07/08/2018
Blood pressure (cadaadiska dhiiga)
Bismi lah.
Da'daadu ha yaraato amaba ha weynaato waxaa kugu haboon inaad samayso (Check) baadhis pressureka dhiigaaga.
haddii aad ogaato in cadaadiska dhiigaagaa uu sareeyo sida 130/90. khatar ayaad ugu jirtaa cuduro dilaa ah ama ku naafeeya.
Normalku waa 120/80 iyo waxa kii yar.
Dhiig kar waxa lagu suntaa marka cadaadisku noqdo 140/90 iyo wixii ka badan hadaad h**e u ogaato in dhiigaagu kacsanyahay waxaad heli faaido dhan inaad yarayso khatarta kugu iman karta ee
-Stroke
-wadna xanuun (MI)..
-kalyo xanuun.
xanuunkani waxaa loo yaqaan dilaaga aamusan
waa sababta koowad keenta Stroke dhiig maskaxda ku furma
way fududahay inaad iska baadho maalin walba waxaad heli kartaa qalab digital ah oo guriga aad ku isticmaasho oo aan ka badnayn $10-20.
Dadka waalidkood dhiig kar ay leeyihiin, ama isaguba miisaankiisu badan yahay, isla markaana sigaarka cabaa, waa ka khatar badan yahay dadka kale inuu ku dhaco dhiig karku.
waxaad ku yarayn kartaa khatrtaa adiga oo sameeya :
1. Jimicsi maalin walba (20-30) daqiiqo
2. Sigaarka oo aad joojiso
3. Cunto milix yar oo aad cunto.
4. Cuntada macdanta Potassium ku jirto oo aad badsato, sida (muuska, kalluunka, beans,)
Haddii aad iskaga shakidid la xidhiidh Doctor.
W/Q DR.YALAXOOW