Amaana Online Market

Amaana Online Market AMAANA ONLINE MARKET, WAA SHIRKAD ONLINE AH TAAS OO IIBISA NUUCYADA KALA DUWAN EE ELECTRONICS KA.

Waxaan umadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeynayaa munaasabadda qiimaha badan ee Ciiddul-Adxa.تقبل...
27/06/2023

Waxaan umadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeynayaa munaasabadda qiimaha badan ee Ciiddul-Adxa.
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال

24/06/2023
NEW ARRIVALSMacamiil alabtaan iyo kuwa badan oo tayadooda la hubiyay ayaa diyaar kuugu ah Store-keena MuqdishoHADDA DALB...
24/06/2023

NEW ARRIVALS
Macamiil alabtaan iyo kuwa badan oo tayadooda la hubiyay ayaa diyaar kuugu ah Store-keena Muqdisho
HADDA DALBO OO HEL
📞61 3902150
Amaana Online Market

Macamiil Waxa aan Idin keenay Dalab cusub kaas oo ah Oil Press Machine,aad si fudud ugu shiidan karto Saliid Macsarada,X...
03/06/2023

Macamiil Waxa aan Idin keenay Dalab cusub kaas oo ah Oil Press Machine,aad si fudud ugu shiidan karto Saliid Macsarada,Xabasowda,Looska Iyo Saliidaha Timaha.

DAY TWENT-NINE:✅Jaabir alle haka rali noqde wuxuu dhahay.Waan xaadiray rasuulka alle la jirkiisa scw maalin ciid ah,wuu ...
20/04/2023

DAY TWENT-NINE:✅

Jaabir alle haka rali noqde wuxuu dhahay.
Waan xaadiray rasuulka alle la jirkiisa scw maalin ciid ah,wuu bilaabay nabiga scw salaadii qudbada ka hor,Aadan la,aan io Aqim la,aan.ka dib wuu istagay rasuulk scw asigo cuskan bilaal,waa uu amray dadkii alle ka cabsi,waa uuna ku booriyay ilaahey in ay adeecan,dadkii ayuu wacdiyay,allah io akhiro ayuu xasuusiyay,markaas ka dib nabiga waa uu socday illa uu uyimiday Haweenka,waa wacdiyay dumarkii,alle ayuna xasuusiyay, markaas ayuu dhahay nabiga Scw.

Kullankii dumarkow,wax sadaqeysta, adinku waa dumarkee naarta jahanamo xaabadeeda kuwo u badan baad tihiine,sadaqeysta oo wax la baxa,naarta waxyaabaha la isaga xijaabo waxaa ugu weyn sadaqada.
Waxaa istaagtay gabar dumarka dhexdooda ku sugneed dhabanadeedane/labadeeda daan ay madow yihiin,waxey tiri: Cillada waa maxay aan naarta ugu badanay ayey weydiisay rasuulka scw.?

Nabiga scw waxa uu dhahay: adinku waa dumarkee waxaad badisaan cabashada,waxaad ka abaal dhacdaan sowjkiinii iyo ninkii idinla noolaana waad ka abaal dhacdaan,cabashadiinii io in aad wax uun shegatan ayaa idinku badan,abaal dhacista qofka wanaaga kuu galo oo aad dafirto waxyabaha narta lagu galo waaye rag io dumarba.Jaabir wuxuu dhahay: dumarkii waxey bilaben in ay sadaqestan billadahooda,ayago ku tuuraya marada bilaal dhagahooda io farantiyadooda.

DAY TWENT-EIGHT:✅Ina cumar alle haka rali noqdee waxaa laga wariyay.Rasuulka scw waxa uu waajibiyay, zakatul-Fidriga,saa...
19/04/2023

DAY TWENT-EIGHT:✅

Ina cumar alle haka rali noqdee waxaa laga wariyay.
Rasuulka scw waxa uu waajibiyay, zakatul-Fidriga,saac timir ah ama saac shaciir ah,waxeyna ku waajibta qof kasto oo Muslim ah adoon ah ,xur,Rag,Dumar,Saqiir,iyoQof weyn.

NB: Waxa ay ku waajibta qof walba oo habenka ciida io maalinta ciida waxa uu cuni lahaa wax ka badan heysto.waxaa la bixinaya ka hor inta aan la dukanin salada ciida. Waxaane la bixinaya rashinka balladkaas laga isticmalo oo ay dadku ubadanyihiin. Annagane booskaas bariiska ayaa inoo taagan.

