13/01/2025
๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐๐๐ ๐๐๐ฆ๐จ ๐๐จ๐จ๐ค๐ฌ:
Ganacsiga Waxbarashada oo Ka Sarreeya Danaha Ardayda
Shirkadda Hemo Books, oo gacanta ku haysa daabacaadda buugaagta waxbarashada ee manhajka Somaliland, waxay noqotay magac si weyn uga dhex muuqda nidaamka waxbarashada dalka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa isa soo taraya cabashooyinka bulshada ku saabsan habka ganacsiga ee shirkadda iyo saamaynta taban ee ay ku leedahay waxbarashada ardayda, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda qoysaska danyarta ah.
๐๐ข๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ฒ๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐๐ ๐ญ๐:
Heemo Books waxay sannad kasta sare u qaaddaa qiimaha buugaagta, iyadoo aan loo eegin xaaladda dhaqaale ee bulshada. Arday badan iyo waalidiin badan ayaa ku cabanaya inaysan awoodin inay iibsadaan buugaagta cusub, maadaama qiimahoodu uu noqday mid aad uga baxsan awooddooda dhaqaale. Tani waxay si gaar ah u taabanaysaa qoysaska saboolka ah, kuwaas oo dhib ku qaba bixinta kharashaadka waxbarashada ee carruurtooda.
Ma jiro wax caddeyn ah oo muujinaya sababta qiimaha buugaagta sannad walba kor ugu kacayo, marka laga reebo in shirkaddu ay u muuqato inay danaynayso faa'iido dhaqaale oo ka sarreysa mas'uuliyadda waxbarasho ee bulshada.
Dad badan ayaa qaba in shirkaddu ka weecatay ujeedadii adeegga waxbarasho, oo ay ganacsi ku beddeshay.
Qoysaska danyarta ah, oo tiradoodu badan tahay, ma awoodaan inay sannad walba carruurtooda u iibsadaan buugaag cusub, taas oo si gaar ah u saameyneysa ardayda ka socda qoysaska saboolka ah.
๐๐ฌ๐๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ ๐ญ๐๐๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐๐ ๐ญ๐:
Waxaa kale oo caado noqotay in sanad kasta la beddelo buugaagta, taasoo keentay in ardaygii h**e buugii uu ku dhigtay uuna isticmaali karin ardeyga ka dambeeya oo la badalayo
Tani waxay noqotay dhibaato weyn oo saamaysay waalidiinta, iyo ardeyda.
Ardayda cusub ayaa lagu khasbayaa inay mar walba iibsadaan buugaag cusub, taasoo aan u muuqan inay ku salaysan tahay baahi waxbarasho oo dhab ah balse ah qorshe ganacsi oo lagu uruurinayo dhaqaale.
Isbeddelkan joogtada ah wuxuu sidoo kale kicinayaa tuhun ah in shirkadda Heemo Books ay heshiisyo qarsoodi ah la gashay dugsiyada iyo macallimiinta, si loo hubiyo in ardaygu uu ku khasbanaado inuu sanad walba iibsado buugaag cusub. Haddii ay jirto arrintan oo kale, waxay noqoneysaa mid si toos ah u duminaysa mabda'a furan ee waxbarashada iyo cadaaladda bulshada.
๐๐๐๐ฆ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฌ๐ญ๐๐ช๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐:
Dhaqamada noocan ah ee shirkadda Heemo Books waxay dhaawac weyn ku yihiin tayada waxbarashada dalka.
Arday badan ayaa ku qasbanaada inay ku shaqeeyaan buugaag aan dhammeystirneyn, ama xitaa ay dugsiga ka haraan, maadaama waalidiintoodu aysan awoodin inay buugaag cusub u iibsadaan. Tani waxay keentay hoos u dhac ku yimaada fursadaha waxbarasho ee loo siman yahay, taas oo dhibaato ku noqonaysa mustaqbalka aqoonta iyo horumarka dalka.
๐๐จ๐จ๐ซ๐ค๐ ๐๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐
Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada, waa inay si degdeg ah wax uga qabato arrintan. Shirkadda Heemo Books waxay ku shaqeysaa awood gaar ah, iyadoo aan laheyn tartan rasmi ah oo lagu xakameeyo qiimaha buugaagta. Waxaa muhiim ah in Wasaaradda Waxbarashadu:
1. ๐๐๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฆ๐๐๐ซ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐ ๐๐ฅ:
Waa in la sameeyo kormeer joogto ah oo lagu hubinayo habka ganacsiga ee shirkadda, lana xaqiijiyo inaysan jirin dano gaar ah oo ka hor imanaya horumarinta waxbarashada.
2. ๐๐จ๐จ ๐๐๐๐ซ๐ญ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐๐ ๐๐ข๐ข๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐: Wasaaradda waa inay dejiso xeerar cad oo xakameynaya qiimaha buugaagta, si loo hubiyo in buugaagtu ay noqdaan kuwo la awoodi karo.
3. ๐
๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐
๐ฎ๐ซ๐ฌ๐๐๐จ ๐๐๐ซ๐ญ๐๐ง: Waa in loo oggolaadaa shirkado kale inay buugaagta manhajka soo daabacaan, si loo abuuro tartan caafimaad leh oo ka hortaga qiimaha xad-dhaafka ah.
4. ๐๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ฌ๐จ ๐๐๐๐๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐๐ฃ๐ข๐ฒ๐๐๐: Wasaaradda waa inay dhiirigeliso buugaagta elektaroonigga ah (e-books), si ardayda u helaan buugaag qiimo jaban oo waara.
Talooyin Ku Socda Hemo Books:
1. ๐๐ข๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฌ ๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ ๐:
Waa in shirkaddu tixgelisaa xaaladda dhaqaale ee bulshada, iyadoo qiimaha buugaagta ka dhigaysa mid la awoodi karo.
2. ๐๐ ๐
๐จ๐ ๐๐๐๐ ๐๐ฌ๐๐๐๐๐๐ฅ ๐๐จ๐จ๐ ๐ญ๐จ ๐๐ก:
Isbeddelka joogtada ah ee buugaagta waa in lagu sameeyaa keliya marka loo baahdo, si looga fogaado khasaaraha ku dhacaya waalidiinta iyo ardayda.
3. ๐๐ก๐ข๐ข๐ซ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐:
Shirkaddu waa inay diiradda saarto sidii ay u taageeri lahayd horumarinta waxbarashada, halkii ay u adeegsan lahayd buugaagta hab ganacsi oo kaliya.
๐๐ฎ๐ง๐๐๐ง๐๐:
Hemo Books waa shirkad fursad weyn u haysa inay wax ka beddesho waxbarashada Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, habka ay u dhaqmeyso wuxuu khatar ku yahay mustaqbalka ardayda iyo horumarka aqoonta dalka.
Xukuumadda, waalidiinta, iyo bulshada guud ahaan waa inay si wadajir ah ugu istaagaan sidii loo heli lahaa nidaam waxbarasho oo loo dhan yahay, halka shirkaddu looga baahan yahay inay beddesho hab-dhaqanka ganacsi ee bulshada saameynta taban ku leh.
Qore: Eng Ah-Nour Omer
๐๐จ๐๐ค๐ ๐ฐ๐๐๐ฅ๐ข๐๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐ ๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