10/05/2021
Ilaahay quraankiisa waxa uu ku yiri " لا يكلف الله نفسا إلا وسعها". Oo micnaheedu yahay "Eebe naf ma dhibaateeyo, ilaa uu og yahay naftaani inay dhibtaan iska xalin karto.
Reer falastiin rabbigooda ayaa imtixaamaya isaga oo og in ay awood uleeyihiin oo ay iska xalin karaan, wayna xalin doonaan insha allaah. Balse dadka imtixaanka dhabta ah haysto waa annaga.
Dad diin nala wadaaga ayaa yuhuud ku tumanaysaa anaguna waan ku fiirsanay, dal dhan ayaa qaarada caalamka laga tirtiray waan ka aamusnay, dumarkoodii ayaa la kufsaday oo la tacdiibiyay waan ka aamusnay. Xalay ayayse u darnayd!
Qibladii ugu horraysay ee Islaamka, ahna goobtii laga dheelmiyay rasuulkeena SCW habeenkii laylatul israa' wal micraaj, ahna meesha kaliya ee ilaahay ku tilmaamay goob barakaysan marka laga soo tago Kacbada, ahna halkii ay anbiyada oo dhan ku tukadeen salaada iyada oo nabi Muxammad SCW imaam u yahay, ahna halka ay malaaigtu ku tukato iyaga oo saacad waliba isku badalaya, ayaa xalay iyada oo 27 bisha ramadaan ay tahay (habeenada laylatul qadrigu ku aadan yahay) waxaa misaajidka fadligaas leh kabahooda lasoo galay Yuhuud oo ah cadwagii islaamka, ahna cadowgii ambiyada ilaahay dili jiray, ahna nimanka aduunkaan oo dhan xumaanta iyo fasahaadka ubadan ka abuuray. Kilaab ayaa xalay masjidkii barakaysnaa ku xadgudubtay, adiguna waad ka aamusaysaa.
Aaway damiirkii? Aaway islaamnimadii? Aaway qadiyadii iyo jacaylki Masjidul Aqsa? Ma reer falastiin kaliyaa ayaa leh masjidul aqsa mise waa Masaajid Islaam? Hadii aadan dhiig u daadinayn oo aad awood ulahayn inaad jihaadkaas ka qaybgasho, midka afka ah gal oo uducee reer falasdiin ummada islaamka ahna kici.