21/01/2026
Hargeysa — Warar maalmo ka hor Fikir Media baahisay oo aan rasmi ahayn, kana hadlayay suurtagalnimada safar qarsoodi ah oo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku tegay magaalada Davos ee dalka Switzerland, ayaa rumoobay kadib markii madaxweynuhu soo dhigay sawir muujinaya isaga oo ku sugan garoon diyaaradeed, kana ag-dhaw helikobtar nooca VIP ah oo ka diwaan gashan dalka Switzerland.
Sawirka, oo uu Cirro ku baahiyey bartiisa Facebook, wuxuu muujinayaa jawiga iyo hab-maamuuska inta badan lagu maamuuso madax ama marti heer sare ah, taas oo dhalisay su’aalo hor leh oo ku saabsan habka uu madaxweynuhu ku helay marti qaadka .
Wararkii h**e waxay tilmaamayeen in wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ay h**e ugu sugnaayeen Switzerland, halkaas oo lagu waday kulammo iyo dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo la xidhiidha aqoosiga Somaliland. Inkasta oo aanay jirin xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland, haddana sawirka la baahiyey ayaa loo arkaa caddayn dadban oo xoojinaysa jiritaanka ka qayb gal heer sare ah oo waftiga madaxweyne Cirro ku tagey Davos.
Dhinaca kale, sawirka ayaa sidoo kale loo fasirtay farriin siyaasadeed, maadaama uu muujinayo meeqaam iyo qaab u dhow kan madaxda dawladaha ee ka qayb gala shirka caalamiga ee Davos. Arrintan ayaa mar kale kicisay doodda ku saabsan sida Somaliland isugu soo bandhigayso fagaarayaasha caalamka, kadib aqoosigii ay Israel siisay Somaliland.
Fikir Media kala soco warar sugan iyo xog la hubo.
WARAR AAN RASMI AHYN: Waxa soo baxaysa suurtagalnimada safar qarsoodi ah oo Madaxweyne Cirro ku tegay Davos
Warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), laga yaabo inuu ku sugan yahay magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu ka ka furmi doono shir caalami ah.
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland ay Switzerland h**e u tageen, iyadoo lagu wado in halkaas lagu saxeexo heshiis la xiriira nabadaynta Gaza, shirarkaasi oo ay ka qaybgalayaan madax iyo siyaasiyiin caalami ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump uu isna qayb ka noqonaayo madaxda qayb gayalsa shirka Davos, isla markaana ay jirto suurtagalnimo kulan gaar ah oo u dhexeeya Madaxweyne Cirro iyo Trump, kulankaas oo la saadaalin karo in Israel ay kaalin ku leedahay isku keeniddiisa.
Inkasta oo aanay jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ama dhinacyada kale ee la tuhunsanyahay, haddana dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee soo kordhaya iyo joogitaanka wasiirrada Somaliland ee Switzerland ayaa sii xoojinaya shakiga wararkan aan sugnayn.
Fikir media kala soco wararka dambe marka ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah ama xaqiijin rasmi ah.