Atlants Research & Consultancy

  • Home
  • Atlants Research & Consultancy

Atlants Research & Consultancy "Transforming Ideas into Action"

04/06/2026
๐‘ซ๐’‰๐’‚๐’๐’Š๐’๐’š๐’‚๐’“๐’‚๐’๐’Š๐’Ž๐’‚๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘พ๐’‚๐’’๐’•๐’Š๐’ˆ๐’‚Dhalinyaranimadu waa marxalad nolosha ka mid ah oo qofku leeyahay awood, firfircooni, iyo ra...
27/03/2026

๐‘ซ๐’‰๐’‚๐’๐’Š๐’๐’š๐’‚๐’“๐’‚๐’๐’Š๐’Ž๐’‚๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘พ๐’‚๐’’๐’•๐’Š๐’ˆ๐’‚

Dhalinyaranimadu waa marxalad nolosha ka mid ah oo qofku leeyahay awood, firfircooni, iyo rajo badan.
Waa waqtiga ugu habboon ee lagu baran karo aqoon cusub, lagu dhisi karo xirfado, lagu gaari karo himilooyin nololeed.

Waqtigu waa kheyraad aan dib loo soo celin karin sidaa darteed, dhalinyaradu haddii ay waqtigooda si wanaagsan u maareeyaan waxay gaari karaan guulo waaweyn oo mustaqbalka ah.

Fursadaha Dhalinyarada

Dhalinyaradu waxay leeyihiin fursado badan,
sida:
โ— Waxbarashada
โ— Jaamacado
โ— Tababaro, iyo
โ— Koorsooyin online ah.

Shaqo iyo Ganacsi: sida abuurista ganacsi yar (entrepreneurship) ama iney shaqo raadiyaan

Teknoolojiyada:
Internet-ka oo isaguna fududeeyay helitaanka aqoonta iyo fursadaha shaqooyinka.

Is-dhexgal Bulsho:
Ka qeyb qaadashada horumarinta bulshada fursadahaan waxay noqon karaan jid lagu gaaro horumar haddii si sax ah looga faaโ€™iidaysto.

Dadaalka (Hard Work)

Fursad kasta waxay u baahan tahay dadaal si loo gaaro natiijo, qofka waa inuu yeeshaa himilo cad (goals)
Dadaalka waa inuu noqdaa mid joogto ah (consistency)
Waa inuu xoojiyaa samirka iyo adkeysiga

Caqabadaha Dhalinyarada.

Dhalinyaradu waxay la kulmaan caqabado kala duwan sida
โ—Shaqo laโ€™aan
โ—Fursado xadidan
โ—Cadaadis bulsho iyo mid dhaqaale
โ—Isticmaalka waqtiga oo aan habooneyn (time mismanagement)
โ—Saameynta xun ee saaxiibada ama warbaahinta.

Caqabadahan waxay dib u dhigi karaan horumarka haddii aan si sax ah loo maareyn.

Sida looga gudbi karo caqabadaha

1- In la yeesho yoolal cad
2- In la barto xirfado cusub
3- In la sameeyo qorshe nololeed (planning)
4- In la raadiyo lataliye (mentor)
5- In laga fogaado waxyaabaha waqtiga luminaya

Ugu dambeyn Dhalinyaranimadu waa fursad dahabi ah oo aan soo laaban, qofka dhalinyarada ah haddii uu waqtigiisa si fiican u isticmaalo, dadaalna sameeyo, wuxuu ka gudbi karaa caqabadaha wuxuuna gaari karaa guul weyn.
Mustaqbalka qofka maanta dhalinyarada ah wuxuu ku xiran yahay sida uu maanta u maareeyo waqtigiisa iyo fursadaha uu haysto.

Jumco wanaagsan.

W/Q: Mumin Rage Ahmed.

