16/03/2021
IGU DHACDAY DULMINA LAYGAYSTAY.
Umada reer somaliland ee samaha jecel waxan doonayaa in aan la wadaago dhacdo bahalnimo ah igu dhacday aniga oo ah mawaadin reer somaliland magacayguna waa Khadar Ahmed Sheikh mahamed oo degan caasimad Hargeisa gaar ahaan 26 june,
Waxa i qabsatay dhacdo niman budhacad ah kuna heshiiyey dhaca umada , waana niman wllo ah oo la idhaahdo
: Ilma Cilmi Jamac
OO KALA AH
/
, NIMAN AY EHEL YIHIIN OO CIIDANKA POLICE KA KA TIRSAN
Nimankaas oo si badheedh ah iigu haysta aqalkaan ku dhashay iyaga oo ii adeegsanaya awood dhaqaale iyo awood ciidan, Nimankaasi markii h**e gurigaygii dagaal bay igaga saareen iyaga iyo xulufo ay sameysteen oo been iyo wax aan jirin umada ku indho sarcaaday , Kadib markaan ka diiday 12 kun oo ay idhaahdeen waan u celinaynaa ,
waan ka diiday dalabkaa oo waliba la rabay si khiyaamo ah in layga saxeexo kalsooni iib ,
wixii intaas ka danbeyey waxa la bilaabay in gurigayga la jajabiyo oo ay u adeeg sadaan caruur ay dhaleen ilaa aan ka guuray amni daro dartiid ,
xataa geerash baabuurta lagu xareeyo ayaan lahayn kiina iyaga ayaa maanta ka taliya, ta kale nimankaa walaala ahi iyo gabadh ay wllo yihiin waxay ku guuleysteen in ay umada indhaha tiraan anigana ibaacsadaan hantidaydiina dibadaan ka jooga, mar aan is idhi bal ka wardoog gurigaagii oo aan isku dayey in aan goor habeena booqdo si hoose maalin kuma dhacee waxa dhacday in nin ragaa ka midi iweydiyey waxa aan ka soo dooney mesha kadib jawabtaydiina feedh igaga h**eyey ,is feedh feedh kadib qoladii kale igu soo dareertay ana aan naftaydii la baxsaday ,nasiib wng waan ka bad baaday ,
anuu qof daacada ayaan iska ahaa oo gurigaygii aan kirada ku galeyey ayaan iska tagay ,lkn iyagu dad ujeedo leh bay ahaayeen oo saldhiga ayey tageen iyaga oo iga dhigay nin weerar soo gaaday oo nin dilay ama namber ugaystay ,anba numbero waan qabay oo sankaa wax i qabay oo feedhkii u h**eyey sankuu igaga jiiday lkn may dhicin in aan saldhiga tago, hadaba waxa dhacday nimankaas oo ah Niman Isaaxaqaahi isaxaaq ma wada xumee in ay qolo ciidanka ugu jirta oo ehel ay yihiin iyo waliba qolo kale oo budhcada kuwaas oo ka soo duulay new hargeisa ay isla maanta cabaaro 12 duhurnimo gurigaygii anoo aas ku maqan intay tageen dadkii joogay guriga ay xoog ku galeen oo ilaa qolkaygii hurdadaydii kaba la dulmaray oo meel kasta baadhay,
kadibna markay siday doonaan ka sameysteen baxeen iyaga oo Ku hanjabaya in ay mar uun i qaban doonaan, reerkaygii oo sas iyo argagax ay ku beereen naxdina udhamaday ayaa isoo wacay iyaga oo igula taliyey kol hadii runtii la daboolay ana dabin la ii dhigay in aan hadana gurigayga aan ka ordo anoo awal uga soo orday aqalkaan xaqa ulahaa oo kiro aanan awoodeyn ku jira kii kirada ahaana laygaga daba imid ,xiligu la isoo weerarayaana habeen maaha ee waa maalin cad taasina waxay ku cadaynaysaa awooda iyo laaluushka iyo shaadhka askarta oo la ii adeegsanayo ,
Nimankaa werarka hogaaminaya caruurtooduna gurigaygii ay iga soo sareen bay ku nool yihiin , ,kuwaas oo wata gaadhi nooho ah iyo tukhaan cabaysan rag ka buuxaan ,hadii xataa aniga ay i xidhayaan waxaas oo raga imay soo weerareen lkn in la i jidh dilo oo niman kaa isku qolada ahi ee askarta ehelkooda ah iyo Ilma Cilmi jamac idilaan ayey rabeen nasiib wng geeri baan ku maqnaa ,
umada reer somaliland waxaan si sharaf leh ugu sheegaya hadii bacda gurigayga la bililiqaystay ana la idilo waa siiba labada nin ee la kala idhaahdo
IYO CANJEEX ,kan maalgalinayaana waxaa la idhaahdaa
Hadaba nimankan wllo ahi waxay u kala shaqeeyaan
Wuxu ilaaliya TELESOM TA HOOSE EE FOOQA
wuxu ushaqeeya dawlada Rugta ganacsiga waana niman waligoodba dhaca iyo dil ku jiray imikana u midoobay wax aanay lahayn meelna ayna ka soo galin dhaxalkaa Ilmo Ahmed Abu shande
Dhibaatada ay ii gaysteen nimankaasi maaha mid aan qoraal ku soo koobi karo iyo hanjabaada ay mar walba ii hanjabaan,
Taleefankaa xataa wa igu amaano waayo taleefankaygii meel kuma sheego budhcadaa waxay noogu hanjabaan marwalba in ay qaraabo tihiin taliyaha ciidanka police ka somaliland dabagale oon anuu xurmo iyo sharaf u ahayo,waayo anuu waxan ahay nin shaqaale dawladeed oo muwaadina wadanka madaxdiisana Ixtiraama ,hadaba hadii dhawaaqaygaas idin soo gaadho laamaha amaanka ee ay arintani khusayso nimankaas iyo shirqoolkooda in aad iga soo gaadhaan ayaan idinka codsanaya ,
beenta iyo runta imika beentaa dheeraysa nimankaasina siro baden oon ka hayey darteed ayey alaabtayda ufadhataysteen ,oo h**eba gurigaygii idaacada inta aanan ka soo fakan way iga jabsadeen oo alaab ii muhiim ahayd iga qateen ,tacadi baden oo hurdo la aan igu ridayna ii gaysteen ,sababtaasina waa jagayda idaacada iyo geerash yar oo quutul daruuriga aan kala soo bixi jiray bay igu dhacday dartood labadiiba maanta dibada ayaan ka jooga ,hadaba hantidaydii wabay haystaan oo hooyaday oo qof ehlu diina ayaa igula talisay in aan waxayga ka ordo,lkn taasi dulmigii may joojin oo wataa weli lay baacsanayo ,
Dulmigaa iyo tacadigaa igu dhacay waxaan udaayey taladeeda Ilahay iyo umada reer somaliland gaar ahaan xukuumada maanta dalka ka talisa ee : Bihi Abdi
ALLEH MAHD LEH.