Codka Daryeelka Masaakiinta

Codka Daryeelka Masaakiinta Halkaan ku xayaysiiso inta hoos ku qoran. Beeciyaha Alaabaha dukaamada. Beeciyaha Xarumaha Ganacsiga. Beeciyaha Guryaha ama Bosaska banaan.

Beeciyaha Baaburta Celiska. Keraynta Guryaha iyo Meheradaha ganacsiga.

Thanks for being a top engager and making it on to my weekly engagement list! 🎉 Buleey Kismayo, Sh Xaaji Maye, Cade Cali...
16/07/2024

Thanks for being a top engager and making it on to my weekly engagement list! 🎉 Buleey Kismayo, Sh Xaaji Maye, Cade Cali Cade, Sahro Atoore

14/07/2024

Number-ka hooyadani waakan +252616887589

14/07/2024
11/07/2024

ku sali Rasuulkeena SCW

10/07/2024

Ha dhaafin walaal kalaamka alle ee shar-gareey

08/07/2024

Waa hooyo waayeel ah aan waxba heysan Number-keeda waakan +252616887589 waxaad awoodo ku sadaqeyso.

Share ku caawi si ay u garaan walalaha muxsiniinta.

08/07/2024

Walaashey Ama Walaalkey Ma Ogtahay in ay Waajib kugu Tahay Haddii Lagu Weeydiiyo Todobadan Su`aalood inaad Kaga Jawaabi Karto Si Cilmiyeeysan.?

Hadaba Waa Kuwee Su`aalaha Todobada ah Ee La Sheegayo.?

Q: 1 " Su`aasha Kowaad : Waa Maxay Acraaf.?

Ans: 1: Acraaf Waa Goob U dhaxeeyso Naarta iyo Janada Waxaa Lagu magacaabaa " Al-Acraaf"
Waa darbi Aad U Weeyn joog dheer leh

Asxaabta dushiisa Saaran ay Ka daawanayaan Ehlu-janaha iyo Nimcooyiinka ay dhax dabaalanayaan iyo Kuwa Ehlu-Naarka iyo Cuquubada Haysata

Jamaacadaas Ugu dambeeyn Rabbigood ayaa U Ogolaanayo in ay jannada Ku galaan Naxariistiisa

Culumada islaamka Waa ay isku khilaafeen Qoloda Meesha saaran yeey yihiin Lkn Sida Raajaxa ah Waa Qoom isla ekaadeen Xumaantoodii iyo Samantoodii .

Q: 2 " Su`aasha Labaad: Halkee Kaa jirtaa jannada.?

Ans: 2" Jannadu Waxeey Ku taallaa Todoba Samo Ka kore Marka Uu Allah Duubayo Samooyiinka iyo dhulalka todobada ah Sida Warqado camal Jannada ayada Waa Hareysaa

Ma Ku jirto Waxa La laabayo Mana dhamaaneyso mana Zuuleyso Saqafkeeda Korane Waa Carshiga Raxmaanka jalla wacala

Q: 3" Su`aasha Sadaxaad: Halkee Naarta Kaa Jirtaa.?

Ans: 3" Naartu Waxeey Ku taalla goob Ka hooseyso todobada Dhul Waxaa Lagu Magacaabaa goobtaas ، سجين"Sijiin
Allah Waxaa Uu Nooga Waramay in Uu abuuray todobo samo iyo todobo dhulal Oo la mid ah
{ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَمِنَ الْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ }:
Sijiin " : Waa Meesha dhulalka Ugu hooseyso ayeey Ka sii hooseysaa.

Xadiithkan ayaa Daliil U ah Oo Laga Wariyay Ibnu Mascuud Allah Ka ralli Noqdo
عن ابن مسعود قال : " الْجَنَّةُ فِي السَّمَاء
السَّابِعَةِ الْعُلْيَا، وَالنَّارُ فِي الْأَرْضِ السَّابِعَةِ السُّفْلَى"

"Ka dib Waxaa Uu aqriyay Aayadaan
" إِنَّ كِتَابَ الْأَبْرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ) المطففين" ، إِنَّ كِتَابَ الْفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ" المطففين"

Q: 4 " Su'aasha Afaraad: Qiyaasta Halka Maalin Ee Qiyaame immisa ayeey La Egtahay.?

Ans: 4" Qiyaasta Halkii Maalin Ee Qiyaamaha Waxeey la egtahay 50.000 Sanadod Allah Mar Uu Ka Waramayay Waxaa Uu yiri" قال تعالى : { تَعْرُجُ الْمَلَائِكَةُ وَالرُّوحُ إِلَيْهِ فِي يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ } .

Abdullahi ,Ibnu Cabaas: Allah Ka ralli Noqdee Waxaa laga Wariyay in Uu yiri " Maalinta Qiyaame Waxaa La istagayaa Konton Gobood Halkii Goobne Waxaa la taagnanaa Konton Kun Oo sanadod " .Cajiib !!

Q: 5" Su'aasha Shanaad: Maxaa Laga Wadaa Sidratul-muntahaa .?

Ans: 5 " Sidratul-Muntahaa Waa Geed Aad u Weyn Oo Caleemankiisa iyo Xididisa Ku yaalllaan Samada todobaad Caleemankeeda Waa Sida dhagaha Xayawanka Marodiga

Goob dhinaceeda ah ayuu Rasuulka csw Waxa Uu Ku arkay Sayid jabriil Suuradisa Xaqiiqda aheeyd Markii labaad Markii Kowaad Waxeey aheyd Magaalada Mar Uu Ku Arkay makka-Almukarama Buurta" ajyaad, dhinaceeda

Q: 6" Su'aasha Lixaad : Maxeey yihiin gabdhaha Ku dhex Nool janada Ee lagu magacaabo" Xuurul-Ciin".?

Ans: 6" Waa Xaasaska Ragga Mu'mininta ah Marka ay janada galaan Jinni iyo insi toona Korkooda ma taaban , Malaa'igne ma ahan

Allaah ayaa Jannada Ku dhex Abuuray Mid gabdhahaas ka mid ah Haddii ay Aduunka soo Eegto Qorraxda iftiinkeda ayada ayaa qarin laheed.

Q: 7" Su'aasha Todobaad: Waa Kuma Wiilasha jannada lagu waariyay.?

Ans: 7 " Waa Wiilal dhalanyar Oo adeegayaal U ah Ehlu-janaha insi iyo jinni Midna Ma ahan Xitaa malaa'ig ma ahan Alla ayaa Abuuray siduu abuuray Oo kale Xuurul-ciinta gabdhaha.

Wiilashaa Allah marka Uu Kawaramayay Quruxdooda Waxaa Uu Ku Miithaalay Lu'Lu' Waxaa Uuna yiri" :
(ويطوف عليهم ولدان مخلدون إذا رأيتهم حسبتهم لؤلؤا منثورا} :

Haddaad Ka Mid Noqotay dadka in ay aqristaan Nasibka U yeeshay Qoraalkan Waxaad soo qortaa Magac Ka mid ah magacyada 99ka Ee Uu rabigeen Weyne leeyahy الرحمن " الرحيم ا

29/05/2024

Aan ku Salino Rasuulkeena (SCW)
Share-garey oo ha dhaafin walaal

28/05/2024

Qisooyin Cajiiba "Faa'idada Sadaqada ay inoo leedahay"

Address

Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Codka Daryeelka Masaakiinta posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share