Lixle Media

Lixle Media MARWAAN ABDI JAMA

5-Qodob kaga gudub Culayska Nolosha1. Salaadda iyo ducada joogtada ah: Ku xirnaanta Ilaahay waxay dejisaa qalbiga, waxay...
26/04/2025

5-Qodob kaga gudub Culayska Nolosha

1. Salaadda iyo ducada joogtada ah: Ku xirnaanta Ilaahay waxay dejisaa qalbiga, waxayna kaa caawisaa inaad u dulqaadato dhibaatooyinka nolosha. Salaaddu waa nasasho nafeed.

2. Qorsheynta iyo maaraynta waqtiga: Qorshee maalintaada si aad u yareyso jahwareerka. Marka aad leedahay nidaam iyo yoolal cad, culayska nolosha wuu yaraadaa.

3. Is-daryeelka (Self-care) Ku dadaal caafimaadkaaga jir iyo maskaxeed: seexo si fiican, cun cunto nafaqo leh, jimicsi samee, oo mararka qaar naso.

4. La sheekayso qof aad ku kalsoon tahay: Walaac iyo culays gudaha ha ku haynin. La hadal qoys, saaxiib, ama la-taliye si aad u nasato una hesho talo wanaagsan.

5. Fikir togan iyo sabir - Isku day inaad nolosha ka eegto dhinaca wanaagsan. Caqabadaha waa qayb ka mid ah nolosha, mar walbana wuu imaanaa isbeddel.

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay ma...
25/04/2025

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.

1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano, Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo".

2- "Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa".

3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan".

4-" Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah, qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha".

5-" Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan "?

6- "Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ".

7- "Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "

8- " In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ".

9- " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen ".

10-"Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya ".

11- "Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".

12- "Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".

13- "Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka horeeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan ".

14-"Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin ".

15- "Dadka kuwa ugu hantida badan Aya ah kuwa ugu hurdada yar ".

16- "Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo ".

17- " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo ".

18-"Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka ".

19- "In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon ".

20- "Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib ".

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii labaad  ku guda jira S...
12/02/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii labaad ku guda jira Safarkiisii Shaqo ee uu ku tagay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta waxa uu kulan mihiim ah leeshay 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐦𝐞𝐝 𝐁𝐢𝐧 𝐑𝐚𝐬𝐡𝐢𝐝 𝐀𝐥 𝐌𝐚𝐤𝐭𝐨𝐮𝐦 oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Raysal Wasaaraha Dalka Imaaraadka Carabta , isla markaana ah Amiirka Mandaqadda Dubia.

Sidoo kale, Madaxweynaha JSL waxa uu la kulmay 𝐒𝐡𝐞𝐢𝐤𝐡 𝐌𝐚𝐧𝐬𝐨𝐮𝐫 𝐁𝐢𝐧 𝐙𝐚𝐲𝐞𝐝 𝐁𝐢𝐧 𝐒𝐮𝐥𝐭𝐚𝐧 𝐀𝐥 𝐍𝐚𝐡𝐲𝐚𝐧 oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Raysal Wasaare ku xigeenka dalkaasi, isla markaana ah Wasiirka Arimaha Madaxtooyada ee dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Dawladda Imaaraadka Carabta uga mahad naqay Marti-qaadka Rasmiga ah iyo maamuuska sare ee loo fidiyey Madaxweynaha JSL si uu uga qeyb galo Shirka Caalamiga ah ee Kulanka Dawladdaha Caalamka.

Madaxweynaha JSL waxa uu madaxda Dawladda Imaaraadka kala hadlay arrimo door ah oo muhimmad iyo mudnaanba u leh labda dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, arrimahaasina waxa ka mid ahaa:

Iskaashiga Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo ka wada shaqaynta Xasiloonida Mandaqadda. Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu Dawladda Imaaraadka Carabtu kala Hadley inay Somaliland ka taageerto xagga kaabayaasha dhaqaalaha iyo in labada dhinac ay iska kaashadaan xagga arrimaha Amniga, gaar ahaan Xasiloonida Marrin Biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝.

waxaa jira xeerar u yaal Ciidanka Somaliland oo mamnuucaya in xubnaha ciidanku ay caayaan ama aflagaadeeyaan madaxda dal...
11/02/2025

waxaa jira xeerar u yaal Ciidanka Somaliland oo mamnuucaya in xubnaha ciidanku ay caayaan ama aflagaadeeyaan madaxda dalka. Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidamada Qaranka ee Xeer Lr. 107-2024, oo la soo saaray 2024, ayaa si cad u qeexaya anshaxa iyo hab-dhaqanka laga filayo ciidamada. Qodobada ku jira xeerkan waxay tilmaamayaan in ficilada noocaas ah ay ka hor imaanayaan anshaxa ciidamada, isla markaana ay mudan karaan ciqaab.

Sidoo kale, Xeerka Ciqaabta Ciidamada Waqtiga Nabadda ee soo baxay 1963, Xeer Lr. 2, ayaa qeexaya dembiyada iyo ciqaabaha la xiriira anshax-xumada ciidamada, oo ay ku jiraan caayda iyo aflagaadada madaxda qaranka. Xeerkan ayaa dib loo habeeyey, waxaana lagu dabaqaa ciidamada qalabka sida ee ku jira shaqada ciidanka.

