USE24 Documentation

USE24 Documentation Documentation is to save you time doing what you like: we write all of your documentation so you can focus on your product .

USE24 Global management Consultants that helping you to be significantly more efficient, effective and financially profitable our global management consulting services focus on our clients’ most critical issues and opportunities strategy, marketing, organization, operations, technology, transformation, digital, advanced analytics, corporate finance, mergers & acquisitions and sustainability acro

ss all industries and geographies

Our Mission

Help leaders in the commercial, public, and social sectors develop a deeper understanding of the evolution of the global economy and to provide a fact base to help decision making on critical issues

Our Vision

Is to be best leading consulting firm operating worldwide to save you time doing what you like

www.use24.org
[email protected]
252-615344480
252-617219997

MADAXWEYNAHA JFS OO U MAGACAABAY MUDANE XUSEEN MACALLIN MAXAMUUD SHEEKH LATALIYAHA AMNIGA QARANKAMuqdisho, May 24, 2022;...
25/05/2022

MADAXWEYNAHA JFS OO U MAGACAABAY MUDANE XUSEEN MACALLIN MAXAMUUD SHEEKH LATALIYAHA AMNIGA QARANKA

Muqdisho, May 24, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali, Lataliyaha Amniga Qaranka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Xuseen Macallin Maxamuud uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Mudane Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa h**ey u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad, Lataliye Sare oo dhanka Amniga iyo Ladagaallanka Argagixisada ah Madaxweynihii 8-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka, isagoona ka soo qabtay xilal sarsare Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka .

Ra'iisal wasaaraha XFS Mahamed Xuseen Rooble ayaa baabi'iyay warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab wa...
24/05/2022

Ra'iisal wasaaraha XFS Mahamed Xuseen Rooble ayaa baabi'iyay warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xernaa xeebaha dalka Cumaan.

Sido kale Ra'iisal wasaaraha dalka ayaa shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha debadda Cabdisaciid Muuse Cali .

Lifaaqa hoose ka aqri Warqadaha wasaaradda arrimaha dibadda XFS .

Guddiga Tartanka Adeega Xajka 1443 ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arr Diinta XFS ayaa soo saaray Liiska guuleystayaasha horu...
23/05/2022

Guddiga Tartanka Adeega Xajka 1443 ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arr Diinta XFS ayaa soo saaray Liiska guuleystayaasha horudhaca ah ee Tartanka Adeega Xajka 1443/2022.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAGACAABAY AGAASIME KU-XIGEENKA GUUD EE MADAXTOOYADAMuqdisho, May 23, 2022; Madaxwey...
23/05/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAGACAABAY AGAASIME KU-XIGEENKA GUUD EE MADAXTOOYADA

Muqdisho, May 23, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan u magacaabay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin waa aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika. Waxa uu h**e u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda aynu ku leennahay dalka Kenya.

MADAXWEYNAHA JFS OO U MAGACAABAY MUDANE XUSEEN SHEEKH MAXAMUUD XILKA AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADAMuqdisho, May 23, 20...
23/05/2022

MADAXWEYNAHA JFS OO U MAGACAABAY MUDANE XUSEEN SHEEKH MAXAMUUD XILKA AGAASIMAHA GUUD EE MADAXTOOYADA

Muqdisho, May 23, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Xuseen Sheekh uu tusaale u yahay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee dib u dhiska dowladnimada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo uu ku bixiyey waqti badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey in uu u fududeeyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka gudashada waajibaadka horyaalla, waxa uuna uga mahad-celiyey Agaasimihii H**e ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise dadaalka uu bixiyey muddadii uu xilkan hayey.