Xigmada ku jirta nabiga ayaa ino shegay scw: ruuxi soomana qasab ramadankiisa wax baa galay,oo gafaf waa ay ka dhacayaan, hadal xun ama ficil xun ah, illen bani adam ayaa nahaye,waxyabahas ayey ka dahireysaa, Masaakiintane quud bey u tahay oo malintaas ay dadku faraxsanyihin ayaa la rabaa in ay masakinta ka qeyb gallaan farxadaas.
Waxa la bixinaayo waa laba kiilo io bar cunto ah. (2.5KG).saacu waa afar mud, halkii mudne waa labadaada sacab oo buuxa.

DAY TWENT-SEVEN:✅Abii ayuub Al-Ansaari alle haka rali noqdee waxaa laga wariyay: Rasuulka Scw waxa uu dhahay.Qofkii soom...
18/04/2023

DAY TWENT-SEVEN:✅

Abii ayuub Al-Ansaari alle haka rali noqdee waxaa laga wariyay:
Rasuulka Scw waxa uu dhahay.

Qofkii sooma Ramadan ka dibne raacsiiya Lix maalin oo bisha Shawaal ah ama waddacada sida aad u taqaanaan,waxa uu la mid yahay qof sanad oo dhan soomay.Lixdaas maalin laguma cayimin oo isku xiji laguma oran lkn bisha shawaal lix maalin waa in aad ka sonta ama gadal ka dhigo ame h**e ka dhigo.
NB: Gabdhaha fursad ayaa halkaan ugu jirta gabadhii soon lagu lahaa, bishaan shawaal ha iska gudo soonka. waa laba fursad oo qaali ah. Waajibkii oo aad iska guday io wadacii oo aad soontay.

DAY TWENT-SIX:✅Zayid binu khalid alle haka rali noqdee waxaa laga wariyay.Rasuulka Scw waxa uu dhahay:Qofkii afuriya qof...
17/04/2023

DAY TWENT-SIX:✅

Zayid binu khalid alle haka rali noqdee waxaa laga wariyay.
Rasuulka Scw waxa uu dhahay:
Qofkii afuriya qof sooman,waxa uu leyahay qofkaas soomana ajarkiisa oo kale,ayada oo aan laga naaqusineynin qofkii soomana ajarkiisa.

DAY TWENT-FIVE:✅Cumar binu caas alle haka rali noqdee waxaa laga wariyay.Rasuulka scw waxa uu dhahay: Fadliga u dhaxeeya...
16/04/2023

DAY TWENT-FIVE:✅

Cumar binu caas alle haka rali noqdee waxaa laga wariyay.
Rasuulka scw waxa uu dhahay: Fadliga u dhaxeeya soonkena io soonka Ahlul kitaabka waa saxuurta oo la cuno.

NB: Ahlul kitaab ka waxaa laga wadaa yahuud io nasaaro,waa ay soomi jireen lkn ma aysan saxuuran jirin.saxuurtane barako ayaa ku jirta io in yahuuda la qilaafo.

Lastly: xadiiska waxaan ka rabay Fadlu,waxa ayna iga naqatay Faslu. Waana typing error sidaas la socda. Mahadsanidiin.

DAY TWENT FOUR:✅Caaisha alle haka raali noqdee,waxey aheed mid nabiga ushaleyso ayada oo Xeyd qabta/dhiiga dumarka ku dh...
16/04/2023

DAY TWENT FOUR:✅

Caaisha alle haka raali noqdee,waxey aheed mid nabiga ushaleyso ayada oo Xeyd qabta/dhiiga dumarka ku dhaca,asiga oo masjidka ku ictikaafaya,ayadane waa caaishe ay qolkeeda ku jirtay,madaxiisa ayuu soo raacricinayay rasulka scw.
NB: Guriga caaisha io masjidka waa ay isku dhaganayen.

DAY TWENT THREE:✅Caaisha waxaa laga wariyay alle haka rali noqdee,in ay dhahday:Nabiga scw tobanka danbo markii ay so ga...
14/04/2023

DAY TWENT THREE:✅

Caaisha waxaa laga wariyay alle haka rali noqdee,in ay dhahday:
Nabiga scw tobanka danbo markii ay so gasho hoos guntiga ayuu adkeesan jiray,habenkii waa noolen jiray, ehelkiisane waa uu toosin jiray.

Address

Bakaaro Market. Near Abdulla-shideeye
Mogadishu

Telephone

+252252613902150

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Amaana Online Market posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Amaana Online Market:

Share