝐰𝐚𝐚𝐫𝐚?

Haddii aynu rabno maamul wanaagsan, caddaalad, iyo ineynu gaadhno xal waara, horta meesha aynu ka saarno sababta dhibta dhalisay—oo ah in xilka loo dhiibo qof Ehel u ah, Daacad ah, Amaano leh, Aqoon, iyo karti u leh.

𝙄𝙣 𝙙𝙖𝙙𝙠𝙖 𝙚𝙝𝙚𝙡-𝙠𝙖 𝙪 𝙖𝙝 𝙡𝙤𝙤 𝙙𝙝𝙞𝙞𝙗𝙤 𝙭𝙞𝙡𝙖𝙡𝙠𝙖 𝙠𝙪 𝙝𝙖𝙗𝙤𝙤𝙣 𝙠𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖 𝙢𝙖𝙖𝙝𝙖 𝙩𝙖𝙡𝙤 𝙢𝙖𝙖𝙢𝙪𝙡, 𝙚𝙚 𝙬𝙖𝙖 𝙬𝙖𝙖𝙟𝙞𝙗 𝙙𝙞𝙞𝙣𝙞 𝙖𝙝 𝙤𝙤 𝙦𝙪’𝙧𝙖𝙖𝙣𝙠𝙖 𝙠𝙪 𝙘𝙖𝙙.



𝘽𝒚: 𝙃𝒂𝙢𝒔𝙚 𝙄𝒃𝙣𝒖 𝑯𝙖𝒓𝙞𝒓

Address

HQ Near Golis University
Hargeisa
00252

Opening Hours

Monday 07:00 - 12:00
Tuesday 07:00 - 12:00
Wednesday 07:00 - 12:00
Thursday 07:00 - 12:00
Saturday 07:00 - 12:00
Sunday 07:00 - 12:00

Telephone

+252634762424

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nidaam Consulting posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Nidaam Consulting:

Shortcuts

Share