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud oo h**ey u soo noqday Sanatar ka tirsan Golaha Aqalka Sare ayaa sanadkii 1982 waxa uu ku dhashay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, waxbarashada aas-aasiga ah iyo Jaamacadda heerka 1-aadna waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho, Waxbarashada heerka Labaad ee Jaamacaddana (Master Degree) waxa uu ka diyaariyey Daraasaadka Horumarinta, halka uu haatan ku guda jira takhasusuka Phd-ga ee Nabadda iyo Arrimaha Dowliga ah.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa ku wargaliyay Ra’iisul Wasaaraha XFS joojinta Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maare...
22/05/2022

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa ku wargaliyay Ra’iisul Wasaaraha XFS joojinta Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda oo ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen Khamiistii (11.05.2022)

Xeer-nidaamiyaha la ansixiyay ayaa waxaa ku jira khaladaad sharci iyo Qodobbo kasoo horjeeda Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud (PFM Act 2019) iyo Sharciga Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, kuwaasi oo wiiqaya hannaanka loo maamulo islamarkaana loo korjoogteeyo hantida Ummadda.

Sidaas si la mid, Xafiiska ayaa 11kii Nofeembar 2021 joojiyay dhaqangalinta Xeerkan oo aan markii h**eba marin habraacyadii saxda ahaa (Eeg lifaaqa 2aad).

Muqdisho, May 16, 2022:Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...
16/05/2022

Muqdisho, May 16, 2022:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta salaan iyo hambalyo ugu tagay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal, waxaana labada masuul kulan koodi ahaa is xog-wareysi iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah.

Farriinta Guddoomiyaha Qoondada Haweenka Doorashooyinka Soomaaliya Faadumo Maxamed ee ku aaddan doorashada Madaxweynaha ...
13/05/2022

Farriinta Guddoomiyaha Qoondada Haweenka Doorashooyinka Soomaaliya Faadumo Maxamed ee ku aaddan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

“ Doorashada Soomaaliya; 2020-2022.

Doorashada Soomaaliya, waxay soo martay marxalado kala keddisan. Waa doorashadii ugu waqtiga dheerayd dunida. Cibro qaadasho ku filan!

Dad wada dhashay oo lagu kala dhex jiro goor iyo ayaan. Nasiib darro, heshiiska ayaan gadaal-gadaal ka soo billownaa. Qodobka ugu horreeya innaga oo ku heshiin karna ayaan is jiid-jiid dheer ka dib meeshii aan ka billownay ku dhammeynaa. Runta isuma sheegno. Isma ceshan karno oo qofba qummanihiisa ayaa qoorta ugu jira.

2020-kii doorashada la soo billaabay ayaa maanta mareysa heerkan gabogabada ah. Duruuf kala duwan ayaa lagu soo shaqeeyey. Hadafkuna wuxuu ahaa doorasho lagu wada qanacsanyahay inay dhacdo.

Doorashadu xasaanad bay kaa qaaddaa midna way ku saartaa. Adiga oo shalay hub, gaadiid, dhaqaale, ciidan iyo cududba haystay ayaad barri gurigaaga kelinimo kaga soo toostaa, waxaa ku beddali kara kii aan shalay kula kulmi karin. Waxaana laga yaabaa inuu bulshada kaaga waxtar bato ama adiga laguu darsado dabadeedna mar kale laguu cimaamado.

Wanaagga dowladnimaduse waxay tahay inaad sii deyso xadhigga lagaaga dhago, hoggaamintuna waa tanaasul iyo kala danbeyn. Shuruuc iyo xeerar la wada dhowrto. Beri danbe, waa waxaa innaga xiga oo kaliya wad, saacado kooban oo la tirin karo weeye. Qofkii nolol rabbi ku gaarsiiyo, gaar ahaan Xildhibaannada Sharafta leh waxaan ka codsaneynaa doorashadii aan dedaalka ku soo bixinnay, khatar amni iyo mid siyaasadeedba aan u qaadannay, gunaanadkeeda waxaa ka dhimman oo kaliya doorashada Madaxweynaha oo 15 May, 2022 la qorsheeyey in la dhammeystiro.

