Daarul-sidqi academic school

Daarul-sidqi academic school Provides good quality Internet

06/01/2023

Waa ustaadMaqaayadaha Musikada ee ku dhow xaafaddaadu sidee u saameeyaan Hurdadaada? baa oo tijaawiyy luqdiisa English ka

Waa xalfadiii sanadguuradii 3aad ee skuulka daaruul zidqi accedemic school oo dhanmeestaran share your favorite holiday ...
05/11/2022

Waa xalfadiii sanadguuradii 3aad ee skuulka daaruul zidqi accedemic school oo dhanmeestaran share your favorite holiday season

29/10/2022

Ma xasuusataa ? Sidaan maku soo gaartay.

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay ma...
05/10/2022

Xikmadaha laga diiwaan geliyay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil qaar ka mid ah.

1- " Aqoonyahanku wuxuu aqoonyahan yahay markuu Rabbigiina yaqaano , Aakhirana yaqano addunkana uu isbedel ka samayn karo".
2- " Dhalasho wacan markaan leenahay taas macnaheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaaday taasi ma wax lagu farxa".
3- " Inaad noqoto qof hami leh, han leh, hiigsi leh, oo hiraal u muuqdo waa lagama marmaan".
4- " Dad baa dibadda ka qurux badan, guriga markay soo galaana bahal ah , qofka aad nolosha isku darsateen iyo caruurtaad dhashay inaad ku xumaato, dibadana nin fiican oo laga yaqano hebel la yiraahdo noqotid wax fiican ma aha".
5- " Dunida dadka isdila iyaga ugu badan reer galbeedku, meeday barwaaqaada ay sheegaayaan " ?
6- " Aqoonyahanku haduu noqdo qof la iibsan karo suldanadu iiibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha ".
7- " Gool baa la dhaliyeey maxay noloshaada ku soo kordhisay. "
8- " In Hooyo la noqdaa waxay ka Qurux badan tahay inaad noqoto injineerad ".
9- " Nin walba qabiilkiisa inta la dulmiyay buu ogyahay, laakiin se ma oga intay dulmiyeen ee aay Aakhiro u direen ".
10- " Quraanka haddii aad akhrido, qof Rabigii u waramaayo ayaad tahay bal qiyaas Rabigaa oo kula hadlaaya oo ku waramaaya ".

11- " Luuqada soomaaliyeed waa af Muslim, waa af diin iyo dadnimo ba xambaarsan ".
12- " Meesha Qiimaha leh ee u baahan inaan u shaqaysano waa Aakhiro ".
13- " Haddaad rabto dadka in caqligoodu ku aqbalo, waxa ka horeeya qalbigooda inaad furto qofkaad qalbigiisa furi kari weydana caqligiisana ma furi karaysid, qalbigana waxaa lagu furaa jacayl, naxariis iyo hadal wanagsan ".
14- " Waxa laga yaaba inad saacado badan ku bixiso iskuulka, intaad is leedahay yaad saaqidin ee waxbaro, oo ka warran maalinta qiyaame haddaad saaqido maalinta aan saaqidnimo ka weyni jirin ".
15- " Dadka kuwa ugu hantida badan
Aya ah kuwa ugu hurdada yar ".

16- " Hadday jannadu tahay meesha qofka loogu nimceenayo, caddabtuna ay tahay meesha qofka lagu ciqaabayo, Addunyaduna waxay tahay meesha qura ee laysku imtixaamayo ".
17- " Ilmaha inaad Guri uga tagto waxa ka qiimo badan inaad Diin uga tagto, inaad dhaqaalo u samayso waxa uga qiimo badan inaad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo Muslim ah. Haddii uu qof Muslim ah noqdo oo Naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isagaa raadsanaayo ".
18- " Jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatay, shaqo fiican baan helay war waad tagaysaaye waxaas oo dhan waa maalmo, maalin ama maalin badhkeed ayay nolosha oo dhan kula noqon marka qiyamaha lagu weeydiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed bad dooratay marka ".
19- "In xaafad kasta laga dhiso toddoba Masaajid oo aan qaar-kood cidi ku tukan waxaa dhaanta adoo dhisa wado dadku maro, oo ka gaadhiga wata aanu gaadhigu kaga jabin ka maskiinka ah ee lugaynaayana aanu ku dhibtoon ".
20- "Islaamnimada wax mucaarad la yidhaahdaa kuma jirto, Islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo horjeesataa waa waajib ".

WQ: ustaad baa

03/10/2022

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay halkaan kula wadaageysaa ardayda Soomaaliyeed ee rabba in ay helaan shahaadada Dugsiga sare habraaca laga doonayo ardayga ka hor inta uusan imaanin Wasaaradda Waxbarashadda.

