Shucayb channel

Shucayb channel Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Shucayb channel, Lobbyist, Shucayb channel, Hargeisa.

Sacad bin Mucaad, Ilaahay haka raalli noqdeewaxa uu soo islaamay isagoo 30 jir ah, Wuxuu dhintay isagoo 36 jir ah ,6 san...
31/12/2024

Sacad bin Mucaad, Ilaahay haka raalli noqdee
waxa uu soo islaamay isagoo 30 jir ah, Wuxuu dhintay isagoo 36 jir ah ,6 sano oo kaliya ayuu islaamka ku jiray Carshiga alle ayaa Geeridiisu gilgishay waxaana janaasadiisa kasoo qayb galay 70,000 oo Malag oo aan horay usoo degin dhulka

Wuxu dhintay isagoo lix iyo soddon jir ah markuu dhintay ayaa Jibriil u yimi Rasuulka (scw) oo uu ku yidhi: waa ayo addoonkan suubban ee dhintay? Waxaa u furmay albaabbadii jannada, waxaana gilgishay carshigii alle , markaas ayuu Rasuulka (scw) soo baxay markii loo sheegay qofka dhintay in uu sacad yahay ayuu soo degdegay nebiga (scw) Wuxuuna yiri : Waxaan ka baqayaa inay Malaa’igtu naga hor marto oo ay dhaqaan meydka sacad sidii ay xandala u dhaqeen oo kale Dabadeed waxay u qaadeen qabrigiisii, markii la geliyay qabrigiisii ​​ayaa Rasuulku SCW yiri: "ciriiriga qabriga hadii cidi ka badbaadi lahayd walaalkiin sacad ayaa ka badbaadi lahaa " .

Allahayow na waafaji iimaanka sida iimaankiisa iyo daacadnimadiisa oo kale.

Labadii isku hadal oo Liibanta wada wadagan nahee Ladnantu inotahayaab,qabojiyo Laaceeni waa inodane lurkan Aadkentey la...
21/12/2024

Labadii isku hadal oo
Liibanta wada wadagan nahee
Ladnantu inotahayaab,qabojiyo
Laaceeni waa inodane lurkan
Aadkentey laabteeni mawadee ee
Lixaad la,isuguma faane

Leexde Ana ladnantadan raadshaa
Walaallow liibantu waa inoo dantee
Lurkiyo igadaa ciilkan labadaan berri iheysta
Ceerigaabo laabqaboje ayeey inotahay
Ha ileexino Hana iilaalin carakiyo leexadey
Nns Save

11/12/2024

11-12-2024Ma jiro qof soo celin kara wakhti ka tegey si uu bilowgeedii u hagaajiyo, balse waxa uu awoodi karaa in uu maanta uu ka hawlgalo oo uu bilaabo si uu u hagaajiyo dhammaadkeeda

29/11/2024

Nin xakiim ah ayaa wiilkiisa ku yiri: wiilkeygiyoow inta aad nooshahay saddex arin ku dadaal:

-Cuntada ugu fiican inaad cunto
-Gogosha ugu fiican inaad ku seexato
-Guriga ugu fiican inaad degto!

Wiilkii ayaa ku jawaabay: Aabe annagu dad sabool ah ayaan nahay sidee ayey waxaas oo dhan iigu suurta geli kartaa?

Ninkii xakiimka ahaa ayaa yiri:
- Marka aad gaajooto keliya haddii aad wax cunto...waxay noqoneysaa cuntada ugu fiican
- Marka aad shaqeyso oo aad daasho gogosha aad ku seexato waxay noqoneysaa gogosha ugu fiican.
- Haddii aad dadka kula dhaqanto dabeecad wanaagsan qalbigooda ayaad degaysaa, sidaasna waxaad ku degtay guriga ugu fiican ee la d**o.

29/11/2024
22/11/2024
19/01/2024

Muqdisho, 18 January 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Hirgelinta Biya-Mareenka iyo Nadiifinta Biyaha Qashinka ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, kaasi oo qeyb ka ah Qorshaha wax ka qabashada bulaacadaha Magaalada Muqdisho.

Munaasabada dhagax dhiga waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcale, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, Maareeye Kuxigeenka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Guddoomiyaha Degmada Waabari Mudane Maxamed Sheikh Sayid iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Dowaladda Hoose ee Xamar ay ka go’an tahay sidii sanadkan 2024 xal waara loogu heli lahaa Bulaacadaha iyo Biya qabadyada Magaalada Muqdisho.

—DHAMAAD—

Address

Shucayb Channel
Hargeisa

Telephone

+252636747854

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shucayb channel posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share