๐™Ž๐™–๐™–๐™ข๐™š๐™ฎ๐™ฃ๐™ฉ๐™– ๐™™๐™๐™–๐™ฆ๐™–๐™–๐™ก๐™š ๐™š๐™š ๐™™๐™–๐™œ๐™–๐™–๐™ก๐™ ๐™– ๐˜ฝ๐™–๐™ง๐™ž๐™œ๐™– ๐˜ฟ๐™๐™š๐™ญ๐™šSabti 28-2026 markii uu bilowday dagaal duqeyn ah oo Mareykanka iyo Israel oo...
05/03/2026

๐™Ž๐™–๐™–๐™ข๐™š๐™ฎ๐™ฃ๐™ฉ๐™– ๐™™๐™๐™–๐™ฆ๐™–๐™–๐™ก๐™š ๐™š๐™š ๐™™๐™–๐™œ๐™–๐™–๐™ก๐™ ๐™– ๐˜ฝ๐™–๐™ง๐™ž๐™œ๐™– ๐˜ฟ๐™๐™š๐™ญ๐™š

Sabti 28-2026 markii uu bilowday dagaal duqeyn ah oo Mareykanka iyo Israel oo wadajira aay ku qaadeen dalka Iran waxa jira qasaaro baaxad leh oo naf, hanti iyo dhaqaale farabadan galaaftay.

Dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ma aha oo kaliya inuu galaaftay nolosha dhowr qof ee sidoo kale waxa ku gubanaya lacago farabadan oo aan la qiyaasi karin.

Sida laga soo xigtay xog aay soo ururisay Anadolu 24-kii saacadood ee ugu h**eeyay weerarada lagu qaaday Iiraan Mareykanku wuxuu ku kharash gareeyay qiyaastii $779 milyan.

Ha isbuuc oo dagaalku socdo khubaradu waxay qiyaasayaan in wadarta kharashka uu yahay $210 Billion hadii dagaalku sii socda waxa la qiyaasayaa qarash dhan 22 trillion xigasho (Financial Express)

Dagaalada ka socda Bariga Dhexe wuxuu saameyn weyn ku yeesheen dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan kuwa soo dagsado shidaalka (Importers) sida France, Italy, Spain, China, Japan, India, Kenya, Ethopia iyo Soomaaliya.

Wadamadii ugu shidaal soo saarka badnaa Bariga Dhexe sida Iran, Iraq iyo Saudi Arabia waxa si toos ah u saameeyay dagaalka.
Sidoo kale dowladda Iran ayaa ku dhawaaqday in aay xirtay Strait of Hormuz oo ah marin biyood aad muhiim ugu ah dalal badan iyo ganacsiga caalamka.
Qiimaha shidaalka aduunka ayaa 15% kor u kacay cabsi ah in maraakiibta shidaalka aysan mari karin marin biyoodka Strait of Hormuz.

Tani waxay sababtay sicir barar iyo inuu hoos u dhac ku yimid ganacsiga caalamka.

Qiimaha shidaalka ayaa kordhay sababtoo ah soo saarista shidaalka (Oil Production) ayaa yaraaday. Sidoo kale waxa kordhay qiimaha cuntada, gaadiidka, maraakiibta iyo badeecadaha.

Wadamada soo dhoofsada shidaalka sida
Europian Union, China, Japan, India, Kenya, Ethopia iyo Soomaaliya ayuu qiimaha shidaalka si deg deg ah sare ugu kacay.

Hadii dagaalka Bariga Dhexe sii socdo marinka Hormuz uu hakadkiisa kujiro wadamada soo dhoofsada shidaalka waxa la filayaa in qiimaha shidaalka caalamka uu gaaro koror ah 30%.

Magaalada Muqdisho ayaa durba laga dareemay sare u kac qiimaha shidaalka ah.

dagaalka Bariga dhexe kahor qiimaha shidaalka magaalada Muqdisho wuxuu ahaa $0.65 lkn maanta oo ah 5-3-2026 qiimaha shidaalka Magaalada waa $1.2 sida uu ii xaqiijiyay darawal mooto Bajaajle ah.

Tan ayaa ka dhigan in qiimihii h**e lagu kordhiyay lacag gaareysaa $0.55.

