22/06/2024
Balli-gubadle:
Waxaa maanta magaalada balli-gubadle ee gobolka hawd gaadhay wafti wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda somaliland si ay heshay gun-gaadh news waxay ay waftigaasi ceelalyo u yihiin wafti kale oo wasiiro ah oo berri la filayo xilli qadaha inay gaadhaan xarunta gobolka hawd,waxaana waftigaa hogaaminaya wasiirka arrimaha gudaha mohamed kaahin ahmed.
Wararku waxay sheegayaan in mohamed kaahin iyo waftigiisu rabaan inay dhagax dhigaan 20km oo wadada baligubadle-hargeisa ah,20km-kaas waxay isugu jiraan 10km oo daamur ah iyo 10 km oo jid cadde,balse lama hubo inay beenoobi doonto sidii ay u beenawday balanqaadkii muuse biixi habeenkii ugu danbeeyay ololihiisa isagoo balanqaaday inuu dhamaystirayo waxaa kasoo wareegtay 7 sanno.
Waxaa xusid mudan in dadka deegaankaas ay h**e muuse biixi ula kulmeen in ka badan 10 jeer iyagoo kulamadaas dhamaantood kala hadlay dhamaystirka wadada balse uu hal mar siiyay 2km taas oo ah cad quudheed aanay ka galabsan dadka deegaanlaasi oo codkoodii ugu deeqay si hagar la'aan ah.