06/08/2026
26AI Advisory
BAAQ KU AADDAN XIL ISKA SAARISTA U ADEEGSIGA GARAAD GACMEED (AI) UJEEDDO GANACSI IYO MID ADEEG BIXIN AH
Ref. 26AI/st/001
Agoosto 06, 2026
Waxa aynu ku baaqaynaa in marnaba aan lagu degdegin dhisidda ablikeyshanada garaad gacmeedka ah (ai apps) iyo kuwa curiyayaasha ah (ai chatbots) iyada oo aan mas'uuliyad gaar ah la iska saarin khataraha ku gadaaman. Su'aalna la iska weyddiinin sababta iyo ujeeddada loo sameynayo marka h**e. Si kale u dhig, muxuu faa'iido ah oo uu soo kordhinayaa ama dhibaato ah oo uu xalin karaa? Sidoo kale, inta aan la bilaabin ka hor waa in la hubiyo in ay diyaar yihiin dukumintiyada muhiimka ah ee la'aantood aan wax talaabo ah horay loo qaadi karin (AIG docs).
Dhanka kale, waxa aynu baaqaan ku caddaynaynaa in aan u taagannahay sidee loo heli lahaa garaad gacmeed mas'uuliyad leh, toosan, amaan ah, khatartiisu la yareeyey, laguna kalsoonaan karo. Waxa aynu si weyn u soo dhoweynaynaa dadaallada loogu jiro sidii looga faa'ideysan lahaa garaad gacmeedka iyada oo shirkadaha ganacsiga, isbitaalada, xarumaha cilmibaarista, jaamacadaha, iyo hay'adaha dowliga ah ay adeegyadooda u isticmaali karaan, dhex galin karaan ama si gooni ah u sameysan karaan garaad gacmeedka. Shaki la'aan, hal-abuurka noocan ah wuxuu fursad u yahay horumarinta adeegyada bulsho laakiin waa in uu la socdaa mas'uuliyad, xakameyn, daahfurnaan, ilaalinta xogeed, badqabka, iyo islaxisaabtan.
Hadafkeennu waa in la helo garaad gacmeed xilkas ah, dadka iyo dalkana faa'iido u leh.