Sidaas darteed, xubnaha ka tirsan Ciidanka Somaliland waxaa ka reeban inay caayaan ama aflagaadeeyaan madaxda dalka, waxaana ficiladaas laga qaadi karaa tallaabooyin ciqaabeed oo waafaqsan xeerarka kor ku xusan.

Madaxweyne Cirro ka hor intii aanu ka jawaabin su'aal laga waydiyey maalgashiga iyo muhiimadda Berbera wuxu ka soo qayb ...
11/02/2025

Madaxweyne Cirro ka hor intii aanu ka jawaabin su'aal laga waydiyey maalgashiga iyo muhiimadda Berbera wuxu ka soo qayb gelayaashii shirka ku salaamay " Ka hor inta aanan waydiinta ka jawaabin, waxaan ka socdaa Somaliland, mid ka mida dawladdaha Mustaqbalka dunida ku soo biiray"

Mar kale madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay nasiib darro ahayd midowgii Somaliland gashay sannadkii 1960-kii kaas oo uu tibaaxay in xilligaas looga gol lahaa in lagu raadiyo Midnimo Soomaaliyeed balse Somaliland la soo noqotay madax bannaanideeda mar kale 1991-kii.

Hadal jeedinta Madaxweynaha ayaa isugu dhafnayd mid uu ku iib geeyey qaddiyada Somaliland ee aqoonsi raadinta, wixii ay qabsoomay soddonkii sano ee la soo dhaafay, goobta ay ku taallo iyo muhiimadda xaqa ay u leedahay in ay hesho aqoonsi Caalamiya.

Shirka waxa ku sugnaa madax kala duwan oo ka socota daafaha Adduunka kuwaas oo dhegaysanayey xilliga uu madaxweynuhu

Lixle Media

" Somaliland waxay leedahay xeeb dhereran 800KM oo ku taalla gacanka Cadmeed. Magaalada Berbera  oo ah dekedd istaraatij...
11/02/2025

" Somaliland waxay leedahay xeeb dhereran 800KM oo ku taalla gacanka Cadmeed. Magaalada Berbera oo ah dekedd istaraatijiya waxa dagaalkii qaboobaha adeegsaday quwadihii Ruushka iyo Maraykanka waxadna halkaas ka garan gartaa muhiimadda ay leedahay" madaxweyne Cirro.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ❤️
10/02/2025

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ❤️

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Komishanka Doorashooyinka Qaranka u xaqiijiyey in ay Doorashooyinku ku dhici do...
10/02/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Komishanka Doorashooyinka Qaranka u xaqiijiyey in ay Doorashooyinku ku dhici doonaan Waqtigii loo Muddeeyey.

DEG-DEG:Madaxwaynaha Somaliland ayaa ka qayb galaya shirka World Governments Summit oo ka furmaya dalka Imaraadka Carabt...
10/02/2025

DEG-DEG:Madaxwaynaha Somaliland ayaa ka qayb galaya shirka World Governments Summit oo ka furmaya dalka Imaraadka Carabta.

Waxaana shirkaas isugu imanaya 30 Waddanka oo kala socda daafaha dunida.
Madaxwaynaha ayaa shirkaas waxa uu kaga hadli doonaa Horumarka aqoonsi raadinta dalka Somaliland.

Shirkan Waxa ka qayb ka ah Madaxwaynayaal ka socdan Waddamada aduunka.

 :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro )  ayaa la sheegay in ...
09/02/2025

:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro ) ayaa la sheegay in uu marti qaad ka helay Boqortooyadda Saudi Arabia halkaas oo uu maalmaha soo socda safar ugu bixi doono.

Saudi Arabia Waa dal xidhiidh ganacsi oo dhinaca Xoolaha ah la leh Somaliland.

F.G Halkan isha kuhay 👁️

“Waddada Balligubadle ku xigtaa waxay noqon doonta Boorama iyo Baki waddada isku xidha,Maanta waxaan Gobolka Hawd u door...
09/02/2025

“Waddada Balligubadle ku xigtaa waxay noqon doonta Boorama iyo Baki waddada isku xidha,

Maanta waxaan Gobolka Hawd u doortay waxaan doonayaa in aan Umulo dambe Jidka ku dhimman Inshaa Allaah,

Qofka Balligubadle jooga wuxuu usoo shaqo tagi doonnaa Hargeysa isaga oo aan wax dhib ah marin,

Dadka reer Baligubadle waxaan ugu bushaaraynayaa Waddadan maantaan dhagax dhigay waanan dhammays tirayaa, waxaanan la kaashanayaa Ilaahay”

Madaxweyna Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro

09/02/2025

Waa la soo dhaafay 30kii sanee mujaahidnimada hada waxa la gaadhay 30kii wax qabadka iyo horumarka

Address

Hargeisa

Telephone

+252672048126

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Lixle Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Lixle Media:

Share