13/10/2025
Macalinkii sharciga ayaa fasalka soo galay, wuxuu istaajiyay mid kamida ardadii fasalka sharciga wuxuuna weydiiyay " magacaa ?
Ardaygii ayaa magaciisa u sheegay balse macalinkii inta xanaaqay ayuu ku yiri ardaygii "ka bax fasalka".
Ardaygii waa uu diiday sababtoo ah wax qalad ah oo uu galay ma jirin, balse macalinkii oo go,aan kiisa ku adkeystay darteed ugu dambeyn ardaygii waa uu ka baxay fasalkii.
Macalinkii ayaa xiisadii sii watay waxa uuna ardadii u istaajiyay mid mid isaga oo weydiinaya " waa maxay Sharci? "
Ardadii ayaa jawaabo kala duwan ka bixiyay side 1. Sharci waa kala dambeyn 2. Sharci waa xaqsiinta qofka mudan 3. Sharci waa in aan la isku awood sheegan oo uu jiraa wax dadka kala saara.
Markii ey ardadii dhameeyeen jawaabihii ayuu macalinkii ku yiri " oo hadey sidaa tahay aniga iyo ardaygii aan bixiyay yaa qaldanaa ?"
Adiga ayey ku yiraahdeen ardadii. Macalinkii ayaa ku yiri oo maxaad uga aamusteen oo aad sharciga u fulin weyseen, ma waxey idinla tahay in sharcigu isagu iswadayo hadii aad gacmaha ka laabataan idinkoo arka dhibta ?
Macalinkii ayaa ardaygii baxay dib u soo galiyay fasalkii, una cudur daartay. wuxuuna ku yiri ardadii " xiisada maanta intaa ayey ku saabsaneyd sidaas ayaadna Chapter-kaas ku qabtaan