29/09/2022

Waa qeyb kamid ah tartankii aqooneedkii ee skuulka daaruul accedemic school oo udhaxeeya labada group oo kala ah group B VS GROUP C

Daruufaha Nolaleed iyo inuusan lahayn Lixaad Dhamays tiran k**a Hor joogsan inuu Gaaro yoolkiisi ahaa Ka mid Noqoshada A...
20/09/2022

Daruufaha Nolaleed iyo inuusan lahayn Lixaad Dhamays tiran k**a Hor joogsan inuu Gaaro yoolkiisi ahaa Ka mid Noqoshada Ardayda Sanadkaaan Ka Qalin Jabinaysa Heerka Koowaad Jaamacadda...

Abdirisaaq warsame oo Labada Gacmood aay Go'an yihiin waxaan Is baranay Dhamaadka Todobaadkii H**e markaan Warbixin ka Sameenayay Qalin-jabistiisa.

Waxa wali qalbigayga ka Guuxaya Wuxuu igu
Yiri "silverow anigu Isuma Arko inaan ahay Qof Naafo ah Balse waxaan Tartan Kula Jira kuwa Lixaadka ah leh".

Abdirisaaq Maanta ayuu Dhameeyay Heerka Koowaad Ee Jaamacadda. 🎓

Hambalyo Sxb Guulayso.

Rasuulku (ﷺ) wuxuu yidhi:«Waxaa lagu soo saarayaa addoon kasta wixii uu ku dhintay.»Waxaynu u baahanahay inaynu mar wali...
20/09/2022

Rasuulku (ﷺ) wuxuu yidhi:«Waxaa lagu soo saarayaa addoon kasta wixii uu ku dhintay.»

Waxaynu u baahanahay inaynu mar waliba ilaahay khaatumo wanaagsan waydiisanno, ina dilana isaga oo innaga raali ah.
اللهم إنا نسالك حسن الخاتمه
https://t.me/XadiiskaMaanta
→Sii faafi, iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.

Maalin kasta oo qoraxdu ay kuusoo baxdo Aamin in ay tahay Deeq Alle kaaga timid ee kaga faa'iideyso Cibaado, Cilmi iyo C...
20/09/2022

Maalin kasta oo qoraxdu ay kuusoo baxdo Aamin in ay tahay Deeq Alle kaaga timid ee kaga faa'iideyso Cibaado, Cilmi iyo Camal wanaagsan.

20/09/2022

In kabadan 3kun oo arday ayaa feel ugu jira sidii ay u gali lahaayeen imtixaanka aqbalaada ee jaamacadda Umadda, runtii waa wax lagu farxo in ardaydan ay xushaan jaamacadd Umadda mustaqbalkooda ay ka dhex arkaan. Guul baan u rajeenayaa dhamaantood.

Cuntooyinka dejiya laab jeexa:Caanaha:Caanaha subagga laga saaray oo la qaboojiyay waxay yareeyaan aash*tada caloosha, w...
06/08/2022

Cuntooyinka dejiya laab jeexa:

Caanaha:

Caanaha subagga laga saaray oo la qaboojiyay waxay yareeyaan aash*tada caloosha, waana muhiim in caanaha aysan ahayn kuwa fadhiya ama suusac ah, waa in ay dhaay ahaadaan fresh ah ama caanaha gasacyada ku jiro.

Shaaha sanjabiisha leh:

Sanjabiisha qoyan waxay yareeysaa laabjeexa iyo biyaha kulul oo qofka ku soo rogmado siiba marka uu cuno cunto gaas kicisa, iska ilaali sanjabiisha qalalan taasi gaaska way kicisaa.

Mooska:

Mooska gaar ahaan midka bisil waxa uu si weyn u caawiyaa dejinta laab-jeexa. Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan maadada faybarta, taasoo calool fadhiga ka hortagto, dheedfshiidkana uroon.

Boorashka:

Cunista boorashku waxa ku dejiyaa aash*tada caloosha waana sababta loogu taliyo in subaxdii lagu quraacdo boorash. Boorashku wuxuu nuugaa aash*tada caloosha.

Babaayga:

Babaaygu caloosha ayuu jilciyaa, laabjeexana wuu yareeyaa, dhiifshiidkana aad ayuu ugu roonyahay.

Fennel seeds)
Waa geed u eg xawaash dhuudhuubka balse wuu ka duwan yahay, Waxa uu uroon yahay dheefshiidka, dhowr xabbo oo fennel seeds ah oo la calaaliyo cuntada kadib si weyn ayay u caawisaa dejinta laab-jeexa.

Ukunta qaybta cad:

Ukunta qaybta iyadana waxay uroon tahay laabjeexa, iska ilaali qaybta jaallaha ama huruudda

Address

Jamuuriyo
Mogadisho
NO

Telephone

+252612437390

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daarul-sidqi academic school posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Daarul-sidqi academic school:

Share