22/01/2025
Mudadii aan bixinayey tobobarka Cargo Logistics Operations and Customs Clearance Management, kooxdan baa hab-dhaqankeyga raad ku reebtay, ogaal iyo khibrad dheeri ahna ka korodhsaday.
Waxay ka koobnaayeen 6 qof, (labaa habeenkaa naqa maqnaa). Seddex ka mid ah waxay CEO ka yihiin shirkaddo ka tilmaaman Somaliland (Takaful Insurance, SSG Limted, East Africa Cargo and Logistics). Maadaama shaqada ay qabtaan full shift aheyd, wakhtiga tobobarka waxaan ka dhiganay marka Salaada Subax laga soo baxo ilaa 08:00 AM oo ah wakhtiga shaqadooda iyo tayda joogtada ahi bilaabmaan.
Ka sokow da'da noo dhaxeysay iyo ixtiraamka iyo qadarinta ay ii muujin jireen, waxa aan la tacajabay siday uga go'aneyd inay aqoon iyo khibrad koradhsadaan, iyagoo dhamaantood ku dedaali jiray ilaalinta wakhtiga tobobarka. Waxa intaa dheeraa, ka qeyb qaadhashadooda oo aad u sareeysay, haday tahay su'aal weydiin iyo haday tahay faalo ku darsi ku dhisan xog iyo khibrad dheeri ah oo ay ila wadaagaan, taasi oo ogaalkayga kordhisay.
Khibrad ahaan waxay ii aheyd usbuuc naftaydu tobobar adag qaadatay, maadaama ay aheyd doorkii ugu horeysay ee saacad ka hor, wakhtiga Salaada Subax aan u diyaar garoobo shaqo. Waxa kale oo aan ka bartay, da'da aad doontid ahoow, mansabka aad doonto joog in aadnad ka maarmin korodhsiga iyo kasbashadaa aqoon dheeri ah oo ku taxaluqda hawlqabadkaaga shaqee rasmiga ah ama hawlqabad dheeri ah oo soo kordhay.
fans