Tayo online Academ

Tayo online Academ online wax ku baro adiga oo jooga gurigaada ama goobtaada ganacsi maaado walboo oo aad jeceshahay walaal . fursad hal mar ayey kuso Marta ka faideysi wacan

Tayo electronics repairing Waxaad ka heleysaa farsamo aad u sareyso ,Fadlan kala xiriir Tell: 0612335586
01/12/2019

Tayo electronics repairing
Waxaad ka heleysaa farsamo aad u sareyso ,
Fadlan kala xiriir Tell: 0612335586

04/12/2018

MACMIIL MAXAA KAA CILADAYSAN?.
***************************************

Asc Hambalyo Hambalyo Hambalyo waxa awood leh alahii soonkeena nagu dhameeyay barwaaqo bash bash oo nasoo gaarsiiyay maa...
14/06/2018

Asc Hambalyo Hambalyo Hambalyo waxa awood leh alahii soonkeena nagu dhameeyay barwaaqo bash bash oo nasoo gaarsiiyay maalinta faraxadaan ciida ah .
Waxan ardaydeena ugu bishaareyneynaa in ay ku cidaan farxad bash bash barwaqo meyl kastoo ay jogaan .
Mention sxbkaa aad jeceshaay in aad utahniyeydo qeybta comment oo ka wac halkan .
MAHADSANIDIIN

Manhaj ka Durdur online Academy iyo sida ay isugu xigaan Barnaamij-yadu Halkan ka baroOGEYSIISBishaaro.           Bishaa...
23/05/2018

Manhaj ka Durdur online Academy iyo sida ay isugu xigaan Barnaamij-yadu Halkan ka baro

OGEYSIIS

Bishaaro. Bishaaro. Bishaaro Shuruudaha Ardayga Raba inuu Online (Internet) Wax ku barto asagoo jooga xaafadiisa ama goobtiisa shaqada durdur online :
Waa inuu haystaa Computer ama telefoonka (uu u yaalaa goobta shaqada ama xaafadiisa).
Waa inuu haystaa Internet , waa in uu isticmaalaa whatsapp ama E-mail .
Waa inuu Magaciisa oo saddexan, ku soo diraa cinwaankan email kan [email protected] ama lambarkan whatsappka 0613047756 kuso diraa , si bilkasta ama isbuuc walba laguugu soo diro Kooraska ku haboon halka ay aqoontaadu marayso.
Waa inuu Bilkasta bixiyaa lacagta kooraska aad baraneyso tuusa la ahan hada ubahantahy kooraska ku saabsan computer science lacagta 15 doolar waxaana kusoo diree Evc-plus lambarkan 0613047756 ama soo dhigee Salaam Somali Bank Akoonka Nambarkiisu yahay: 31481457
Waa inuu diyaar u yahay Bilkasta 1 deeda inuu imtixaan galo, lagu qiimeynayo waxa uu bartay bishaas.
Waa inuu diyaar u yahay inuu la tartamo ardayda Xarumaha sida joogtada ah wax uga barta.


Fiiro Gaar ah:

Ardayga Online ka wax ku baranayaa wuxuu heleyaa oo Email kiisa ama lambarkisa loogu soo dirayaa Buugaagt Casharada iyo casharadii oo ah maqal iyo muuqaal (Videos). iyaga oo ah i tus oo i taabsii hadba kooraska uu marayo insha allaah.
Ardayga Online ka wax ku baranayaa ee is diwaan geliyaa, wuxuu heleyaa Barnaamij-yada IT-ga (Computer Science) oo dhammaan Koorsooyinka lagu dhigto Jaamacadaha.
Ardaygii la hubiyo imtixaankiisa inuu si sax ah u galay natiijo fiicana haystaa, wuxuu heleyaa Shahaadada ku haboon isaga oo soo dirsanaya Sawirkiisa kurka ah, lana xidhiidhaya Cinwaanka Shirkada.
Ardaygii Online ka wax ku bartaa wuxuu caawimo ka heli karaa Xarunta Durdur online Academy ee ugu dhow, isaga oo heli kara dhammaan Koorsooyinka Website ka ku jira iyaga oo toos uu uga dhigan karato.
Wixii intaas dheer waxaad la xidhiidhi kartaa:
Lambarkaan whatsappka kala soo hadal si laguugu so o diro cashirada Lana wadaag wixi akhbaar ah :
Mobile: 0613047756

Email: [email protected]

Fadlan share gareey + like  wixi aan ka taknay meesha commnetiga noogu reeb fadlan . mahadsanid .sidee wax loo baran kar...
23/05/2018

Fadlan share gareey + like wixi aan ka taknay meesha commnetiga noogu reeb fadlan . mahadsanid .

sidee wax loo baran karaa ?
Jawaab
waxa ugu horreeya in marka h**eba aas waxbarashadda isku diyaariso, lana timaado shuruudo ku habboon. Shalay dugsigii dhexe iyo kii hooseba masuuliyadda waxbarashaddaada iyo mustaqbalkaagu adiga gacantaada kuma wada jirin, waxaad haysatay kaalmo. Haddii aad xasuusato miiska aad wax ku akhrinayso waa lagaa tirtiri jiray, haddii ay wax kugu adkaadaan waa lagaa caawin jiray, buuqana iyo dhibkana waa lagaa dhowri jiray. Maanta arrinku sidii ma aha. Mas´uuliyaddu adiga ayey gacanta kuugu jirtaa. Baruhu waa iftiimiye waxa uu kuu sheegayaa waa wax kooban oo kaliya. Waalidkaa talo ayuunbaa idinka dhaxaysa. Waxaa lagaa doonayaa marka h**e in aad waxbarashadda si fiican ula qabsato, waqti u haysid, niyad adagna la timaado, si wax kasta oo kugu adkaada aad uga natiijo uga keento.

