04/01/2025
# DRSHIIKHABUUKARHASANMAALIN #
كل من دُعي إلى قبلية، كل من دُعي إلى عصبية، كل من دُعي إلى طائفية، كل من دُعي إلى عنصرية، ففيه خَصْلَة من خصال الجاهلية.
وما أدراك ما الجاهلية؟ الجاهلية هي زمن الفترة: لا دين يُتّبع ولا ربّ يُعبد، إنما يعبد كل إنسان ما تهواه نفسه وتزين له نفسه.
إن العصبية البغيضة والقبلية الممقوتة هي داء العَطَل، والمرض الخبيث، والفيروس الفتّاك القتّال. وهي مُدمرة للشعوب كلها. وما أدراك ما تلك العصبية والقبلية البغيضة؟ العصبية هي أن تعتقد أنك خير من الآخرين: أنك خير من جامع، وحسن، وحسين، وفلان، وهند، وعائشة وما إلى ذلك!
لماذا؟ من أجل لونك، ومن أجل جنسيتك، ومن أجل إقليمك، ومن أجل قبيلتك. لا معيار ولا وزن ولا رادع ولا عقل لديك إلا هذه القبلية البغيضة.
أين المعايير الإسلامية؟ أين تلك المعايير التي وضعها المصطفى صلى الله عليه وسلم؟ أين تلك الموازين التي حددها الرسول صلى الله عليه وسلم بين البشرية؟
أيها المؤمنون بالله ورسوله: لو كان النسب وحده رافعًا ونافعًا، لرفع أبا لهبٍ ذاك القرشي الفاخر، عم رسول الله صلى الله عليه وسلم. لو كان النسب الرفيع رافعًا ونافعًا، لنفع أبا لهب القرشي عم رسول الله صلى الله عليه وسلم، بل أنزل الله في شأنه آيات تُتلى إلى يوم القيامة.
قال رب العزة جل في علاه:
﴿تَبَّتْ يَدَا أَبِي لَهَبٍ وَتَبَّ مَا أَغْنَىٰ عَنْهُ مَالُهُ وَمَا كَسَبَ ﴾
مع أن بلالًا الحبشي، يقول في شأنه المصطفى صلى الله عليه وسلم:
"لقد سمعت دف نعليك في الجنة."
ذاك الحبشي الأسود، يقول له المصطفى صلى الله عليه وسلم:
"لقد سمعت دف نعليك في الجنة."
ويقول المصطفى صلى الله عليه وسلم لذاك الفارسي سلمان الفارسي الصحابي الجليل:
"سلمان منا آل البيت."
قارن ووزن وراعِ بين تلك الأحاديث والآثار مع قوله جل في علاه:
﴿تَبَّتْ يَدَا أَبِي لَهَبٍ وَتَبَّ مَا أَغْنَىٰ عَنْهُ مَالُهُ وَمَا كَسَبَ ﴾
﴿سَيَصْلَىٰ نَارًا ذَاتَ لَهَبٍ وَامْرَأَتُهُ حَمَّالَةَ الْحَطَبِ فِي جِيدِهَا حَبْلٌ مِّن مَّسَدٍ ﴾
ألا إنما التقوى هي العز والكرم، وحبك للدنيا هو الفقر والعدم. فليس على عبد تقي نقي نقِيصة إذا صححت تقوى وإن حاك أو حجم
__________________________________________________
"Qof kasta oo dadka ugu yeera qabyaalad, cunsuriyad, ama xagjirnimo qabiil, wuxuu leeyahay sifo ka mid ah sifooyinkii jaahiliga.
Maxaadse ka taqaan jaahiliga? Jaahiligu waa xilli aan diin la raacin, Rabbi-na aan la caabudin. Waxaa lagu noolaaday in qof walba uu caabudo waxa naftiisu jeceshahay, qalbigiisana u qurxiso.
Qabyaaladda iyo cunsuriyadda foosha xun waa cudur halis ah, waa xanuun khatar badan oo bulshada burburiya. Waxay noqonaysaa mid dilaysa ummad dhan.
Maxaadse ka ogtahay qabyaaladdaas foosha xun? Qabyaaladdu waa inaad aaminto inaad ka wanaagsan tahay dadka kale: inaad ka wanaagsan tahay Jamaal, Xasan, Xuseen, iyo dadka kale.
Maxay tahay sababtu? Waa keliya midabkaaga, jinsiyaddaada, degaankaaga, ama qabiilkaaga. Ma jirto miisaan, caqli, ama wax kale oo kaa celinaya qabyaaladdaas foosha xun.
Meeqo ayaad ka ogtahay miisaannada Islaamka? Meeqo ayaad ka ogtahay xeerarka uu dejiyay Nebi Muxammad (NNKH)?
Bal arag! Haddii qabiilka iyo dhalashada kaliya ay dadka kor u qaadi lahaayeen, Abu Lahab – oo ahaa qof sharaf badan oo Qureyshi ah, isla markaana adeer u ahaa Nebiga (NNKH) – wuxuu ahaan lahaa qof badbaaday.
Haddii qabiilka sare uu wax faa’iido ah lahaan lahaa, wuxuu Abu Lahab uga faa’iideen lahaa qabiilkiisa. Laakiin, Eebbe wuxuu ka soo dejiyay aayado lagu akhriyo illaa qiyaamaha:
Waxaa halagsamay Abu Lahab iyo gacmihiisa. Mana anfici doono maalkiisa iyo waxa uu shaqaystay.
Dhanka kale, Nebigu (NNKH) wuxuu ku sheegay Bilaal – oo ahaa nin madow oo Xabashi ah – inuu janno galay:
“Waan maqlay guuxa kabahaaga ee jannada kasi yeeraya ! .”
Wuxuu sidoo kale Nebigu (NNKH) ku tilmaamay Salmaan Al-Faarisii – oo ahaa nin ajnabi ah – inuu yahay qof ka mid ah ehelkiisa:
“Salmaan wuxuu ka mid yahay ehelka Nebiga.”
Haddaba isku miisaami warka Eebbe ku sheegay Abu Lahab iyo sharafta uu siiyay Bilaal iyo Salmaan.
Haddaba ogaada, in taqwadu tahay sharaf iyo karaamo, laakiin jacaylka adduunka uu yahay faqri iyo baaba’.
Ruux taqwo leh ma laha cay iyo ceeb haddii uu wanaajiyo camalkiisa, xataa haddii uu faqri yahay ama xoolo yar yahay.
Sidaas waxa yiri gabyaagii caanka ahaa ee Abuu Alcataahiya:
> Taqwadu waa sharaf iyo xurmeyn,
Adduunyadana jacaylkeedu waa dulli iyo qashqash.
Ruuxii xalaaleeya ma yeesho ceeb.
Xitaa hadduu faqiir yahay ama cidhiidhi ku jiro."