25/10/2022
Lottery-ga Maraykanka ee loo yaqaan Green card lottery ama diversity Visa lottery. (DV lottery). Sannad walba Maraykanku waxa uu furaa codsi dadyowga caalamku ay ku xaraysan karaan inay ku noolaadaan oo ka shaqaystaan Maraykanka iyagoo helaya Green cardka si bilaash ah. Waxa uu sannad walba qaataa 55kun oo qof oo dadkii xaraystay laga soo doortay.
Green card lottery waxaa sannad walba xaraysta in ka badan 10milyan oo ruux, waxaa la aqbalaa 119kun oo qof, kuwaas oo la marsiiyo waraysiga fiisaha ee Maraykanka kadibna 55kun oo qof ayaa laga doortaa oo nasiib u hela inay helaan fisaha Maraykanka.
Qaabka oo u shaqeeyo ama ujeedada koobaad ee loo sameeyay programkan ayaa ah in dadka ku yar tiro ahaan gudaha Maraykanka ay dalkaas fursad uhelaan inay tagaan. Calashaan dadka u haajiridda Maraykanka ay ku adag tahay aama aan gudihiisa aad u joogin ayaa fursad loo siiya inay tagaan dalkaas.
Sanandkan wadamada laga reebay waxaa kamida Nigeria, Hindiya, China, Bangladesh, Brazil, Vietnam iyo dalal kale. Kuwaas oo sabbata looga reebay ay tahay in ay dadkoodu Maraykanka aad u joogaan aadna ugu haajiraan. Oo waxaa la qiimeeya haddii dal shantii sano ee u danbaysay ay dadkiisa Maraykanka aaday ay 50kun ka badan yihiin, dalkaasi liistiga wadamada Lottery-ga u furan yahay kuma jirayo.
Sannadkii tagay Afrika dalalka Suudaan, Togo, Burkino Faso, Algeria, Egypt ayaa ahaa kuwi dadka ugu badnaa laga aqbalay oo mid kiiba 6kun oo qof ayaa laga doortay. Halka Soomaaliya kaliya 485qof laga doortay, kuwaas oo 50% imtixaanka fiisaha kusii dhacaya. Halka Jabuuti oo hal malyan ka yar laga doortay 287qof, taaso muujinaysa in Jabuuti Somaliya celcelis ahaan kaga fiican tahay Lottery-ga. Sbaabta Somalida ay ugu yar yihiin ayaa lagu tilmaamay xogta ay sheegtaan oo khaldan.
Waxaad si bilaash ah oon lacag ahayn uga xaraysan kartaa website-ka wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka. Waxaa laguu ogol yahay inaad halmar xaraysato, haddii aad laba mar xarasyato kii h**e iyo kan dambaba waa la cancel garayn. Waxaa talo ahaan laguu siin inaad adigu xaraysato oo aadan ku qoran qof baa i caawiyay, hadhow haddii lagu aqbalo qofkii baa lagaa rabaa.
Shuruudaha sannadkan waa ka fududeeyay wax Baasaboor ah lagaagama baahna oo meesha waa laga saaray, baasaboor la'aan ayaad xaraysaqn kartaa. Sawirkaaga iyo ugu yaraan shahaadada iskoolka sare ayaa lagaa rabaa ama wixii kasii badan. Sidoo kale waxaa muhim ah inaad xafidato resetka aad helayso ee uu ku qoran yahay magacaaga, kan awowgaa, da'da aad dhalatay iyo confirmation numberka..
Nasiib wacan.