07/09/2026
SAADAASHA DAYRTA
Kolka aad raac-raacdid oraahyadii iyo suugaantii Soomaalidii h**e , waxaa kuu soo baxaya in ay jireen wax yaabo ay ka saadaalin jireen xilli-roobaadka markaa lagu jiro , ama soo socda, waxaana ka mid ah:-
1.Sagalka iyo Moodda: Soomaalidii h**e waxay oran jireen , sagalku guga ayuu ku caano badiyaa , moodduna dayrta.
Hadday marka mood arkaan xilliga guga, waxay oranjireen waa calaamad ku tusinaysa in gugaasi roob yaryahay , Allaa roobka hayee, oo waxay oranjireen,”gu’ moodloow riyo madoobeeye” , oo ay ula jeedaan riyuhu daaq fiican ma helayaan maadaama gugu seeg-seegyahay.
Sidaa si la mid ah ,dayrta hadday arkaan Sagal , waxay oran jireen waa calaamad ku tusinaysa in dayrtaasi roobyartahay , Allaa roobka hayee, oo waxay oran jireen,” Dayr dabada sagal ku leh iyo naag sakiiro leh waa laga subxaanalaystaa” .
Sakiirtuna , waa dalbaha , oo ah: in qofka jilbihiisu isu soo dhawaadaan , waana ceeb baa la yiri kolka ay hablaha gasho .
FIIRO GAAR AH: Sagalku: Waa daliigo cas-cas, oo moodda galabeed u eg, oo xilliga roobka aroortii cirka ku dhigma , halka mooddu tahay iyana: Daliigo cas-cas, oo safalka aroortii u eg, oo xilliga roobka galabkii cirka ku dhigma.
2.Cuurranaanta iyo Caadaynta: Soomaalidii h**e waxay oran jireen, cirka in ay daruuri ka buuxdo , kolka uusan da’ayn , waxay ku gaartahay guga , caadka jilicsanna dayrta.
Haddii marka, gugii caad keeno , dayrtiina cuurranaan keento , waxay oran jireen waa calaamad ku tusinaysa in xilligaasi roob yaryahay ,Allaa roobka hayee, oo waa tii oraahdii ahayd:-
Gu'caad leh iyo deyr cuurleh , midna caano badan ma yeesho.
Kol kale waxay yirahadaan , iyagoo dayrta ka hadlaya, “ ama ha diirnaato ama ha da’ayso”.
3.Caad iyo Ciiro: soomaalidii h**e waxay oran jireen caadka jilicsan dayrta ayaa ku caana badisa ,sidaan soo sheegnay , ciiradana guga , oo waatan la yiraahdo roobabka da’a bisha Daydo/Amminla’/Habar-ari oo mar gu’ noqota, “ amminla’ ciiraley”.
Haddi marka ay is daba maraan , oo gugii caad keeno ama dayrtii ciiro keento , waxay oran jireen waa calaamad ku tusinaysa in xilli-roobaadkaasi roob yar yahay ,Allaa roobka hayee, oo waa tii heestii ahayd:-
Gugi caadliyo
dayrti ciiro leh
Meeshi cawsliyo
ceel wiyeeraa
Looga caynshaa/looga cararaa
_Hees h**e
4.Soo guridda cawayska iyo faydidda carraabada : Soomaalidii h**e waxay oran jireen, guga waa in cirku xiranyahay ilaa habeenkii, dayrtana waa in ay faydantahay , oo caad jilicsan leedahay.
Haddii marka ,xilliga guga , cirku faydmo Qorraxda oo aan dhicin ,dayrtiina daruur soo saarto cawaysinka , waxay oran jireen waa calaamad ku tusinaysa roob yaraan , Alle ayaa roobka hayee, oo waa tii heestii ahayd:-
Gu’ carraabiyo
Dayr cawaysina
Meeshi cawsliyo
Ceel wiyeeraa
Looga cararaa/looga caynshaa
5.Samaysanka Godada:Soomaalidii h**e waxay oran jireen, haddii Godo la arko (oo loola jeedo caadyar, oo soo godan, oo cirka ku samaysma) xilliga dayrta la sugayo, waa astaan ku tusinaysa in ay dayrtaasi wanaagsan tahay, oo waa tay lahaayeen wiilashii geela shubayay,
“ Sida Godada cir
Ma is godeenoo
Ma is golxeeyeen”.
Geeljiruhuna waa iyagii ku ducaysan jiray;-
“Godooy galabtii
Geelu kaa dharag”.
GAAR AH: Roobka Alle ayaa haya oo shuba xilliga uu doono.
WQ: Cirday