Taariikhda dahabka ah ee maalintani ku asteysantahay waan ka wada dharagsannahay, SYL; Baarlamaanoow dalkiinna, dadkiinna iyo diintiinnuba waxay idiinka baahanyihiin hiil. Qalinkiinna ayuu masiirka dalkiinnu ku xiranyahay. Maalintaas ayaa hiil la idinka rabaa, fadlan dhowra ballanka, dhaarta iyo axdida aad qaaddeen, dhuuni raac ha noqonina; iibsada xasaanadda iyo masuuliyadda, taas beddalkeed codkiinna ku cibaadeysta.

Soomaaliweyn aan wada guuleysanno idilkeen.”

Guddiga Baarlamaanka ee Doorashada Madaxwaynaha  oo diyaariyay Hoolka Doorashada teendhada Afisyooni.
13/05/2022

Guddiga Baarlamaanka ee Doorashada Madaxwaynaha oo diyaariyay Hoolka Doorashada teendhada Afisyooni.

War saxaafadeed  Barnaamijka tababbar-shaqo ee ardayda Jaamacadaha ka qalinjebisaySi loo xoojiyo daraasadda diblomaasiya...
12/05/2022

War saxaafadeed

Barnaamijka tababbar-shaqo ee ardayda Jaamacadaha ka qalinjebisay

Si loo xoojiyo daraasadda diblomaasiyadda iyo arrimaha caalamiga, 5 April, 2022 , Waxa ay Wasaaraddu shaacisay baaq furan oo ay codsiyada ku soo gudbisanayeen ardayda si ay uga faaideystaan barnaamijka tababbarka shaqo. Barnaamijka oo loo gaar yeellay ardayda dhowaan qalinjebisay ayaa dadka codsiyada soo gudbistay ee loo xushay howsha ay fursad u siinaysaa in ay si kaltan ah uga shaqeeyaan Waaxyaha Wasaaradda muddo lix bilood ah.

Kadib faafintiisii, waxaa codsiga soo gudbistay 486 qof , waxaa laga xushay 50 qof oo la sii kala xulay, waxaa ugu dambayntii ku guulaystay xulitaankii tiro sideed ( 8 ) ruux ah. Sida muuqata, codsiyadu waxa ay ka tira-bateen fursadaha shaqooyinka bannaan, taasi oo muujinaysa baahida loo qabo in la ballaariyo barnaamijyada noocaan oo kale ah ee Wasaaraddu soo bandhigto.

Wasaaraddu waxa ay u hambalyeynaysaa codsadayaasha sideeda ah ee xulashada iyo imtixaanka ku soo baxay, waxa ayna ka rajaynaysaa in barnaamijku ka qayb qaadan doono abaabulka iyo h**e-u-socodsiinta yididdiilada dhalinyarada qalin-jabisay ee ah inay ka qayb qaataan dadaallada dowlad dhisidda Soomaaliya.

Muqdisho, Soomaaliya
12 May, 2022

-> # # #

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa iyo xarunta Xukuumadda ku qaabilay halgamaa Cabdika...
12/05/2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa iyo xarunta Xukuumadda ku qaabilay halgamaa Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax oo sanadkii 2017-kii si sharciga baar marsan loogu gacan galiyay Dowladda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qalbi dhagax ka xaalmariyay gaboodfalkii lagula kacay isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Jannaayo ee sanadkan baa’isay go’aan ay horay u gaareen Golaha Wasiirradu, kaas oo Qalbi dhagax iyo ONLF ku tilmaamay argagixiso.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Halgamaa Cabdikariim Sh. Muuse Qalbidhagax huwiyay calanka jamhuuriyadda, guddoonsiiyayna billad, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen, muwaadinkan Soomaaliyeed ee sida gardarrada ah loogu gacan galiyay dal shisheeye.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan casho ah la yeeshay 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu soo...
11/05/2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan casho ah la yeeshay 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, isagoo ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran, kuna boorriyay in ay dalkooda si hufan ugu adeegaan.

Address

Agagarka Wadada 30 Ka
Mogadishu
MASJIDKANASRUDIIN

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when USE24 Documentation posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to USE24 Documentation:

Share