Ugu dambeyn ma muuqato wax wada hadal ama xabad joojin ah oo laga dhex sameyay dagaalka u dhaxeeya Isreal iyo Mareykanka oo isku dhinac ah iyo Iran

W/Q: Mumin Rage Ahmed.
Agaasimaha Xarunta Atlants Research & Consultancy

Somalia oo aan ka soo muuqan liiska Awooda hal abuurka iyo Hal- Abuurnimada aduunka.Global Innovation Index (GII).GII wa...
17/12/2025

Somalia oo aan ka soo muuqan liiska Awooda hal abuurka iyo Hal- Abuurnimada aduunka.

Global Innovation Index (GII).

GII waa warbixin sanadle ah oo ay soo saarto World Intellectual Property Organization (WIPO) si loo qiimeeyo awoodda hal-abuurka iyo hal-abuurnimada dalalka aduunka.

Waxay ku salaysan tahay qiyaas kala duwan oo ay ka mid yihiin Cilmi-baarista iyo horumarka (R&D), wax soo saarka teknoolijoyada, koboca ganacsiga, waxbarashada iyo waxyaabo kale oo la xiriira hal-abuurka.
Dalalka waxa laga qiimeeyaa in ka badan 70 tilmaamood (indicators) waxaana ku jira dalal gaaraya ilaa 139 dal sanadka 2025.

Sida lagu sheegay kala sareynta warbixinta GII 2025 waa sida soo socoto.

1- ๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ญ Switzerland
2- ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ช Sweden
3- ๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ธ United States
4- ๐Ÿ‡ฐ๐Ÿ‡ท Republic of Korea
5- ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ฌ Singapore
dalal kale oo aay kamid yihiin UK, Finland, Netherlands iyo China ayaa ku jira Top-10.

๐Ÿ‡ช๐Ÿ‡น Ethiopia ayaa sanadkaan sii dhamaanaya ee 2025 ka soo muuqatay liiska iyadoo gashay kaalinta 134'aad ee wadamada dunida oo waxa ka h**eeya 133 dal.

Ethiopia ayaa la sheegay iney xoojisay wax soo saarka hal-abuur (outputs) balse maalgashiga (inputs) ayaa wali hooseeya.

๐Ÿ‡ฐ๐Ÿ‡ช Kenya ayaa sanadkaan 2025 kujirto liiska GII 2025, iyadoo gashay kaalinta 102 ee dalalka aduunka

Sababaha keenay Somalia iney zero Innovation tahay ayaa lagu sheegay.
Xog la'aan (Data Availability)
Majiraan hey'ado ama Wazaarado sameeyo Cilmi baaris iyo hal abuur.
Low investment ku saabsan Cilmi baaris iyo teknoolijiyada.
Amni iyo xasilooni daro

Mumin Rage Ahmed

21-ka November sanad kasta waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa maalinta Macalinka Soomaaliyeed, oo ah maalin lagu qiimeeyo...
20/11/2025

21-ka November sanad kasta waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa maalinta Macalinka Soomaaliyeed, oo ah maalin lagu qiimeeyo doorka Macalimiintu ku leeyihiin horumarinta Bulshada iyo dhisidda mustaqbalka jiilka soo koraya.

Hambalyo macalimiinta Soomaaliyeed.

Waa maxay Cilmi-Baaris?Cilmi-Baaris waxa loola jeedaa raadinta aqoonta.Sidoo kale cilmi baarista waxa lagu qeexi karaa b...
07/10/2025

Waa maxay Cilmi-Baaris?

Cilmi-Baaris waxa loola jeedaa raadinta aqoonta.

Sidoo kale cilmi baarista waxa lagu qeexi karaa baaritaan cilmiyaysan, habaysan oo lagu raadinayo macluumaad ku saabsan mawduuc gaar ah (Specific topic).

Dhab ahaantii, cilmi-baaristu waafanka baaritaanka sayniska.

Qaamuuska Sare ee Ingiriisiga Hadda wuxuu dhigayaaIn macnaha Cilmi-baaristu tahay "baaritaan taxaddar leh ama baaritaan gaar ah iyada oo laga raadinayo xaqiiqooyin cusub Branch kas kasta oo aqoon ah.โ€

Redman iyo Mory waxay ku qeexeen cilmi-baarista inay tahay "dadaal habaysan oo lagu heloaqoon cusub waana howl tacliineed

Clifford Woody oo ahaa Educational psychologist u dhashay dalka mareykan oo gacan weyn ka geystay fahamka habka cilmi-baarista, isaga oo qeexaya wuxuu yiri cilmi baaristu waa hab iyo hanaan habeysan oo lagu qeexo dhibaatooyinka, ururinta, abaabulka & qiimeynta xogta iyo in ugu dambeynta si taxadar leh loo tijaabiyo.

