05/02/2022
Maxaa Ka dhaxeeya Qofka Faqiirka ah, Qofka Taajirka ah, iyo Bangiga. ?
Waxaa ka dhaxeeya Arimahan soo socda.
1- Bangigu waa dilaal u dhaxeeya Faqiiriinta iyo taajiriinta.
2- Meesha kaliya ee ay labada qof ku kulmaan waa bangiga.
3- Faqiirka ayaa keena lacagta, qaab lacag badbaadin ah isagoo ku kaydsanaya Bangiga.
4- Taajirku wuxuu qaadanayaa lacagtii uu qofka Miskiinku kaydsaday, isagoo Sifo Amaah ku qaadanaya.
5- Qofka saboolka ah wuxuu keydsadaa lacagta maxaa yeelay waxay leeyihiin lacag ka badan awooda fikirkooda.
6- Dadka Faqiirka ah, Waxay lacagta ku daystaan bangiga si ay uga fakaraan waxa loo isticmaali doono lacagtii ay keydsadeen.
7- Dhinaca kale, dadka hodanka ah waxay u yimaadaan inay lacagtaas qaataan, iyagoo amaah ah, maxaa yeelay waxay leeyihiin figrado ka badan lacagta ay haystaan.
8- Dhinac macquul ah, fadlan yaa i tusi kara hal bilyaneer oo hodan ku ah keydinta.
9- Waxaan ku tusi doonaa hal milyan oo Afrikaan ah, oo lacag ku keydsada bangiyada isla markaana weli ku jira Guri kiro ah, oo uu dhisay nin taajir ah isagoo ku dhisay lacagtii uu bangiga ka amaahday ee ay lahaayeen Masaakiinta uu gurayaha ka kireeyay. (Qofkan miskiinka ah wuxuu kiro ugu jira guri lacagtiisii lagu dhisay).
10- Waxaan hadda ogaaday in kaydinta iyo danaha ugu fiican laga helo maalgashi ee maahan keydin.
11- Lacagtaada khatar gali, micnaha maalgalin kusamee, hadii aad ku guuldareysato waxay kuu noqon barasho, Laakiin hadaad ku guuleysato waxaad tusaale fiican u noqon doontaa dadka kale.
12- Ceebta kaliya ee ay tahay inaad ka fogaato waa inaad ceeb leedahay.
13- Waa inaad ogaataa in dhamaan Milyaneerada iyo Bilyaneerka aad maanta aragto ay mar uun Bilaabeen.
Fikirkan Qaado Ama Fasax Xulashada WAA XAGGAAGA.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Waxaa soo Turjumay Fuad Mumin