Hani Isse

Hani Isse Xisbiga Kulmiye oo Soo Ahaa Mucaarid Mudo Dheer Wixi Ka Horreeyey 27 july 2010 Wuxu Hada Yahay Xisbi

27/04/2025

Asc guys how are you

30/08/2023

Marna qaranka how biqina somaliland 💚🤍♥️

16/06/2014

Madaxweynaha, iyo Dhamaan Madaxda Qaranka oo kulan ay maanta isugu yimaadeen ka bixiyay Dareen isku mida Difaaca iyo siday uuga go'an tahay dawlada adkaynta xuduudaheeda
Like and share plze.

12/06/2014

Say Hi To The President.

Xisbiga Kulmiye oo Maanta Guul Taariikhi ah Ka Gaadhay Khilaafkii Yara ee Soo Kala dhex Galay Madaxweynaha Iyo Guddoomiy...
07/06/2014

Xisbiga Kulmiye oo Maanta Guul Taariikhi ah Ka Gaadhay Khilaafkii Yara ee Soo Kala dhex Galay Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha Xisbiga .
Waxana Khilaafka Xaliyey Golaha Guurtida Labada Dhinacna Way Ku Qanceen Tani Waxay Quus u Tahay Intii Ku Faraxsanayd Kala Jajabka Xisbiga Kulmiye .

Wa Muhiim Wixi Tageerayaaasha Xisbiga ah Tallo ay soo Gudbiyaan.

31/05/2014

Khudbada Madaxweynaha ee Khilaafka Kulmiye.

War saxaafadeed uu soo saaray Madaxwaynaha  Md;Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo)Ayaa u dhignaa sidan soo socota:-    B...
31/05/2014

War saxaafadeed uu soo saaray Madaxwaynaha Md;Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo)
Ayaa u dhignaa sidan soo socota:-

Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Alxamdu lilaah, Wasalaatu Salaamu Calaa Rasuulu laahi.
Dhamaan waxaan salaamayaa bulshada Somaliland gudo iyo debedba, waxaan jecelahay in aan wax ka idhaahdo labo shay oo inagu cusub, kuwaas oo ah:
A) Amaanka, iyo Qaraxyada inagu soo kordhay.
B) Khilaafka Xisbiga Kulmiye
Nabadgelyadu waa shay ku qaaliya umada reer Somaliland, waxay usoo mareen dariiq dheer, waxaynu umad ahaan ku difaacnaa inagoo isku duuban, waxaynu feejigo u lahayn, oo iska illaali naynay, cadaw meel fog inooga yimaada, waxaase ayaan daro ah, in kuwii aan ammaanka u diray iyo kuwii damaca lahaa, ee dalkan inay xukumaan doonayey, laga soo sheego waxyaalo ammaanka kulidi ah, iyo inay isku dayaan in ay qarankan khalkhal geliyaan.
Waxaan leeyahay qarankan anigaa masuuliyada 1aad iga saarantahay, umma dulqaadanayo mana aqbalayo cidna gorgortan kala gelimaayo ammaanka iyo xasiloonida dalka. Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo gelinlahaa.
Khilaafka Kulmiye
Waxaa maalmahan soo baxayey khilaaf xisbiga kulmiye dhexdiisa ah, waan kaxumahay manaan filayn wakhtigan, oo waxaan u haystay in aan kala reebay intii is haysay, oo weliba guddi turxaan-bixineed u saaray, taa soo suurta gelisay in shirwaynihii loo soo gebagebeeyo siquruxbadan, waxaana halkaa lagu doortay shirgudoonkii maamulayey shirka, Hogaankii Xisbiga iyadoo layslaqaatay in Golihii dhexe iyo fulintii lagu soo ururiyo shirgudoonka shirka. Waa lagu soo ururiyey waanay soo saareen.
Hadiiba uu soobaxo is-fahmi-waa, waxay ahayd in si hoose loo dhameeyo, hogaanka xisbigu wadafadhiisto, Kaadirka xisbiga loo yeedho,Xildhibaanada la talogeliyo, hadiii taasi dhamayn waayaan xisbigu sharci buuleeyahay dalkuna sharci buu leeyahay. Buuq iyo qaylo toona looma baahnayn.
Arinta Musharaxnimada madaxweynaha ee xisbiga kulmiye ma jirto balan noo dhaxaysay aniga iyo Muuse Biixi habayaraatee, waxaa jirtay oo golaha dhexe soosaaray in aan gudoomiyaha kuwareejiyo marka aan kuguulaysto tartanka doorashada madaxweynaha, waxaanan ku wareejiyey bil-gudaheed.
Waxaa Xisbigu ii doortay musharaxa madaxweynaha waanan kuguulaystay sharciguna wuxuu I siiyey labo jeer (two terms), waan sharaxanahay diyaarbaan u ahay cidkasta oo illa tartanta.
Waxay ahaan jirtay dabeecada nidaamka dimuqraadiyadu in la tartamo balse ma dhacdo xisbi xaakin guulaystay oo xisbigiisu la tartamaa. Aniguse waxba kamaqabo.
Odayaasha Guurtida waa kumahadsanyihin dedaalka, qiimo wayna waan u hayaa, xaasha ma diidin mana diidikaro oo waxaan ahay ninkii 80 cod ay kaga kexeeyeen duco-qaado balse arintani waxay u baahantahay in xisbiga gudihiisa iyo sharcigiisa lagu daweeyo.

27/05/2014

Xisbiga Kulmiye Ha Noolaado Ha Wada Jiro

amiin

25/05/2014

Sideed u Aragtaan Iyadoo Xilku Meertayahay Casilaada uu Madaxweyne Silaanyo Casilay Wasiirkiisii Dr Maxamed cabdilahi? .
Ma mid dan u ahbaa xisbiga ?
mise waa mid sii hurineysa xaalada labada dhinac.?

17/05/2014

Page ka Xisbi xaakimka Kulmiye wuxu halkan Hanbalyo Uga Dirayaa , Munaasibada Maalinta Berrito ah ee 18 May aawadeed .
1-Madaxweynaha qaranka Somaliland iyo Xukuumadiisa
2-Dhamaanba shacbiga Somaliland Gudo iyo Debed Meel ay Joo-gaanba .
3- Gudoomiyaha iyo Kuxigeenka xisbiga , dhamaan Golaha iyo ergooyinka Xisbi xakimka Goleyaasha Qaranka , Ciidanka qaranka , Nabad Sugida , madax Dhaqamedyada Iyo cidkastoo xushmeysa Malinta Qiimaha Iyo qadarinta Inaga Mudan .
Xisbiga Kulmiye wuxu ilaahay ka baryayaa inuu bashbash , barwaaqo , horumar , sinaan iyo cadaalad iyo ictiraaf inagu gaadhsiiyo sannadkan kiisa xiga
Amiin Amiin .
Xafiiska Af-hayeenka M JSL

Address

Sacadadin
Hargeisa

Telephone

+252636740117

Website

http://www.kulmiyeparty.com/

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hani Isse posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hani Isse:

Share