Marka la soo koobo Cilmi baaris waa in la raadiyo aqoon iyada oo loo marayo ujeedo iyo hab nidaamsan (Objective and Systematic method) iyo xal u helida mushkiladda (Finding solutions to a problem).

Mararka qaar Cilmi-baarista waxa loo tiiriyaa dhaqdhaqaaq ka imaanayo wax la yaqaan (Known) ilaaWax aan la garanayn (Uknown)

Cilmi - baaris waxa loola jeedadaa in si cad oo qeexan loo sheego dhibaatad, Soo ururinta xaqiiqooyinka iyo falanqayntaXogta ilaa gabagabada.

W/Q: Mumin Rage Ahmed Agaasimaha fulinta xarunta Atlants Research & Consultancy

Horumarka Nolosha Noloshu ma ahan mid sahlan, hadafka nolosha hadii aadan fahmin si kasta oo aad u dadaasho, u halganto ...
13/08/2025

Horumarka Nolosha

Noloshu ma ahan mid sahlan, hadafka nolosha hadii aadan fahmin si kasta oo aad u dadaasho, u halganto daal ayaad ka kororsaneysaa.

Nolosha hadaf ka yeelo kadib sidii aad hadafkaas u gaari lahayd halgan u gal waayo hadii uusan halgan jirin horumar majiro.

Ninka sawirkiisa hoos idinkaga muuqdo waa Usain Bolt oo udhashay Dalka Jamaica wuxuu yiri waxan tababaranayay 4 sano si aan u ordo 9 Seconds dadka qaarna 2 bil hadey natiijo fiican gaari waayaan waa is dhiibayaan.

Tababar waqti dheer ah kadib Bolt wuxuu 8 jeer ku guuleystay Olympic Gold Medalist iyo World record holder 100, 200 4ร—100 metres relay.

Dad badan oo han iyo hami fog leh ayey riyadoodu tahay iney gaaraan guul deg deg ah oo hadey heli waayaan h**e ka niyad jabo.

Waxyaabaha wanaagsan waqti ayey qaataan ( Good things take time).

Hadaba Hadafka Nolosha Qofka Muslimka ah waa inuu noqdaa Janno, qofkii Naar ka badbaado ee Janno helo ayaa gaaray guusha dhabta ah.

Halgan, Dadaal, Adkeysi, Samir, Dulqaad iyo Wadadii Nebi Mohamed CS oo la raaco ayaa lagu gaaraa guusha aduun iyo Aaqriba.

W/Q: Agaasimaha Atlants Research & Consultancy (Mumin Rage Ahmed)

๐Œ๐€๐‘๐Š๐„๐“๐ˆ๐๐† & ๐’๐€๐‹๐„๐’Suuqgeynta iyo iibinta waa labo shaqo ganacsi oo kala duwan lkn inta badan dadku ma kala yaqaanaan.๐Ÿ›‘ Su...
12/08/2025

๐Œ๐€๐‘๐Š๐„๐“๐ˆ๐๐† & ๐’๐€๐‹๐„๐’

Suuqgeynta iyo iibinta waa labo shaqo ganacsi oo kala duwan lkn inta badan dadku ma kala yaqaanaan.

๐Ÿ›‘ Suuqgeyntu waa marka h**e in la fahmo baahiyaha macaamiisha, in la sameeyo wacyigelin ku saabsan badeecadaha iyo adeegyada aay bixiyaan Shirkadaha.
Suuqgeynta waxay u baahan tahay in cilmi baaris lagu sameeyo suuqa, badeecada la hormariyo, sumad (Brand), xayeysiin iyo in si toos ah Bulshada loola xiriiro si loo helo macamiil farabadan.

