06/12/2024
Dhibaatooyinka Tahriib-ka ay inta badan kala kulmaan Dhallinyaradeenna Soomaaliyeed iyo Mahadhooyinka uu ku reebo Qoysaskooda waa mid runtii aad iyo aad u murugo badan.
Kumannaan Dhallinyaro Soomaali Tahriibayaal ah ayaa ku xiran Xabsiyada Caalamka, kuwaa oo qaarkood Qoysaskoodii ka samreen.
Dhawaantaan ayey ahayd markii la soo wariyay in Dhallinyaro 30 ku dhaw oo Soomaali ah ay ku dhinteen markii laba doon oo siday tahriibayaal ay ku qalibmeen xeebaha Madagascar..Dhacdadaas waxa ay iftiimineysaa in tahriibtii dhalinyarada iyo halistii badaha ay dib u soo cusboonaatay.
Inkastoo dufuuro muuqda ay dalkeenna ka jiraan haddana waxa yaab leh Qof Og inaan wax ka horreeya iyo wax ka danbeeya midna jirin uu iska dhaqaaqo una bareero Ciqaab aad u daran.
Cali Aadan Muumin