Farhan Abdi Faey

Farhan Abdi Faey Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Farhan Abdi Faey, Professional Service, 30street, Mogadishu.

29/04/2023

Qaab dhismeedka Maamulada Soomaaliya

Siyaasadda soomaaliya waxay soo martay isbedbedel badan. Intii uu socday Dagaalkii sokeeye kaaso dhaliyay burbur farabadan dawladdii Hantiwadaag kadib 1990, Soomaalida waxaa loo sameeyay Dastuur, Federaal ah iyo Maamul Goboleed kuwaas oo ku yimid qaabab kala duwan, waxaa samaysamay Somaliland taasoo sheegatay in ay tahay dawlad madax banaan kana go'day Soomaaliya inteeda kale, shacabka Soomaaliyeed raalli k**a noqon goosashada Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya 1991. Waxaa sidoo kala samaysmay Puntland 1998 taasoo ay sameysteen beelaha dega Bari, Bugaal iyo woqooyiga Mudug, waxaa sidoo kale la sameeyay Galmudug 2010. Horraantii 2000 waxaa la soo dhisay dawlad ku meel gaar ah waxaana madaxweyne ka noqday. Dott Cabdiqaasim Salaad Xassan (TNG) waxaa ku xigtay dawladii Federaalka ku meelgaarka ahayd ee loo yaqiin (TFG) 2004 waxaana madaxweyne ka noqday Cabdullaahi Yuusuf Axmed taasoo dalka galisay burbur horle waxayna soo galisay dalka ciidamada Itoobiya.[5] Midowga Maxk**adaha Islaamiga ayaa gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya isku fidiyay taasoo ka caraysiisay Itoobiya una aragtay fusad ay kula dagaalami karto ficilada ay sameeyeen. Markii meesha laga saaray Maxaakiimta ayaa waxaa soo baxay kooxo la magacbaxay Muqaawamo kana aas aasamay magaalada Muqdisho intii ay socotay muqaawamada waxaa barbar socday wadahadal UN-ka loo maray kaasoo uu garwadeen ka ahaa Axmed Walad Cabadlla keentayna in laga saaro Itoobiya dalka Soomaaliya bartamihii sanadkii 2009. Waxaa maxaakiimta ka farcamay kooxda Al-Shabaab taasoo dalka dhibaatadii ka jirtay sii murjisay, taasoo dagaal la gashay dawlad lagu soo dhisay dalka Jabuuti Madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Axmed 2010-2011 dagaal ba'an ku dhexmaray magaalada muqdisho iyo nawaaxigeeda, Madaxweyne Shariif xoogaa rajo ah ayay soo celisay Dawladdiisii loogu magacdaray Midnimo Qaran dawladdaas oo muqdisho ka fogaysay qatartii Al-shabaab iyadoo gacan ka helaysa AMISOM wuxuu diyaariyay doorasho aad loogu riyaaqay,[73] kaasoo xilka si nabad ah ugu wareejiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaana taa xigay dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud taasoo ku guulaysatay isu soo dhoweyn Soomaalida dhexdeeda ah iyo dastuurka oo loo hogaansamo.

21/11/2018

Address

30street
Mogadishu
252

Telephone

615578950

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Farhan Abdi Faey posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share