Ujeedada suuqgeyntu waa in badeecadaha iyo adeegyada shirkada yaalo loo abuuro baahi ( Demand) waayo hadii Bulshadu aaysan u baahneyn badeecadaada suuq uma heleysid.

๐Ÿ›‘ IIBKA: Dhanka kale Iibku waxa uu diiradda saarayaa in wixii uu suuqgeeyaha soo qabtay uu si sax ah wax uga iibiyo.
Iibka waa in isdhexgal lala yeesho macaamiisha si loogu qanciyo iney iibsadaan badeecada ama adeega. Waa xiriir one way Comummincation ah lala yeesho macaamiisha suurtagalka ah si loogu qanciyo inay iibsadaan alaabta ama adeegga.
Kooxda iibka waxay ka shaqeysaa sidii ay doonista kala dhalatay suuqgeynta ugu badali lahayd iibsasho dhabta.

Iibka wuxuu u baahan yahay isgaarsiin toos ah, gorgortan iyo dhisidda xiriirka macaamiisha (Customer relationahip)

Hadafka koowaad ee iibku waa in la helo wax kala iibsi, waa yool cad oo ganacsi aad u dejisay si loo abuuro daqli (Revenue) iyo siduu kobci lahaa.

Hadaba ujeedada qoraalkaan waa in la kala fahmo Sales iyo Marketing waayo waxad arkeysaa Shirkad Suuqgeyn qarash badan ku bixineyso lkn kuwa iibka ujoogo yihiin kuwa ku liita qancinta macaamiisha.

Mararka qaar suuqgeeyaha wuxuu kuu sheego wax ka duwan ayaad ugu tageysaa iibiyaha (Sales Person) taas oo keenta in laga aamin baxo alaabta iyo shirkadaba.

MARKETING IS NOT SALES!!!

W/Q: Mumin Rage Ahmed

Agaasimaha Xarunta Atlants Research & Consultancy Mr. Mumin Rage Ahmed ayaa ka mid ah Aqoonyahanada iyo Cilmibaarayaasha...
06/07/2025

Agaasimaha Xarunta Atlants Research & Consultancy Mr. Mumin Rage Ahmed ayaa ka mid ah Aqoonyahanada iyo Cilmibaarayaasha lagu casuumay Bandhiga 3'aad ee Dhaqaalaha iyo Culuumta Aadanaha ๐Ÿ‘'๐ซ๐ ๐‚๐จ๐ง๐Ÿ๐ž๐ซ๐ž๐ง๐œ๐ž ๐จ๐ง ๐๐ฎ๐ฌ๐ข๐ง๐ž๐ฌ๐ฌ ๐€๐๐ฆ๐ข๐ง๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐š๐ง๐ ๐‡๐ฎ๐ฆ๐š๐ง๐ข๐ญ๐ข๐ž๐ฌ oo aay soo qaban qaabisay ๐”๐ง๐ข๐ฏ๐ž๐ซ๐ฌ๐ข๐ญ๐ฒ ๐จ๐Ÿ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š (๐”๐๐ˆ๐’๐Ž).

Shirkaan oo lagu qabanayo Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigayaa Cilmi - Baarisyo wax ku ool ah.

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ ๐Ÿญ'๐—ฑ๐—ฎ ๐—Ÿ๐˜‚๐˜‚๐—น๐˜†๐—ผXarunta Atlants Research & Consultancy waxay shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeyneysaa munaasabadda ...
01/07/2025

๐—›๐—ฎ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜†๐—ผ ๐Ÿญ'๐—ฑ๐—ฎ ๐—Ÿ๐˜‚๐˜‚๐—น๐˜†๐—ผ

Xarunta Atlants Research & Consultancy waxay shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeyneysaa munaasabadda qaran ee 1-da Luulyo oo ah maalinta xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed.

Sanad guurada 65-aad waa maalin qaran oo ku weyn quluubteena waa maalin na xasuusineysa Midnimo, Waddaniyad, Halgan, Xoriyad iyo Gobanimo.

Address

Makka Al-Mukkarama Road Adani Tower

Telephone

+252617700508

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Atlants Research & Consultancy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Atlants Research & Consultancy:

  • Want your business to be the top-listed Business?

Share