Qaado taladan uu aniga barahaygii ii sheegay.

Haddii aad ku dadaasho in aad imtixaanka ku gudubto, waxaa laga yaabaa in aad dhacdo, laakiinse haddii aad ku dadaasho in aad ardayga koowaad noqoto, waxaa dhici karta in aad ugu yaraan ardayga labaad ama seddexaad noqoto. Xiisee waxa barahaagu sheegaayo, akhri buugaag kale oo la mid ah kan aad dhigato. La saaxiib kuwa waxbarashadda aad u xiiseeya ee dadaalaya, haddii aad la saaxiibto kuwa wax walba u arka berri ayaan samayn doonaa, adna sidooda ayaad noqon.

Is waydii saddexdaan su´aalood mar walba:

Maxaan halkan u joogaa?
2. Waa maxay ujeeddada aan ka leeyahay waxbarashaddan?
3. Waa maxay qorshahayga mustaqbalkeyga?

Astaamaha ardayga fiican:

Waa qof soo jeeda oo waxa uu baruhu sheegaayo la socda oo dhug u leh. Waxa lagu yaqaan xusuus qor in uu meesha muhiimka ah qorto ( calaamadaysto). Waxa uu weydiiyaa su´aalo la xiriira mawduuca haddii uu mugdi uga jiro. Ma fiiriyo mana faalleeyo shakhsiyadda iyo qabka horjoogaha, ee waxa uu ka faa´´iidaystaa waxa uu barayo. Ardayga dugsiga sare ku jira waxa laga doonayaa in uu awooddiisa wax akhriska aad u kobciyo, sababta oo ah waxbarashadda inteeda badani waa akhris, oo waxa laga doonayaa in aad muddo gaaban ku soo akhriso buuggaag dhowr ah, isla markaasna ku soo fahamto. Intaas iyo in kaleba adiga laga doonayo haddii aad la timaado waxa hubaal ah in aad waxbarashaddaada ku guulaysanayso, ujeedadii aad lahaydna gaarayso.

Habka ugu fiican ee cashar aad akhrisay aad u xasuusan karto

Akhriska dadku siyaabo kala duwan ayey wax u akhriyaan, taasoo weliba ku xiran xaaladda iyo waxa uu qofku akhrinaayo. Fahmo waxay akhriyeysaa maqaal lugu daabacay wargayska galabtii soo baxa, waa aay daallan tahay oo waxa aay ka timid shaqadda, iyadoo saran bas. Faysal oo aay isku bas saran yihiin ayaa waxa uu isna akhrinayaa waraaqo isku dheggan oo uu barihiisu u qaybiyey ardayda, kuwaas oo uu baruhu si faah-faahsan u dul maray. Faysal waxa uu kaga duwan yahay Fahmo, waxa uu u akhrinayaa si aan deg-deg ahayn. Marka uu meel muhiim ah soo gaaro waxa uu ku calaamadeeynayaa qalin. Si ay hadhow ku soo noqoshadda akhriskiisa iyo wax ka qoriddiisuba ugu sahlanaato, isla markaana uu su´aalaha ugu imaan doona uga jawaabi karo. Labadaa qof ee baska wada saran ayaa tusaale innogu filan,hababka kala duwan ee wax akhrisku ku imaan karo, waxaana fiican in aad sidan yeesho marka aad wax akhrineyso gaar ahaan cashar lagaa sugaayo.

Samee sidan

Dulmar guud ku same cashirka guud oo aad wada akhrisay.
2. Dhug u yeelasho oo hoosta ka xariiq meesha muhiimka ah. ( calaamadee)
3. Kor u akhri oo is maqashii ama qof kale ha kaa dhegeysto, taas micneheedu waa in aad fahantay casharka.
4. In aad wax ka qorto adigoo soo gaabinaya casharka isla markaasna meel kasta oo aay su´aali ka imaan karto aad qiyaasi karto kana jawaabi karto.

By : Durdur Online Academy

23/05/2018

Asc ardayda jecel in ay waxka bartaan online ayagoo jooga gurigooda ama goobtooda ganacsi fadlan hadii aad daneyneyso is diwaan gali hada oo wac telkaan kana hadal whatsappka lambarkan : 0613047756
Dalbo hada maadada aad rabtid ok ka faaideysi wacan .
Fadlan share gareey oo la wadaag asxaabta

Address

Street Makka
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 22:00
Tuesday 08:00 - 22:00
Wednesday 08:00 - 22:00
Thursday 08:00 - 22:00
Friday 10:00 - 20:00
Saturday 08:00 - 22:00
Sunday 08:00 - 22:00

Telephone

0613047756

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tayo online Academ posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share