20/10/2024
Maanta waxa dunida kasocdaa maaha dhalanteed ee waa xaqiiqooyin kudhisan mabda, iyo qawaaniin ruuxiya oo hogaamiya nolosha bina,aadamka iyagoo qirsan inay kayimaadeen tafiirtii nabi aadam balse kukala tagay xaqiiqad lama huraanka u ah bud-dhigga nolosha iyo hogaankeeda, taasoo noqotay mushkilada ugu weyn ee ilmo aadam xalkeeda isku haystaan iskuna dilayaan amin walba oo timaada.
Maanta dunida waxa kajira waa laba kitaab oo ay kala hogaaninayaan suubaneheenii nebi muxumed csw oo ah diinta kaliya ee dunida kajirta xaqiiqana ah, oo u ah qof walba oo indhihiisa fura, kitaabka labaad waxa hogaaminya habaarqabaha ibliis ama shaydaan balse ogow oo maankaaga ku siihayso inaanu ilbliis lahayn kitaab qoran oo la akhriyi karo lagana dhugan karo weedho ku xadfan .
Halkaas markaynu joogno maankeenu wuxuu sawirayaa maxay tahay maanta waxa laysku dilayo,,,? Shalay wixii laysku dilay maanta miyaa laysku haystaa ,,? Mise bari ayaa xisaab lagu kala bixi doonaa,,? .
shalay, maanta iyo barriba dagaalku wuu taagnaa marxalad kasta iyo xeel walba hasoo maree waxa laysku dilayaa ee laysku haystaa ee nukliyeerada layskugu samaysay waa wasladaa yar ee aan lataaban karin ee ilaahay muslimiinta kumanaystay kuwa kalana ladoonayo inay helaan iyaguna wasladaas,
Hadaba wasladan yari way ka culuys iyo baaxad weyn tahay inta lafilayo mana jirto wax lamiisaana hadaad kor iyo hoosba u kacdo amaba samooyinka iyo dhulalka iyo badaha aynu arkaynu weynidooda
Waxaan kahadlayo waa IIMAANKA waana wax kala kaxeeyay balaayin dad ah oo asalkoodu ahaa walaalo ay dhaleen nabi aadam cs iyo hooyo xaawa, maaha fikir yari ama xaqli liita in lagu cabbiro waxa dhacaya ama horay usoo dhacay tusaale ahaan ilaahay wuxuu halaagay qoomam tiro badan oo tafiir badni iyo maaliyad badan isku darsaday kana awood iyo xajmi badnaa kuwa maanta nool .
Wixii lagu halaagay iyo noocuu ahaa maaha mid umuuqata qoomamka maanta nool, balse waxay kubadbaadeen markii nabi muxumed csw ladhex keenay ama loosoo diray, hadii kale sidii ummadihii h**e oo kale ayaa loo halaagi lahaa nabigena kahaajir ayaa la odhan lahaa, waana sababta keentay in laysku dilo kukala duwanaashaha caqiidada iyo iimaanka runta ah ee kudhisan diinta islaamka ee sida nuurka umuuqata. Dhinaca kale waxa hogaaminaya ibliis oo udajiyay xeerar iyo khiyaali uu kuluminayo in badan oo ku abtirsata bina aadamka. Faaladan kooban waxa kaliya oo aan ku tilmaamay uun waxa keenay kala duwanaashaha xaqiiqada iyo iimaanka iyadoo bin,aadamku isku ab iyo tafiir kayimid meeshana aan lagu xusin hal mar oo kaliya in layskudili jiray xoolo iyo maaltoona .
Ogow mawduucani maaha mid kooban oo erayo lagu lafaguri karo balse ubaahan taariikh dheer oo soo jirtay in lagu xuso wixii soodhacay siloo fahmi waxa dhacaya maanta iyo barri
Inta awoodeenaa waynu isku dayi doonaa in mawaadiic joogto ah kadiyaarino
Maxaa laysku dilayaa ama laysku haystaa maanta