28/08/2021
Wasaaraddaha H. Maaliyadda iyo H/Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ayaa si wada jir ah kulan isugu yeedhay guud ahaan Agaasimayaasha Guud, Maareeyayaasha iyo Gudoomiyayaasha Hay'addaha Dawladda. Kulankaas oo ujeedkiisu ahaa gorfaynta Doorka Ilaalinta Hantida-Raagta.
Intii ay munaasibadu socotay waxa masuuliyiinta loo soo bandhigay war-bixino ku saabsan arimahan:
1. Siyaasadda Hantida-Raagta ee Dawladda
2. Waxyaabaha ku cusub diyaarinta Miisaaniyadda Dawladda sanadka 2022-ka.
3. Waxyaabaha ku cusub ee lagu soo kordhiyey Xisaabaadka Dawladda.
Masuuliyiinta Wasaaraddaha iyo Hay'adaha Dowladda ayaa iyagana dhankooda laga dhagaystay soojeedimo door ah oo ku saabsan jidka ugu haboon ee Maaraynta Hantida-Raagta.